Nidaamka amaanka ee Iswiidhan

Gudaha Iswiidhan waxaa ka jirta nidaamka amaanka looguna talogalay in lagu hubsado in adigaaga halkan ku nool aad hesho lacag kugu filan iyadoo aan loo eegin xaaladaada nololeed sida ay u eegt hay.

Wax baro

Haddii aad wax ka baranayso gudaha Iswiidhan waxaad codsan kartaa lacag waxbarasho si aad u dabarto kharashaadkaaga. Waxaad heli kartaa kaalmo waxbarasho taas oo kala duwanaanshaheedu ku xiranyahay da'adaada oo waxaad xitaa qaadan kartaa amaah waxbarasho. Waa Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, kuwa gacanta ku haya lacagta waxbarasho.

CSN.se

Waxbarashooyin iyo casharo

Fasax

Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin 25 maalmood oo fasax ah muddo sanad gudaheed ah iyadoo aan loo eegayn da'da iyo nidaamka shaqo. Waxaa la kala saaraa xaqa fasaxa iyo xaqa magdhabida. Iyadoo ku xiran xilliga sanadka ee aad bilowday shaqadaada ayaa la waafajiyaa magdhabida xilliga fasaxa, waxaad xitaa fasax ahaan kartaa adigoo aan helin lacag. Fasaxa waxaa loogu talogalay inaad ku nasato kuna soo kabato.

Shaqaale - ku saabsan fasaxa (verksamt.se)

Baarlamaanka - ku saabsan sharciga fasaxa (riksdagen.se)

Fasax ka qaadasho shaqo – fasax bilaa lacag ah

Waxaad codsan kartaa inaad fasax ka ahaato shaqada dhanka shaqo-bixiyahaaga si aad hakad ugu samayso shaqadaada oo aad ku hawlanaato wax kale. Laga yaabee inaad doonaysid inaad waxbarato, tijaabiso xirfad kale, bilowdo shirkad gaar kuu ah ama aad daryeesho qof qaraabo ah oo kuu dhow. Ka dib fasax kaga maqnaanshaha shaqo waxaad xaq u leedahay inaad dib ugu noqoto shaqadaada oo leh isla shuruudo la mid ah kuwii markii hore.

La eeg shaqo-bixiyahaaga ama ururkaaga shaqaalaha si aad u hesho warbixinta ku saabsan waxa adiga ku khuseeya haddii aad doonaysid inaad fasax kaga maqnaato shaqada.

Haddii aad xanuusato

Om du arbetar och blir sjuk måste du anmäla det till din arbetsgivare. Maalinta ugu horeysa ee aad xanuusanayso waxaa lagu magacaabaa maalinta sugitaanka, markaasi ma helaysid wax lacag ah. Maalinta xanuunka ee 2 ilaa 14 waxaa shaqo-bixiyahaagu ku siinayaa mushahaarada bukaanka. Mushahaarada bukaanka waa boqolkiiba 80 ah mushahaaradaada. Haddii aad xanuusanayso in ka badan 14 maalmood markaas Qasnada Caymiska ayaa la wareegaysa lacag bixinta mushahaaradaada xanuunka.

Qasnada Caymiska - xanuun (forsakringskassan.se)

Fasaxa waalidnimo

Waalid ahaan waxaad xaq ku lahaan kartaa, in ubadkaaga aad guriga ku daryeesho oona gunno lagu siiyo. Guunnada xilliga fasaxa waalidiinta waxaa loo yaqaanno [föräldrapenning] waxaana bixiso Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Lacagta waalidiinta [Föräldrapenningen] waa qayb kamid ah caymisyada waalidiinta ee dalka Iswiidan ka hirgaleen, waxaana xaq ku leh hooyoyinka iyo aabeyaasha ba.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan lacagta waalidiinta ka aqriso barta internetka Försäkringskassan (forsakringskassan.se)

Ka fikir

Lacagtaada hawl-gabka ee mustaqbalka waxaa raad ku yeesha inta ay leegtahay fasaxa waalidnimo ee aad qaadato maadaama tani ku salaysantahay inta lacag aad shaqaysay noloshaada shaqo.

