Haddii aad xanuunsato muddo ka badan maalin
Haddii aad xanuunsantahay in toddoba maalin ka badan oo aadna ka qeyb qaadan karin hawlahaaga wax qabadka waa in aad noo keentaa caddeyn dhakhtar. Waxaad u baahantahay in aad keentid caddayn dhakhtar iyadoon taas loo eegeyn in aad si buuxda u xanuunsaneyd iyo in aad maalinta qeyb ka mid ah xanuunsaneyd.
Caddeynta dhakhtarka
Si kaalmadaada lacageed laguu sii siiyo waxaad u baahantahay in aad noo keentid caddeyn dhakhtar. Caddeynta dhakhtarku waa in ay muujiso in aadan ka qeyb qaadan karin barnaamijkaaga iyo ilaa inta aadan baaxad ahaan ka qeyb qaadan karin. Maskaxda ku hay in aad u sheegtid dhakhtarkaaga
- in aad barnaamij ka qeyb qaadaneysid
- waxyaabaha kala duduwan ee aad barnaamijka ku qabatid, tusaale ahaan hawlo shaqo raadin, waxbarasho xagga suuqa shaqada ah, tababar shaqo, SFI
- inta saacadood ee aad ka qeyb qaadatid barnaamijka - haddii aadan ogeyn waxaa iska qiyaasi kartaa saacaduhu inta ay yihiin
- waxa aad adiga naftirkaagu u maleyneysid in aadan xanuunka ama dhaawaca dartiis barnaamijka ku sameyn karin
Ka codso magdhabid laga helo Qasnada Caymiska
Waxaad kaalmada lacageed ka codsaneysaa Qasnadda ceymiska. Codsigaaga waxaad ku qoreysaa maalmihi aad xanuunsaneyd oo aadan ka qeyb qaadan barnaamijka. Macluumaad dheeraad oo ku aaddan sida aad kaalmo lacageed uga codsaneysid barta intarneetka ee Qasnadda Ceymiska.
Caddeynta dhakhtarka noo soo dir
Caddeynta dhakhtarka waxaad noogu soo direysaa
Arbetsförmedlingen
Läkarintyg
Box 242
831 23 Östersund
Macluumaadka khaanadda ku jira tusi dhakhtarka haddii aad u baahantihid caddeyn dhakhtar
Ku socota
Bukaanku wuxuu Xafiiska shaqada uga qeyb qaataa barnaamij. Bukaanka waxaa lagu boorriyay in uu booqashada dhakhtarka ka hor isu diyaariyo hawlo ku aaddan
- hawlo barnaamijka ku jira
- baaxadda barnaamijka
- waxa uu bukaanku u maleyneysid in uu xanuunkiisa ama dhaawaciisa dartiis barnaamijka ku sameyn karin
Marka bukaanku uu ka qeyb qaadanayo barnaamij waa in aad isticmaashaa caddeynta dhakhtarka AF00251.
Caddeynta waxaad ka heleysaa bogga arbetsformedlingen.se/varden.
Till läkaren
Patienten deltar i ett program hos Arbetsförmedlingen. Patienten är uppmanad att förbereda sig inför läkarbesöket med uppgifter om
- aktiviteter i programmet
- omfattning av programmet
- vad patienten tror att hen inte kan göra i programmet på grund av sin sjukdom eller skada.
När patienten deltar i ett program ska du använda läkarintyg AF00251.
Du hittar intyget på arbetsformedlingen.se/varden