Shaqee xilliga magan-gelyo doonka
Xilliga aad tahay magan-gelyo doonka waad shaqayn kartaa, ama siyaabo kala duwan iyaad isugu diyaarin kartaa sidii aad u heli lahayd shaqo.
Miyaa la ii oggolyahay inaan shaqeeyo marka aan raadsanayo magan-gelyo?
Haa, adigu waad shaqayn kartaa xilliga aad tahay magan-gelyo doon, laakiin markaasi waxaad u baahantahay inaad caddayn ka hesho Hey'adda Socdaalka, taas oo muujinaysa in adigu aanad u baahnayn sharciga shaqada. Wixi dheeraad ah ee ku saabsan waxa ansaxa ah ka akhriso boggaga internet-ka ee Hey'adda Socdaalka iyo Hey'adda Canshuuraha labadoodaba.
In la shaqeeyo xilliga la yahay magan-gelyo doon oo ku qoran bogga internet-ka ee Hey'adda Socdaalka
Waxaa khasab ah inaad lambarka isku-dubaridka ee ku meel gaarka ah ka hesho Hey'adda Canshuuraha si aad u hesho mushahaaro oo u bixiso canshuurta gudaha Iswiidhan.
Adeegso Barta jobskills.se oo isku diyaari shaqo.su diyaari shaqo gudaha Iswiidhan dhinaca jobbskills.se
Waa Bar internet oo aad ku buux buuxin karto khibradahaagi shaqo ee hore iyo waxbarashada aad leedahay. Waxaanad ku qori karta afkaaga. Kadibana waxad la wadaagi karta macluumaadka shaqo-bixiyaasha oo iyagu ku arki doona maclumaadkaga Af Swidhish.
Akhriso faahfaahsan dheraad ah oo ku saabsan istcmaalka jobskils , muujinta waxad taqaano iyo sidaad shaqo u helayso.
Mushahaaro iyo canshuur
Haddii aad lacag ka hesho Hey'adda Socdaalka xilliga magan-gelyo doonka oo ka dib aad hesho shaqo waxaa khasab ah inaad arrintan u sheegto Hey'adda Socdaalka. Adigu isku mar ma heli kartid inaad shaqayso oo haddana taageero dhaqaale hesho.