Iska saar diiwaanka
Miyaad heshay shaqo ama bilowday waxbarasho? Markaasi waxay u badantahay inaanad u sii baahnayn caawimaadayada oo aad iska saari karto inaad ku qorantahay Xafiiska Shaqada.
Sidee ayaan diiwaanka isaga saarayaa?
Waa muhiim inaad na soo wargeliso markaad hesho shaqo ama aad bilaabi doonto waxbarasho. Adig waxaad sida ugu fudud u samaynaysaa adigoo dhag ka siiya Iska saar diiwaanka.
Goorma ayaan iska saarayaa diiwaanka?
Adigu waa inaad mar kastaba wargelisaa Xafiiska Shaqada markuu jir wax isbaddel ah. Na soo wargeli adigoo u maraya inaad dhag ka siiso Iska saar diiwaanka marka aad hesho shaqo ama bilaabi doonto waxbarasho.
Haddii aad geli doonto fasax waalidnimo, aad ku qorantahay xanuun ama tusaale ahaan guurtay waa inaad na soo wargelisaa iyadoo aad na soo wacayso ama nagula sheekaysanayso qoraal.
Maxaa dhacaya ka dib?
Markaad soo dirto in aanad doonayn inaad ku sii qornaato shaqo raadiye ahaan ayaanu wargelinaynaa qasnaddaada shaqo la’aanta.
Waxaanu guriga kuugu soo diraynaa warqad xaqiijinaysa in aanad ku sii qornayn dhankayaga.