Adigaaga ka qaybqaadanaya baxnaanada dib- ula-qabsiga ee si aad u shaqayn karto

Haddii aad ka qaybqaadanayso baxnaano dibulaqabsi oo ku saabsan nolosha shaqada, waxaad taageero ka heli karta Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan) iyo Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) labadaba. Warbixin ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, waxaad ka heli gacanhayehaaga Qasnadda Caymiska. Markaa ka dib ayeynu kulmi oo wada qorshayn taageerada aad u baahan tahay si aad u shaqayn karto.

Qasnadda Caymiska, caafimaadka, adiga qudhaada ama idinka oo wada jira dhammaantiin, ayaa soo bandhigaya in aad u baahan tahay taageero loo dhan yahay, si aad u shaqayn karto ayada oo laga duulayo duruufahaaga. Gacanhayehaaga Qasnadda Caymiska ayaa kulanka koowaad ka soo qabanaya Xafiiska Shaqada. Waa isla qofkaas cidda kaaga warbixinaysa, kulankaasi waxaa uu ku saabsanaan doono. Isu diyaari in aad ka fikirto warbixinta aad u aragto in ay muhiim tahay in aad nagu siiso kulankaas, haddaannu nahay Xafiiska Shaqada.

Maxaa kulankaas dhexdiisa dhacaya?

Kulanka waxaa ka qaybqaadanaya adiga iyo gacanhayehaaga Qasnadda Caymiska iyo gacanhayehaaga Xafiiska Shaqada. Sidoo kale waxaa ka qaybgeli kara dad kale sida dhakhtarkaaga ama haddii aad leedahay qof mas’uul kaa ah.

Si wada jir ah ayeynu isula eegaynaa duruufahaaga ku saabsan in aad shaqayn karto. Waxaynu ka duulaynaa wixii aad hore uga soo shaqaysay, waxbarashada iyo waayo-aragnimada aad leedahay. Sida ay kula tahay xaaladdaadu iyo waxa aad rabi lahayd in aad qabato, waa xog muhiim noo ah.

Kulanka waxaad ku ogaan doontaa taageerada uu ku siin karo Xafiiska Shaqadu iyo sida aad noola soo xiriirayso.

Duruufahaaga ayaa xukumaya qorshaynta

Annaga iyo adiga oo wada jirna, ayaa iska ska kaashanayna in aynu qorshe loo dhan yahay u samayno baxnaanada dibulaqabsigaaga. Sharraxaadda aad ka bixiso duruufahaaga ku xeeran in aad shaqo bilawdo waa u muhiim qorshaynta.

Waannu ku taageeraynaa inta aad ku jirto baxnaanada dibulaqabsiga

Intaa dabadeed, waxaad uga qaybqaadanaysaa hawlqabadka si waafaqsan qorshahaagii, si loo tijaabiyo kartidaada shaqo. Xafiiska Shaqada iyo Qasnadda Caymiska labaduba waxay muddadaas dhexdeeda, kuu ahaanayaan taageero, waxaanannu kuula kulmaynaa si joogto ah, kormeerid ahaan.

Waxqabad caadi ahi oo la sameeyaa, waa in aad awooddaada shaqo ku tijaabiso goob shaqo iyada oo lagu taageerayo. Waxaad tijaabinaysaa hawlo shaqo oo lagu saleeyey duruufahaaga, iyada oo laguu habayn karo. Xafiiska Shaqada iyo Xafiiska Caymiska labaduba, way kormeerayaan sida ay wax kuugu socdaan.

Kulammada aad nala yeelanaysaa, badiyaa waa dhijitaal, adiga oo kaga qaybgeliaya komputer ama tilifoon. Haddii hay’adaha dawladdu ay u arkaan in aad u baahan tahay kulan toos ah, waxaynu k isku arkaynaa Xafiiska Shaqada ama Qasnadda caymiska mid ahaan.

Intaa dabadeed, maxaa dhacaya?

Marka aad tijaabiso in aad shaqayso ee aannu aragno in ay soconayso, waxaannu diyaarinynaa sidii aannu u joojin lahayn wada shaqayntii ka dhaxaysay Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) iyo Qasnadda Caymiska. Inta aannaan taa samayn, waxaynu si wada jir ah isula eegaynaa qorshaha tallaabada tan ku xigta. Haddii uu qorshuhu u baahdo in la beddelo, waannu ka wada hadlaynaa annaga oo qorshaha waafajinayna isbeddelkaas.

Waxqabadyo, daaweyn iyo baxnaanada dibulaqabsiga ee aad ka helayso rugaha caafimaadka, way kuu socon karaan isla marka aad annaga naga helayso waxqabadyada. Muddadaas waad sii helaysaa gunnadii Qasnadda caymiska (Försäkringskassan).

Adigaaaga ka qaybqaadanaya baxnaanada dibulaqabsiga ee si aad u shaqayn karto (försäkringskassan.se)