Arbetsmarknadsutbildning för personer med synnedsättning

Haddii aad naafo ka tahay xagga aragga ama uu liito araggaagu, waxbarasho la waafajiyay duruuftaada iyo baahidaada qof ahaaneed ayaa waddo kuugu noqon karta suuqa shaqada.

Waa maxay

Waxbarashada suuqa shaqada ee la waafajiyay baahida adigaaga naafada ka ah xagga araggu, waxay gacan ka gaysaneysaa kor u qaadidda fursadaha aad shaqo ku heli karto. Waxaa waxbarashada la waajiyay, adiga baahidaada qof ahaan. Waxyaabaha waxbarashada ku jira waxay kuu suurta gelinayaan in marka waxbarashadu dhammaato aad toos

  • shaqo uga hesho aagga aad deggantahay iyo waxyaabaha aad xirfadda u leedahay
  • In aad bilawdo waxbarasho, tusaale ahaan waxbarashada dadka waaweyn, jaamacadda xirfadaha ama mid ka mid ah waxbarashooyinka xirfadaha ee uu Xafiiska shaqadu iibsado
  • In aad sameysato shirkad sidii ganacsade ahaan

Waxay waxbarashadu ka koobantahay laba qeybood. Qeybta koowaad waa diyaargareyn, waxayna tusaale ahaan ka koobantahay kala hufid, jihayn waxbarasho, tababbar shaqo- iyo hawlo shaqo raadin ah. Qeybta kale ee waxbarashadu waa waxbarasho lagu qaadanayo goob shaqo iyo waxbarasho shaqo u diyaarin ah oo ka dhacaysa shaqa bixiye agtiisa .

Yaa loogu tala galay

Waxbarashada suuqa shaqada ee loogu tala galay dadka aragga naafada ka ah waa waxbarasho loogu tala galay adigaaga shaqa la’aanta ah ama khatarta ugu jira inaad shaqa la’aan noqotid. Waxaad u baahantahay in aad shaqa-doon ahaan ugu qorantahay agtayada. Sidoo kale waa inay jiraan caddeymo muujinaya inaad aragga la’dahay ama ka liidato taasoo keenaysa inaad u baahantahay dadaallo kugu habboon si aad shaqo u heli karto.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

  • Waa annagayaga ka shaqeyna Xafiiska shaqada, cidda qiimeyn ku sameyneysa in waxbarashada suuqa shaqada ee dadka aragga naafada ka ahi ay tahay waxbarasho adiga kugu habboon iyo in kale.
  • Waxbarashada waxaad la dhigan kartaa sfi.
  • Qandaraaslayaal kala duduwan oo waddanka jooga ayaa waxbarashada bixiya, waxayna si joogto ah uga jirtaa gobollada Stockholm, Västra Götaland iyo Skåne. Waxay sidoo kale waxbarashadu ka jiri kartaa gobollada ku u dhadhow.
  • Qayb weyn oo waxbarashada ka mid ahi, waxay ka dhacaysaa goob shaqo.
  • Haddii loo baahdo, 20 boqolkiiba wakhtiga waxbarashada ee asbuucii waxay noqon kartaa inuu qofku distans keligiis wax ku dhigto.
  • Waxaad waxbarashada ka qeyb qaadaneysaa ilaa iyo 46 toddobaad.

Gunno iyo shuruudo

Marka taageeradan lagu siinayo waxaad ka qeyb qaadataa barnaamij, waxaadna gunno ka codsan kartaa Qasnadda ceymiska. Halkan waxaan ku sheegeynaa sida aad gunnada u dalbaneyso iyo waxa ku khuseeya marka aad Xafiiska Shaqada ku qorantahay oo aad barnaamijyadeenna ka qeyb qaadato.

Marka aad ka qayb qaadanayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah