Xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga

Markii aad shaqo raadsnaayso waxaan ku siin karnaa caawinaad iyo taageero, taasoo ah hadba waxa aad nooga baahan tahay. Haddii muddada aad Xafiiska Shaqada ku qoran tahay, aad qaadato gunno ama aad codsanayso waa inaad hab firfircoon shaqo u raadsato. Waa inaad xitaa tixgeliso qorshihii aan ku wada heshiinay.

Tani ayaanu kuu samayn karnaa

  • Tilmaan, talo iyo adeegyada bogayaga intarnatka ee kaa caawin kara jidka loo marayo shaqo ama waxbarasho
  • Taageero shakhsiyan ah oo aad ka hesho xiriiriyaha xafiiska shaqada dhanka telafoonka, sheekaysiga qoraalka ama ballan kulan. Tusaale ahaan waxaad heli kartaa caawimaada qorshahaaga, eegida aqoontaada iyo sida suuqa shaqadu u eegyahay.
    Tilmaan ku saabsan sidaad u dooranayso xirfad una helayso shaqo.
  • Sii taageero dheeraad ah haddii qabtid naafanimo, xaalad baaritaan lagu ogaaday, cudur ama wax kale oo kugu adag.
  • Taageero dheeraad ah sida tusaale ahaan waxbarashooyinka xirfada, qiimeynta waxbarasho hore, baraaktiik, koorasyad isu diyaarinta xirfad iyo waxbarasho.
  • Fursada in la qaado talaabada lag gelayo ama dib loogu noqonayo nolosha shaqo, isla markaana shaqo-bixiyuhu laga kaalmeynayo mushahaaradaada.
  • Taageero xoogan oo kugu haboon kana hesho gacan-yare ka tirsan mid ka mid ah kuwa adeegyada na siiya.
  • Marka aad annaga nagu qorantahay, waxaad codsan kartaa gunnada qasnada shaqo la'aanta ama waxaad heli kartaa gunno marka aad barnaamij ka qaybqaadato.

Sidan ayaad u baahantahay inaad samayso

  • Waa inaad wadajir anaga noola qorshaysa shaqo raadinta.
  • Raadsasho shaqo hab firfircooni t. Waxay noqon karaan kuwa la xayeeysiiyay ama kuwa Xafiiska Shaqada kugu gubabiyay inaad arjay u qorato(anvisat), ama ku siiyay naseexada booska shaqo ee bannaan. Waxaad kaloo wargelinta xiisaynta ama cv-gaaga shirkadda shaqo-bixiyeha ah.
  • Waa inaad bil kasta noo soo dirta Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapporten].
  • Waa inaad ka qaybgasho kulamada lagu ballamiyay ama waa inaad na wargelisa xayiraadda haddii aadan ka qaybgeli karin. Waa inaad sidoodaa kale u dhaqanto haddii lagu ballamiyo adeeg-bixiyeyaasha aan heshiiska la galnay.
  • Waa in khadka taleefanka lagugu heli karo haddii aan ku heshiino in aan ku soo wici doono.
  • Raadsasho shaqooyinka iyo tababarrada aan kugu amarno (anvisar) inaad raadsato.
  • Inaad oggolaato shaqooyinka kugu habboon iyo barnaamij siyaasadda suuqa shaqada/taageero dheeraad.
  • Inaad oggolaato tababarka aad hesho oona kugu amarno (anvisat) inaad raadsato.
  • Haddii aad ka qaybqaadato barnaamij oo aad qaadato taageerada dhaqdhaqaaqa, gunnada la qabsiga ama gunnada horumarinta oo aanad awoodin in aad ka qaybqaadato hawlo qorsheysan, waa in aad maqnaashaaga ku wargelisaa Xafiiska Shaqada.
  • Waa inaad noo muujin karto in aad shaqo raadsatay sida hadba aad ku xustay Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapporten], waa haddii aan ka codsano.
  • Na wargelisa haddii faahfaahinta xiriirka wax ka beddesho, sida tusaale adreeskaaga, e-mail ama lambarka taleefanka. Xafiiska Shaqada wuxuu warqadaha caadi ahaan kugu soo hagaajin doonaa adreeska aad rasmi ahaan ka diiwan gashan tahay.
  • Waa inaad Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [a-kassa] ama Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] siisa warbixin-shaqsiyeedka oo sax ah.

Maxaa dhacaya haddii aadan sameyn waxa ay tahay in aad sameysid?

Haddii aad si xun u maamusho shaqo-raadintaada, dheereyso ama aad sababto shaqo la'aantaada, waxa laga yaabaa inaad hesho digniin ama aad noqoto gunno la'aan hal maalin ama maalmo badan.

Shuruudo ku aaddan marka aad gunno ka qaadato qasnadda shaqa la'aanta

Shuruudaha gunnada ee barnaamijyada