Marka aad shaqo la’aan noqotid
Xiriirka aad la leedahay kartaa Xafiiska Shaqada u eekaan karaa siyaabo kala duwan taas oo ku xiran dhererkaa wakhtiga aad ahayd bilaa shaqo. Haddii isla iminkaba aad ogtahay inaad shaqo helayso 3 bilood gudaheed markaas ma nala yeelanaysid wada-hadalka qorsheynta. Markaasi waxa keliya oo aad isticmaalaysaa adeegyadayada dijitaalka ah.
Is diiwaan-geli
Waxaad iska diiwaan gelin kartaa Xafiiska Shaqada maalinta ugu horeysa ee aad bilaa shaqo tahay dhanka bogayaga intarnatka adigoo isticmaalaya aqoonsiga elaktarooniga ah. La xiriir qasnadaada shaqo la'aanta oo codso magdhabkan. Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan qasnadda shaqo la’aanta iyo xubinnimadaada waxaad si toos ah ula xiriirtaa qasnadda shaqo la’aanta.
Wada-hadalka qorsheynta
Haddii iminkaba aad ogtahay inaad bilaabi doonto shaqo ama waxbarasho 3 bilood gudahood markaas ma nala yeelanaysid wada-hadalka qorsheynta. Adigaaga nala leh wada-hadal qorsheyn waxaad wax dheeraad ah ka ogaanaysaa waxay tahay inaad samayso iyo waxa lagaa caawin karo. Kulankan wuxuu qaataa ugu badnaan 30 daqiiqo oo sidaas darteed waxaa aad muhiim u ah inaad si fiican isu sii diyaariso ka hor kulankan. Xilliga kulankakn waxaynu si wada-jir ah u dejinaynaa qorshe kaa caawin doona shaqo ama waxbarasho.
Mina sidor
Mina sidor waxay kaa caawinaysaa inaad kala socoto qorshahaaga. Adiga iyo xiriirye shaqada ah ayaa ku heshiinaya nooca hawlaha adiga kugu haboon. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan inaad ka qayb qaadato waxbarasho intarnatka ah, qorida CV-ga ama barashada iswiidhishka. Ka dib waxaa muhiim ah in adigu aad ka warhayso in qorshahan ahaado mid joogto ah oo aad samayso dadaal si aad u gaarto hadefyadaada.
Haddii isla iminkaba aad ogtahay inaad waxbarasho ama shaqo gelayso gudaha 3 bilood waxaad heli doontaa qorsheyn ootomaatig ah dhanka Mina sidor.
Samee wargelinta hawlaha
Bil kastaba waa inaad dhiibtaa warbixinta hawlaha Waa muhiim si aad u hesho taageero sax ah jidkii aad ku aadi lahayd shaqo ama waxbarasho iyo si aad lacagtaada uga hesho qasnada shaqo la'anta ama Qasnada Caymiska. Adigu waa inaad soo gudbisaa wargelinta hawlahaaga ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil walba.
Na weydii
Haddii aad caawimaad u baahantahay waad na soo wici kartaa ama qoraal kula sheekaysan kartaa xiriiriyah shaqada. Adigu waxaad xitaa weydiin kartaa wixi ku saabsan barnaamij, waxbarasho iyo taageero kale. Qaabka ugu dhakhso badan ee aad nagula soo xiriiraysaa waa inaad qoraal nagula sheekaysato.
Hel taageero dheeraad ah iyo in lagula socdo
Haddii aad bilaa shaqo soo ahayd wakhti dheer, ka yartahay 25 sano ama dalka ku cusub tahay waxaad heli kartaa taageero dheeraad ah adigoo ka qayb qaadanaya barnaamij. La hadal xiriiriye shaqo oo qiimeyn kara inaad leedahay baahi gaar ah.
Iska saar diiwaanka
Waa muhiim inaad na soo wargeliso markaad hesho shaqo ama bilaabayso waxbarasho. Adigu waxad tan sida ugu fudud u samaynaysaa inaad dhag ka siiso Iska saar diiwaanka. Haddii aad dooratay inaad diiwaanka iska saarto gudaha 3 bilood waxaad heli doontaa xusuusin 10 maalmood ka hor maalinta ka bixida diiwaanka.