Nala soo xiriir anaga oo joogna Xafiiska Shaqada

Adeega macmiilka oo iswiidhish iyo ingiriisi ah

Dhinaca telafoonka iyo e-mailka ayaad caawimaad ka heli kartaa xiriiriyayaal shaqo oo aqoon leh.

Wakhtiyada furitaanka waa maalmaha caadiga ah saacada 8-16.

Telafoon lambarka 0771-416 416

Hel xiriiriyahaaga shaqada ee kuugu dhow

Hel xafiiskaaga kuugu dhow

Loogu talogalay adigaaga ku jira barnaamijka sal-dhigida

Haddii aad ka qayb-qaadato barnaamijka sal-dhigida waxaanu kugu casuumaynaa taagero dhinaca shan luqadood oo dheeraad ah.

Wakhtiyada furitaanka waa maalmaha caadiga ah saacada 10-16.

0771-860 100

Adeega macmiilka waxay kaa caawin karaan:

  • taageero ku saabsan sida aad samaynayso marka aad iska diiwaan-gelinayso Xafiiska Shaqada
  • talo ku saabsan sida aad u helayso shaqo banaan
  • talo-bixin ku saabsan sida aad ugu sii fiicnaan lahayd inaad raadsato shaqo
  • taageero marka aad shaqo ka raadsanaysid Kaydka shaqooyinka (Platsbanken) iyo sida aad u qorayso codsi
  • kala sheekayso xiriiriye shaqo wixi ku saabsan xaaladaada iyo nooca taageero ee aad anaga naga heli karto
  • jawaabaha su'aalaha guud ee ku saabsan barnaamijyadayada iyo hawlaha, waxbarashooyinka iyo xirfadaha iyo caymiska shaqo la'aanta.