Barnaamijka meelaynta
Barnaamijka meeleyntu waa taageero qaabkeedu yahay hawlo iyo waxbarasho oo loogu talogalay ajaanibka dalka ku cusub. Hadafkuna waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu barato afka iswiidhishka oo aad shaqo ugu hesho oo adigu masruufkaaga u la soo baxdo.
Oo ku saabsan barnaamijka meeleynta
Waxaan filinkaan uga sheekeyneynnaa taagerada iyo caawimaadda aad heli karto iyo waxa adiga lagaaga baahan yahay si aad u bilowdo waxbarasho ama shaqo.
Waa maxay barnaamijka meelaynta?
Waa barnaamij ka kooban hawlo u habaysan shakhsiyan iyo taageero, taas oo lagu daray in adigu aad si fir-fircoon u raadsato shaqo. Hadafkuna waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu barato afka iswiidhishka oo aad shaqo ugu hesho oo adigu masruufkaaga u la soo baxdo.
Yaa ka qayb qaadan kara barnaamijkan?
Waad ka qayb qaadan kartaa barnaamijkan haddii aad buuxisay 20 laakiin aanad ahayn 65 sano oo dhawaan heshay sharciga deganaansho ee qaxoonti ahaan, gabood u baahan ama qaraabo.
Tani ayaad samayn kartaa dhinaca barnaamijkan
Adiga iyo shaqo dhex-dhexaadiyahaaga ayaa qorshaynaya nooca hawlaha adiga kugu haboon si aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u baratid iswiidhishka una heshid shaqo. Waa kuwan dhowr tusaale oo ka mid ah hawlahan:
- waxbarasho luqadeed looguna talogalay adigaaga aan haysan aqoonta aasaasiga ah ee iswiidhishka, Iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka (SFI)
- waxbarashada maadooyinka cilmiga bulshada
- waxbarasho heerar kala duwan ah, haddii aad u baahantahay inaad horumariso ama dhisto aqoontaada
- tababarka goob shaqo
- taageero marka aad raadsanayso shaqo
- taageero iyo talo-bixin la siiyo adigaaga ka fikiraya inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah
- ansaxin.
Marka aan kulanno ayaad nooga sheekeyneysaa waaya-aragnimadaada xirfadeed, waxbarashadaada, waxa aad xiisayso iyo hiyigaaga. Waxaa muhiim ah inaan ogaanno haddii ay jiraan wax lala xiriirin karo caawimaadkaaga ama xaaladdaada ijtimaaciga ah oo wax ka beddeli kara fursadda inaad ka qaybqaadato dhaqdhaqaaqyo ama shaqayso. Haddii aad leedahay baahi gaar ah waxaan isku dayeynnaa inaad barnaamijkaas ka dhigno mid kugu habboon. Marka taasi dhamaato ayaynu si wada-jir ah u dejinaynaa qorshahaaga. Adigu waxaad qorshahaaga ka arki kartaa moobilka oo waxaad haysataa taageerada oo dhan oo ku urursan hal meel. Waxaanu wakhtigan oo dhan la soconaynaa sida wax kuugu socdaan kuna siinaynaa taageerada aad u baahantahay.
Barnaamijkan baahsanaantiisa
Barnaamijkan caadiyan waa wakhti buuxa. Haddii aad ku jirto fasax waalidnimo wakhti kala bar ah, ama aanad shaqayn karin wakhti buuxa iyadoo ay sabab u tahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah, waxaa jirta fursad ah in laga qayb qaato barnaamijkan wakhti kala bar ah.
In laga qayb qaato barnaamijkan dabcan maaha khasab, laakiin haddii aad ku jirto waa khasab inaad fir-fircoonaato oo raacdo qorshaha aynu ku heshiinay.
Magdhabka marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamijkan
Marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamijka meelaynta waxaaad magdhawga maalmeedka ka heli kartaa Qasnada Caymiska. Marka aanu kugu qorno barnaamijkan ayaad magdhawka ka codsanaysaa Qasnada Caymiska. Si loo helo magdhawka waxaa muhiim ah in adigu aad raacdo qorshaha aad si wada-jir ah noola samaysay. Tani waxay tahay in lagaaga baahanyahay ka qayb qaadashada hawlaha aynu ku heshiinay.
