Shuruudda ku xiran in gunno lagu qaato barnaamij
Marka aad ka qayqaadanayso barnaamij oo aad helayso taageerada hawlqabadka (aktivitetsstöd), gunnadda horumarka ama gunnada deegaamaynta (utvecklings- eller etableringsersättning) waxyaalaha aad u baahantahay waxaa ka mid ah in aad si firfircoon u raadiso shaqo kugu habboon oo aad warbixinta hawlqabadka (aktivitetsrapport) noo soo xerayso bil kasta. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxaad u baahantahay in aad samayso si aanad u gelin halis ah in laguu digo ama aad bilaa gunno noqoto hal maalin ama maalmo badan.
Tan ayaad u baahantahay in aad samayso
Si aanad u gelin halis ah in aad sagsaagto shaqaraadintaada oo aad bilaa gunno noqoto hal maalin ama maalmo badan, waxaad u baahantahay in aad si firfircoon u raadiso shaqo oo aad raacdo qorshaha aynu isla dejinnay. Haddii aad taageero ka hesho qandaraasleyaashayada midkood, waa in aad sidoo kale raacdo qorshaynta iyo heshiisyada aad la gashay gacanhayehaaga halkaas.
Waxay ka dhigantahay in aad u baahantahay:
- In aad si firfircoon u dalbato shaqooyin kugu habboon (haddii aanay wax kale kuugu qornayn qorshe-hawleedkaaga ku jira barta Boggayga (Mina sidor)): shaqooyinka la soo xayeysiiyey, shaqooyinka aannu kuu tilmaannay ama aannu kugu dhiirrigelinnay in aad dalbato iyo codsiyo furan sida in aad CV-gaaga u geeyso shaqabixiye.
- In aad dalbato shaqooyinka ama waxbarashooyinka aannu kugu dhiirrinnay (kuu tilmaannay) in aad dalbato
- In aad noo soo xerayso warbixinta hawlqabadkaaga bil kasta inta u dhaxaysa 1-deeda ilaa 14-keeda, adiga oo ku buuxbuuxinaya dhammaan shaqooyinkii aad dalbatay iyo hawlqabadyadii kale ee aad samaysay.
- In aad annaga nala samayso qorshehawleed ku saabsan sidii aad ku heli lahayd shaqo
- In aad ka qaybqaadato hawlqabadyada barnaamijkaaga
- In aad ka qaybgasho kulammada aad nala leedahay annaga iyo qandaraasleyaashayada
- In aad telefoonka ka jawaabto marka aynu ku heshiinnay in aannu ku soo wacayno.
- In wakhtiyada la ballamiyey aad nala soo xiriirto annaga iyo qandaraasleyaashada.
Si aanay shaqala’aantaadu u dheeraan oo aanad halis ugu gelin in aad bilaa gunno noqoto maalmo badan, waxaad sidoo kale u baahantahay in aad aqbasho:
- Shaqadii laguu soo bandhigo
- Waxbarashada aannu kugu dhiirrigelinnay in aad dalbato ee aad soo
- Waraysiyada shaqo iyo in aad dadaasho si shaqo laguu siiyo
- Hawlqabadyada laguu soo bandhigo ee ku jira barnaamijkaaga.
Mararka qaarkood waxaannu samaynaa hubin si aannu si aannu u baarno in aad dalbatay shaqooyinkii aad ku qortay warbixinta hawlqabadkaaga. Sidaa darteed waa muhiim in aad kaydsato caddaymaha muujinaya in aad shaqooyinka dalbatay, ugu yaraan saddex bilood.
Waxan ayaa dhacaya haddii aad samayn weydo wixii lagaa rabay
Xafiiska Shaqadu wuxuu kontoroollayaa in aad buuxinayso shuruudaha gunnada lagu helo barnaamij. Waxaannu bilaabaynaa baaritaan keeni kara in aannu go’aaminno digniin lagu siiyo ama in lagaa xiro gunnada hal maalin ama maalmo badan, haddii aad sagsaagto shaqoraadintaada ama aad dheerayso shaqo la’aantaada.
