Introduktion till arbete

Waxaad ka heli kartaa taageero iyada oo loo marayo dadaal ah diyaarin shaqo haddii aadan weli diyaar u ahayn inaad shaqo doon doonto ama waxbarasho

Maxay

Haddii aad ka maqnayd suuqa shaqada muddo aad u dheer oo aadan hubin tayadaada shaqo, waxaad ku heli kartaa taageero adigoo isku diyaar garaynaya shaqada. Hadafku waa inaad dib u bilowdid shaqada isla waqtigaas oo aad fursad u heshid taageerao iyo ka war hayn.

Qeybta u horeysa ee Hor-u-dhaca Shaqada, waxaad fursad u heleysaa inaad daraasad ku sameysid kartidaada oo aad taageero ka hesho raadinta shaqo ee kugu haboon oo si tartiib tartiib ah u kordhiso awoodaada shaqo. Daraasad samaynta kadib, waad sii wadan kartaa tilmaanta iyo is diyaarinta ama waxaad bilaabi kartaa tijaabo shaqo. Inta lagu gudo jiro dadaalka waxa aad ka qeybqaadan doontaa dadaalo kale, si aad u barato caafimaadka wanaagsan lagaagana taageero helida nidaam iyo jadwalka joogtada ah si la isu waafajiyo nolol maalmeedkaaga iyo shaqada.

Yaa loogu talagalay

Taageeradan waxaa loogu talagalay adiga oo muddo u dheer ka maqnaa suuqa shaqada oo aan hubin tayadaada iyo nooca shaqo ee kugu habboonaan kara.

Sida wax u dhacayaan

  • hore, waa in aan go'aansannaa inaad u baahan tahay dadaalka isu diyaarinta shaqo iyo in kale.
  • Bilowga Kahor, waxaan sameyneynaa qorshe wada jir ah oo lala sameynayo hawl wadeenada soo bandhigaya dadaalka. hawl wadeenadan ayaa qabanqaabinaya baahiyadaaa iyo taageerada adiga kugu habboon.
  • Waqtiyada waxa ay noqon doonaan kuwo u qalma duruufahaaga.

Inta lagu gudajiro dadaalka, waxaan yeelan doonnaa wada hadalo socda oo aan kula socon doonno horumarkaaga iyo sida ay kula tahayo halka ay howluhu marayaan ama u shaqeeyaan.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Hel taageerooyin kale