Ku sahabsan – magdhowga Asaaska Shaqo

Haddii aad heshay shaqaaleysiiye raba inuu kugu shaqo siiyo Asaaska shaqo (etableringsjobb), waxaad ka codsan kartaa magdhowga. Kahor codsigaaga, waxaad diyaarsan kartaa macluumaad iyo waraaqo gaara oo aan kaaga baahanahay.

Macluumaadka aad u baahan tahay codsiga

  • Lambarka haayada shaqaaleysiiye iyo ciwaanka goobta shaqo.
  • Macluumaadka baankaaga lambarka masixida iyo lambarka xisaabta.
  • Mudada waxbarasho iyo inaad shaqeysay 3 sano ee u danbeeyey.

Waraaqaha aad u baahan kartid inaad kusoo lifaaqdid

  • Haddii aanad ahayn muwaadin Iswidhish ah, waxaad u baahan tahay inaad kusoo lifaaqdid go’aanka ogolaanshaha deganaanshaha ama kaadhka deganaanshaha ee Wakaalada Socdaalka Iswidishka (Migrationsverket)
  • Haddii aad la joogtay gurga carruurtaada ka yar da’da 2 mudada 5 sano ee lasoo dhaafay, shahaado katimid Sanduuqa Caymiska (Försäkringskassan) ama Wakaalada Cashuuraha (Skatteverket) ayaa loo baahan yahay.

Si lagaaga shaqaaleysiiyo asaaska shaqada oo aad u heshid magdhow, waa inaad iska diwaangalisaa Wakaalada Shaqaaleysiinta (Arbetsförmedlingen). Haddii aad marhoreba isdiwaangalisay, waxaad u baahan tahay inaad gashid oo aad dhammeystirtid codsiga.

Haddii aad leedahay xog ilaashan, waa inaad ka codsataa foomka warqada ee aad buuxisid oo aad boosto noogusoo dirtaa.

Codso