Oggolaanshaha in laga shaqeeyo Iswiidhan

Haddii aad muwaadin ka tahay dal ah EU/EES, ama Iswiisarlaand, uma baahnid inaad codsato oggolaanshaha in laga shaqeeyo Iswiidha oo waxaad bilaabi kartaa inaad si toos ah u raadsato shaqo. Waxaad xitaa xaq u leedahay inaad bilowdo oo socodsiiso shirkad gaar kuu ah. Haddii aad muwaadin ka tahay Iswiisarlaand oo doonaysid inaad shaqayso in ka badan saddex bilood waxaad u baahantahay inaad codsato sharciga deganaansho.

Adigaaga muwaadin ka ah dal ka baxsan EU/EES/Iswiisarlaand waxaad u baahantahay oggolaanshaha in laga shaqeeyo gudaha Iswiidhan. Waxaa jira noocyo kala duwan oo oggolaanshaha shaqo ah taas oo ku xiran halka aad ka timi, inta ay leegtahay wakhtiga aad ka fikirayso inaad joogto iyo waxa aad ka fikirayso inaad ka shaqayso. Hey'ada Socdaalka ayaa ogaanayso waxa ansaxa ah.

Loogu talogalay adigaaga ka yimi EU/EES

Loogu talogalay adigaaga ka yimi Iswiisarlaand

Loogu talogalay adigaaga ka yimi dal ka baxsan EU/EES

Loogu talogalay adigaaga iminkaba jooga Iswiidhan ee doonaya inaad codsato oggolaanshaha shaqo

Qawaaniin gaar ah looguna talogalay oggolaanshaha shaqo ee xirfado iyo dalal cayiman