Magdhawga maalmeed ka codso Qasnada Caymiska
Haddii aad xanuunsato ama aad heysid carruur xanuunsaneysa
Haddii aad xanuunsato ama aad u baahantahay inaad guriga la joogtid caruur xanuusanaysa waa inaad nagu soo wargeliso arrintan.
Wargelinta maqnaanshaha marka aad xanuusanayso
Samee wargelinta maqnaanshaha ee daryeelka caruur xanuusanaysa (VAB)
Warbixinta hawlaha
Bil kasta waa inaad soo gudbisaa warbixinta hawlaha Tani muhiim ayay u tahay inaad hesho taageero sax ah dhinaca dariiqa shaqo ama waxbarasho iyo inaad magdhawgaaga ka hesho Qasnada Caymiska.
Su'aalo iyo jawaabo
Maxaa dhaca marka aan anigu helo shaqo?
Haddii aad hesho shaqo wakhti buuxa ah xilliga wakhtiga aad ka qayb qaadanayso barnaamijka meelaynta markaasi waa lagaa saarayaa barnaamijkan.
Maxaa dhacaya haddii anigu aanan helin shaqo?
Haddii aadan weli wax shaqo ah aadan helin, barnaamijka la qabsiga/dejinta kadib, waxaa jira fursado dheeraad ah. Markaasi waxaad ka qayb qaadan kartaa tusaale ahaan damaanad qaadka shaqada iyo horumarka ama damaanad qaadka shaqada ee loogu talogalay dhalinyarada.
Wakhti intee leeg ayaan ka mid ahaan karaa barnaamijka barnaamijka meelaynta?
Waxaad ka mid ahaan kartaa barnaamijka meelaynta ilaa iyo inta adigu aad
- billowdo shaqo waqti buuxa
- galaysid fasax waalid oo wakhti buuxa ah
- si buuxda u xanuunsaneysid in ka badan hal bil oo barnaamijkana aan la waafajin karin
Adigu waxaad ka mid ahaan kartaa barnaamijka meelaynta isu geyn 24 bilood. Ka fikir in keliya aad ka mid ahaan kartid barnaamijkan gudaha muddo ah 36 bilood, xisaabsan laga bilaabo wakhtigii aad markaasi heshay lambarkaaga shakhsiga.
Maxaa dhaca haddii aan noqdo qof xanuun ku qoran ama fasax waalidnimo?
Haddii aad xanuun ku jirto muddo dheer, waxaan isku dayaynaa inaanu si kastaba ha ahaatee qaybaha barnaamijkaas ku haboonaysiino si aad uga qayb qaadan karto. Adiga waa lagaa saarayaa barnaamijkan
- haddii aad si buuxda u xanuunsaneysid in ka badan hal bil oo barnaamijkana aan la waafajin karin
- haddii aad gasho fasax waalidnimo wakhti buuxa.
Adigu waad ku soo noqon kartaa barnaamijkan mar kale, iyadoo ay shuruud u tahay in aanay ka soo wareegin wakhti ka dheer 36 bilood ka dib markii aad heshay lambarkaaga shakhsiga ah.
Caymis ma ku jiraa?
Waxaa ku daboolaya caymiska dhaawaca qofka iyo nolosha marka aad ka qayb qaadato barnaamijka meelaynta. Shaqo bixiyuhu dhaqaale ayuu ka heli karaa dowladda haddii ay dhacdaba in wax yaala shirkada aad wax waxyeelo gaarsiiso.
Miyaan waayi karaa booskayga barnaamijkan?
Booskaaga waad waayi kartaa haddii aadan hawshaada ka soo bixin ama aad meesha laguu diro qaseysid. Waxaad sidoo kale lumin kartaa booskaaga haddii ay isbedelaan xaaladahaaga sharciga degganaanshaha iyo haddii aadan ka tirsaneyn dadka khuseeya barnaamijkan.
Miyaan dib ugu soo noqon karaa barnaamijkan haddii aan shaqo helo.
Waxaad dib ugu soo noqon kartaa barnaamijka haddii aad shaqeysay, iyada oo ay ku xiran tahay in aysan ka badnayn 36 bilood markii aad heshay lambarkaaga amniga bulshada.