2 maj 10:00
Nästa webbinarium:
Visa fler

Våld i nära relationer – en dold orsak till arbetslöshet

Var fjärde kvinna i Sverige har någon gång utsatts för våld i nära relationer. Var tredje vecka mördas en kvinna av en man som hon haft en relation med. Flera av dessa kvinnor har varit inskrivna som arbetssökande hos Arbetsförmedlingen. I detta avsnitt samtalar vi om varför Arbetsförmedlingen har fått ett regeringsuppdrag om ökad upptäckt av våld samt vad du som varit utsatt för våld i nära relationer kan få för hjälp och stöd.

[Muusig]

[Mohamed Ebileh Adbomagid]

Sida laga soo xigtay tiro koobyo la

sameeyay waxaa lagu ogaaday in afartii dumar ahba qof

dumar ahi ay la kulanto gacan ka hadal ama rabshado ka

yimaada labada qof ee lammaanaha ah ama gabadhu ama

haweenaydu qof ay xiriir dhow la leedahay.

[Mohamed]

Waxaa kale oo lagu ogaaday tiro

koobyada in saddexdii wiigba waddanka Iswiidhan qof dumar

ahi ay ugu dhimato arrimo tacadiyadaas la xiriira.

[Mohamed]

Sannad kasta wuxuu xafiiska caymiska

bulshada ee loo yaqaan Försäkringskassan uu qabtaa 11 000

oo kiis oo ku saabsan xanuuno ka dhashay xaaladahaas

gacan ka hadalka ah ee ka yimaada familada ama

lammaanayaasha is qaba ama xiriirka dhow leh.

[Mohamed]

Inta badan kiisaskaasi waxay kusoo

dambeeyaan Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen-ka)

oo isagu la tacaala sidii dadkaasi uu u caawin lahaa si ay

shaqada dib ugu noqdaan ama shaqada dib loogu celiyo.

[Mohamed]

Arrintaas darteed ayay dawladda Iswiidhan

Xafiiska shaqada waxay siisay mas´uuliyad dheeraad ah

oo ah inuu fiiro gaar ah u yeesho arrimahaas la xidhiidha

tacaddiga ka dhex dhasha dadka xiriirka dhow leh.

[Mohamed]

Haddaba barnaamijkan waxaan maanta kaga

warramaynaa arrintaas iyo sababta keentay in dawladda

Iswiidhan ay xafiiska shaqada siiso mas´uuliyadan

dheeraadka ah si loo dardar geliyo ogaanshaha dhibaatooyinka

noocaas oo kale ah inta badanna u noqon kara sabab qarsoon

inuu qofku bilaa shaqo noqdo in badan.

[Mohamed]

Barnaamijkan oo ka mid ah barnaamijyo

taxane ah oo laga siidaayo barta internetka Xafiiska shaqada

uu ku leeyahay ee loo yaqaano "Ny i sverige podden" oo loogu

talo galay dadka cusub ee xafiiska shaqada ka tirsan.

[Mohamed]

Macaygu waa Maxamed Ebileh.

Waxaa ila fadhida Amal Cabdi oo ka tirsan Xafiiska shaqada

oo inooga warrami doonta arrintaas si faahfaahsan.

[Mohamed]

Soo dhawow Amal!

[Amal Abdi Mohammed]

Waad mahadsan tahay walaal!

[Mohamed]

Haddii arrintaasi aan wax kaa weydiino, ma

nooga warrami kartaa sababta dawladu ay Xafiiska u siisay

mas´uuliyadan dheeraadka ah ee ah inuu dardar geliyo

ogaanshaha dhibaatooyinkaas aan horay usoo sheegnay.

[Amal]

Dawladu waxay siisay Xafiiska shaqada

(Arbetsförmedlingen) iyo Xafiiska socdaalka oo loo yaqaano

emigration-ka iyo xafiiska caymiska (Försäkringskassan) iyo

Xafiiska sinnaanta oo loo yaqaano Jämställdhetsmyndigheten

inay la socdaan dhibaatooyinka familiga dhexdooda ka dhaca

sababta oo ah waxaan ognahay inay rabshadaha ka dhaca

familada dhexdooda sabab u noqon karto inay saamayso

caafimaadka ayna keento inuusan qofku shaqooyin heli karin

ama inay ka hor istaagto waxbarashada iyo inuu noloshiisa

horay u socdo.