Hey'ada lacagaha hawl-gabka - Maxaa raad ku yeesha lacagtaada hawl-gabka? (pensionsmyndigheten.se)

Haddii ilmahaagu xanuusado

Haddii ilmahaagu xanuusado waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka ahaato shaqada oo qaadato gunada waalidka ee ku meel gaarka ah ilaa iyo inta ilmahani buuxinayo 12 sano. Magdhabidani waa qiyaastii boqolkiiba 80 ah dakhligaaga. Maalin shaqo markay tahay waxaanu tani ku magacawnaa vab, daryeelka ilmo. Hooyooyinka iyo aabayaasha labaduba xaq ayay u leeyihiin inay fasax ku ahaadaan daryeelka ilmo.

Qasnada Caymiska - daryeelka ilmo xanuusanaya (VAB) (forsakringskassan.se)

Shaqo la'aan qaata qasnada shaqo la'aanta

Qasnada shaqo la'aanta waa magdhabid aad heli karto haddii aad tahay bilaa shaqo. Dhinaca xirfadaha badankooda waxaa ka jirta qasnada shaqo la'aanta. Haddii aad xubin ka tahay qasnad shaqo la'aan waxaad heli kartaa ilaa iyo boqolkiiba 80 ah mushahaaradaada oo magdhabid ah haddii aad noqoto bilaa shaqo.

Magdhabida laga helo qasnada shaqo la'aanta

Lacagta hawl-gabka

Lacagta hawl-gabka waa lacagta aad ku noolaanayso maalinta aad joojiso inaad shaqayso. Lacagtaada hawl-gabka waxay badanaaba ka koobantahay saddex qaybood – lacagta hawl-gabka ee guud, lacagta hawl-gabka ee shaqada iyo wixi ahaan kara kayd la dhigta. Marka aad qaadato fasax waalidnimo waxay raad ku yeelan kartaa dakhliga iyo lacagtaada hawl-gabka. Lacagta guud ee hawl-gabka waa lacag hawl-gab dawladeed taas oo Hey'ada Lacagaha Hawl-gabku ay mas'uul ka tahay. Waxaad xaq u leedahay inaad qaadato lacagta hawl-gabka ee guud xilliga da'da 62 sano, laakiin waxaad xitaa dooran kartaa inaad shaqayso ilaa inta aad noqonayso 68 sano.

Hey'ada Lacagaha Hawl-gabka - faham lacagtaada hawl-gabka (pensionsmyndigheten.se)

Shaqo madow iyo cadaan ah

Waa sharci daro in lagu shaqeeyo madow

In lagu shaqeeyo madow micnaheedu waa in shaqo-bixiyahaagu aanu bixin wax ah kharashyada bulshada oo laguugu talogalay iyo in sidaasi adigu aanad wax canshuur ah ka bixin dakhligaaga. Hey'ada Canshuuraha ayaa kaa dalban karta canshuurti aanad bixin, waa sharci daro in lagu shaqeeyo madow oo waxay keeni kartaa xabsi ah ilaa iyo laba sano.

Ku shaqee si cadaan ah

Haddii taas badelkeeda aad shaqayso, bixiso canshuur kuna shaqayso si cadaan ah, waxaad helaysaa dhamaan faa'iidooyinka nidaamka amaanka ee Iswiidhan.

Hey'ada Canshuuraha - natiijooyinka shaqo madow ah (skatteverket.se)

Hey'ada Canshuuraha - sidan ayaad ugu shaqaynaysaa si cadaan ah (skatteverket.se)

Ma doonaysaa inaad ka shaqayso Iswiidhan?

Warbixin ku qoran Ingiriisi kuna saabsan in laga shaqeeyo Iswiidhan.

Ma doonaysaa inaad ka shaqayso Iswiidhan?

Marinka Eures (ec.europa.eu)