Samee wargelinta maqnaanshaha ee daryeelka caruur xanuusanaysa - VAB

Markaad ka qayb qaadato barnaamij waa muhiim inaad na soo wargeliso haddii aad daryeelayso caruur xanuusanaysa, VAB. Haddii aananu ogayn sababta aad u maqantahay waxaad khatar ugu jirtaa in lagu siiyo digniin ama aad waydid magdhawgaaga.

Qofkee samaynaya wargelinta ku maqnaanshaha daryeelka caruur xanuusanaysa (VAB)?

Na soo wargeli haddii aad ka qayb qaadato barnaamij oo aanad ka qayb qaadan karin hawlahaaga qorshaysan sababtoo ah inaad u baahantahay inaad guriga la joogtid inaad daryeesho caruur xanuusanaysa.

Goorma ayaad samaynaysaa wargelinta ku maqnaanshaha daryeelka caruur xanuusanaysa (VAB)?

Na soo wargeli isla maalinta ugu horeysa ee aad guriga u joogtid daryeelka caruur xanuusanaysa. Haddii kale waxaad khatar ugu jirtaa inaad hesho digniin ama aad waydid magdhawgaaga.

Haddii aad ka qaybqaadato barashada iswiidhishka ajnabiga (SFI), waxbarasho, tababar shaqo, shaqo ama hawlo kale, waa lagaaga baahan yahay inaad soo sheegto maqnaanshaha.

Sidee ayaan u samaynayaa wargelinta ku maqnaanshaha daryeelka caruur xanuusanaysa (VAB)?

Waxaad wargelinta maqnaanshaha ku soo gudbinaysaa bartayada internet.

Marka aad magdhaw ka codsanayso Qasnada Caymiska waa inaad ku buuxisaa inaad maqnayd iyadoo ay sabab u tahay daryeelka caruur xanuusanaysa si ku meel gaar ah.

Haddii sabab jirta darteed aanad fursad u haysan inaad wargelinta maqnaanshahaaga ku soo gudbiso qaab dijitaal ah waa caadi inaad naga soo wacdo 0771-416 416.

Maxaa magdhaw ah oo aan helayaa marka aan daryeelayo caruur xanuusanaysa (VAB)?

Waxaad magdhaw ku helaysaa ayaamaha aad daryeeshay ilmo xanuusanaya. Waad haysanaysaa magdhawgaaga ah qaabka taageerada hawlaha, magdhawga horumarka ama magdhaw maalmeedka ee loogu talogalay maalmahaas.

Haddii aad shaqayso isla wakhtiga barnaamijkaaga waxaa ku khuseynaya qawaaniin kale haddii aanad shaqayn karin sababtoo ah inaad u baahantahay inaad daryeesho caruur kaa xanuusanaysa. Wax dheeraad ah ka akhriso barta intarneetka ee Qasnada Caymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii aad adiga naftirkaagu xanuunsatid

Markaad ka qayb qaadato barnaamij waa muhiim inaad samayso wargelin haddii aad xanuusato. Waxaad u baahantahay inaad soo sheegtid isla maalinta ugu horreysa oo aad xanuunsato.

Soo sheeg maqnaashada marka aad xanuunsatid