Intensiv praktik

Tababarka dhaqsida badan waa fursad lagu helo khibradda suuqa shaqada haddii Dalka Iswiidan aad dhowaan timid, oona ka qaybgasho tababarka dhaqsida badan ee sannadka ee xiriirka la leh barnaamijka sal-dhigidda. Hadafka waxaa weeyaan in sida ugu dhaqsida badan aad shaqo xirfadaada ama laanta xirfadaada shaqo ka hesho.

Waa maxay

Macnaha tababarka dhaqsida badan waxaa weeyaan inaad dhaqdhaqaaqa ka tijaabiso shaqo oona ku xoojiso karti-xirfadeedkaaga iyo kuna hesho khibradda suuqa shaqada. Waa qayb ka mid ah xirfadaha ku jihaysan silsiladaha tallaabo ka qaadis, lagu kordhiyo fursadaha shaqo helista xirfad ama laan xirfadeed xulan.

Natiijada tababarka ee heerka sare awgeed waa in xilliga tababarka aad leedahay qof agabbare ku ah.

Yaa loogu tala galay

  • Tababarka dhaqsida badan waxaa loogu talagaly qofka ka qaybgalo sannadka tababarka dhaqsida badan ee xiriirka la leh barnaamijka sal-dhigidda.
  • Waa in ugu yaraan 12 bilood kaaga hartay muddada barnaamijka sal-dhigidda.
  • Waa inaad wakhti buuxa ka qaybgasho.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Maamulka Xafiiska Shaqada ayaa ku dhaqaaqa qiimaynta oona go’aan ka gaaro haddii tababarka dhaqsida badan u kugu habboon yahay iyo in kale.
  • Anaga iyo adiga wadajir ayaan isla garan doonaa xirfadda ama laan-xirfadeedka kugu habboon.
  • Waxaan qorshaynna oona had-dhisnaa muddada tababarka oo leh hadaf aad u qeexan kaasoo xiriir la leh sida aad xirfadda horumar ugu gaari karto.
  • Qof agabbare ah ayaa taageero ku siin doono, kaasoo xiriir joogto ah Xafiiska Shaqada la leh.
  • Markii tababarka u dhammaado wuxuu shaqo-bixiyeha ku siin doonaa caddayn, taasoo ku qoran aqoonta aad xilliga tababarka kororsatay.

Tababarka wuxuu socon doonaa lex bilood waxaana dhici karto in lagu biiriyo saddex bilood.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Så här tar du nästa steg

Kontakta oss

Förbered dig så att du kan motivera varför stödet kan öka dina möjligheter till jobb.

Bedömning

Tillsammans kartlägger vi din situation. En arbetsförmedlare bedömer om stödet är ett bra sätt att öka dina möjligheter till jobb.

Beslut

Vilket stöd vi kan erbjuda dig beror på hur just din situation ser ut. Vem som har rätt till ett stöd regleras ytterst av regeringen.