Kabidda kharashyada socdaallada
Haddii waraysi shaqo ku qoris awgeed aad degmo kale u tegi doonto, waxaa lagu siin karaa taageero-dhaqaaleedka kharashyada socdaallada iyo hoyga. Waa haddii aad ka qaybgasho barnaamij ama baaritaan lagu qaban doono degmo aan ahayn degmada aad degan tahay. Arjiga taageerada waa in socdaalka kahor lagu dhaqaaqa.
Gunnada socdaallada waraysiyada shaqada
Markii waraysiyada shaqada lagula yeelanayo waxaa lagu siin karaa taageero-dhaqaaleedka kharashyada socdaallada iyo kharashyada hoyga, waa haddii shuruudaha hoos ku qoran aad buuxin karto:
- aad buuxsatay 20 sano oona ama halis ugu jirto inaad noqoto shaqolaawe noqoto
- ka diiwaan-gashantahay dhankayaga shaqo raadiye ahaan
- ay kugu adagtahay inaad hesho shaqo meel u dhow halka aad degantahay
- cadayn karto in shaqo bixiye kuugu yeeray inaad iyaga soo booqato
Waxaa intaasi sii dheer
- Haddii booqashada ay lagamamaarmaan tahay shaqo ku qorista iyo in kale anaga ayaa qiimaynteeda iskaleh
- in shaqada aad ka hesho Kaydka shaqooyinka bannaan [Platsbanken] ama dalka shaqada aad ka raadsnaayso ku yaallo dalalka Isbahaysiga Yurub, Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein. Shaqada waxaa laga heli karaa barta internetka [Eures].
Gunnada markii barnaamij aad ka qaybgalayso
Haddii aad ka qaybgasho mid kamid ah barnaamijyada, goobtuna ay ku taallo meel aad maalin kasta gaadiid ku tegi karin, waxaa lagu siin karaa taageero-dhaqaaleedka hoyga iyo kharashyada dheeraadka ah. Xaaladdaas waxaa lagu siin karaa taageero-dhaqaaleedka socdaallada iyo kharashyada hoyga haddii adiga:
- ka diiwaan-gashan tahay mid ka mid ah barnaamijyadayda
- hesho baxnaaniska ku jiheysan nolosha shaqada
- marayso baaritaan ka hor intaanad bilaabin barnaamij
- socdaal u sabab ah Go’aanka barnaamijka sal-dhigidda.
Sidee baa socdaalka u xajista?
- Socdaal kahor waa inaad arjiga taageero-dhaqaaleed socdaalka iyo hoyga u qorata ama kala xiriirta Xafiiska Shaqada.
- Markaas kaddib ayaan hubsanaynaa haddii dhammaan shuruudaha aad buuxin karto iyo in kale, kaddib ayaan go’aan ka gaaraynaa haddii aad xaq u leedahay taageero-dhaqaaleed iyo in kale.
- Go’aanka kaddib waxaad xajisan kartaa socdaallada dayuuradaha dalalka Isbahaysiga Yurub ama Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein iyo kuwa tareenada ee dalalka Iswiidan, Norway iyo Denmark. Xitaa laf ahaantaada ayaa socdaallada xajisan karo, xaaladdaas goor dambe ayaa codsan kartaa in kharashyada lagu soo celiyo.
Sidatan ayaa loo dalbada dib u soo celinta kharashyada
Gunnada waxaad codsan kartaa bisha ku xigta. Sidatan sameey:
- Adigoo adeegsanayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation] sida tusaale [mobilt bank] guda-gal [Mina sidor].
- Haddii aan go’aaminno inaad xaq ku leedahay gunnada, waxay kaaga muuqan doontaa [ Ersättning för resa]. Haddii wax gunnad aadan dalban karin, kama muuqan doonto xulashada.
- Jag-sii [Ersättning för resa] kaddib ku buuxi xogtaada hab waafaqsan tilmaan-bixinta ku qoran adeegga digitalka.
- Marka aad dhammeyso saxiix adigoo adeegsada aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation].
Intee in la eg taageero-dhaqaaleedka socdaalka ayaa lay siinayaa?
- Ku saabsan socdaallada-maalmeed waxaa lagu siin karaa qaybta kharashyada socdaalka oo 600 karoon ka badan bishii, ama kharashka ka badan kan caadiga kaaga baxo gaadiidka halka aad degan tahay.
- Kharashyada socdaalka u sabab ah waraysi shaqo ku qorid, waxaa ugu badnaaantii lagu siin karaa 2 500 karoon.
- Go’aanka barnaamijka sal-dhigidda dartiisa haddii aad na soo booqan doonto, waxaa lagu siin doonaa gunnada kharashka oo idil.
- Gunnada kharashka hoyga ugu badnaaantii waa 110 karoon maalintii, laakin bishii kama badna 2 400 karoon.