Haddii aad taageero ka hesho qandaraasleyaashayada, waxaa waajib ku ah in ay soo wargeliyaan Xafiiska Shaqada haddii aad ka baaqato hawlqabadyo ama kulammo ama aad u raaci waydo qorshahaagii. Sidoo kale waxay noo soo sheegayaan haddii wax aad samaysaa uu keeno in shaqa la’aantaadu dheeraato. Gacanhayahaagu ma samayn karo jeer-dhaaf ama in uu iska dhaafo sababaha maqnaanshaha ee waa in uu wax kasta noo soo rabboor-gareeyo.
Haddii aanagu -Xafiiska Shaqada ahaan- aannu bilaabayno baaritaan, waxaannu kugula soo xiriiraynaa warqad. Markaa waxaad haysataa fursad aad ku soo gudbiso warbixino dhammaystir ah, inta aannaan gaarin go’aanka kama dambaysta ah.
Haddii aad shaqaysay oo aad buuxisay shuruudo shaqo
Haddii aad shaqaysay oo aad buuxisay shuruud shaqo, waxay keeni kartaa in maalmo kooban lagaa xayiro ama digniin uun lagu siiyo. Haddii gunnadaada hoos loogu dhigay xayiraado soo noqnoday dartood, waxay Qasnadda Caymisku (Försäkringskassan) kuu soo celin kartaa heerkii gunnadaada. Shardigu waa haddii aad buuxiso shuruud shaqo.
Qasnaddaada shaqo la’aanta (a-kassa) ayaa xisaabinaysa in aad buuxisay shuruud shaqo. Si ay taa u samayso, waxaad u baahantahay in aad buuxbuuxiso foomka oo aad u dirto Qasnadda Shaqo la’aanta:
Sidan ayey u saamaynaysaa dakhligaaga lagu saleeyo lacagta jirrada (SGI)
Haddii aanad buuxin shuruudaha oo lagaa xayiro gunnada, waxay saamayn kartaa xaq u lahaanshahaaga dakhliga lagu saleeyo lacagta jirrada (SGI). Dakhligaaga lagu saleeyo lacagta jirradu waa gundhigga inta aad lacag helayso haddii aad tusaale ahaan gasho fasax waalidnimo. La soo xiriir Qasnadda Caymiska haddii aad wax su’aalo ah ka qabto arrintaas.
Haddii aad go’aankayaga u aragto qalad
Haddii aad u aragto in aannu go’aaminnay go’aan qaldan, waxaad dalban kartaa in dib loo eego. Buuxbuuxi foomka ”codsi ku saabsan in dib loo eego go’aanka digniinta ama ganaaxa” (Begäran om omprövning av beslut om varning eller sanktion) oo noo soo dir.
Codso in dib loo eego go’aan (Af-Iswiidhish)
Nagu soo wargeli maqnaanshaha
Waxaad u baahantahay in aad nagu soo wargeliso maalinta koowaad ee aad jirrato ama aad hayso ilmo jirran oo aanad ka qaybqaadan karin barnaamijkaaga. Haddii aad u baahantahay fasax, waa in aad marka hore nala soo xiriirtaa (Af-Iswiidhish) si loo ansxiyo.
Soo sheeg jirrada marka aad jrrantahay
Soo sheeg marka aad hayso ilmo jirran (VAB)
In dalka debeddiisa lag sugnaado wakhtiga barnaamija lagu jiro, sharci ahaan lama oggola. Waxaa jira marmar la oggolyahay. Haddiise aadba u safarto dalka debeddiisa adiga oo aan Xafiiska Shaqada ka helin oggolaansho, waxaad waayi kartaa booskaaga barnaamijka. Taasi waxay ka dhigantahay in aad waayeyso xitaa gunnadaadii iyo fursaddii aad kaga qaybqaadan lahayd hawlqabadka barnaamijka.