[Mohamed]

Si wanaagsan!

Waa maxay sababta keentay in mawduucaan

iminka ahaan uu muhiim u yahay in laga hadlo?

[Amal]

Waa muhiim in laga hadlo dhibaatooyinka ka

imaada rabshadaha (våld) oo qofka caafimaadkiisa

dhaawacaya sidii dooragadii iyo khamriga oo kale.

Wax laga xishooda ma ahan in laga hadlo waaye

dhibaatooyinka ku saabsan rabshadaha (våld).

Waa muhiim qof walba inuu dhibaatadiisa sheegto si loo

caawiyo waana muhiim in la joojiyo rabshadaha

sida ragga iyo dumarka wada nool oo xiriirkeedu

[Amal]

aad u fiicnayn iskuna xadgudbaan. Xafiiska

shaqada mas´uuliyad baa ka saaran inay ogaadaan haddii

dhibaato qof haysato ayna ku hubsadaan inuu qofkii helo

caawinaad ku haboon.

[Mohamed]

Si wanaagsan!

Marka Amal bal waxaad nooga warrantaa su´aalo noocee ah

ayaa xafiiska shaqadu uu weydiin doonaa dadka xafiiska

shaqada ka tirsan ee dhibaatooyinkaas la kulma.

Waa su´aalo noocee ah su´aalaha la weydiinayo?

[Amal]

Su´aalaha lagu weydiin karo waxay noqon

karaan su´aalo ku saabsan haddii lagu dhibaateeyo jir ahaan,

galmo ahaan, bulsho ahaan ama colaad ka timid dhaqaalaha.

Waxay noqon kartaa wax kasta laga bilaabo gacan qaadis,

grov misshandel, in qofka xattaa kaararkiisa iyo e-legitimation

kiisa laga qaato lana dhibaateeyo oo kontorool lagu sameeyo

dhaqaalihiisa.

[Amal]

Rabshada sharaftana oo loo yaqaano

"hedersrelaterat våld" iyo cadaadis fara badan waxay

keenaysaa xayiraad oo keeni karta inuusan qofku gaari karin

go´aan ku saabsan noloshiisa oo uusan xattaa dhaqdhaqaaq

iyo shaqo raadis samayn karin.

[Mohamed]

Waa ayo inta badan dadka arrimahaas u

nugul tusaale ahaan oo kale arrimahaas la kulma inta badan,

dad noocee ah weeyaan?

[Amal]

Runtii qofka kastay ku dhici kartaa, ragay

ku dhici kartaa, hablahay ku dhici kartaa, waxay ku dhici

kartaa qof waayeel ah, qof lacag haysta, qof lacag haysanin.

qof kasta bay ku dhici kartaa oo leh xiriir dhow.

[Amal]

Laakiin qofkii inta badan

dhibaatooyinkiisa way adag tahay in la ogaado madaama

ma sheeganayo problem-ku meeshuu ka haysto

iyo dhibataatadu meeshay uga socoto.

[Mohamed]

Arrimahaan ma arrimo soo noqnoqdaa

waddanka Iswiidhan, intee in le´eg ayay arrimahaani caadi

ka yihiin waddanka, intee in le´eg ayay soo noqnoqon karaan

dhibaatooyinka noocaan oo kale ah.

[Amal]

Sannadkii lasoo dhaafay 2020 waxaa

booliska kusoo wargeliyay 49 700 hablo ah iyo 12 400 rag ah

in laga gelay danbi ku saabsan rabshadaha xiriirka dhow.

[Amal]

Dhibaatada laakiin waxaa u badan dumarka,

rabshadu waxay dumarka u keenaysaa inay isbitaal galaan,

dhaawac gaaro ama in la geeyo meel guri qarsoodi ah oo

laga ilaaliyo qofkii dhibaatada u keenay. Waxay u keeni

kartaa xattaa qofkaas in information-kiisa loo qariyo.

[Amal]

Hey´adda ka hortagta dembiyada loona

yaqaano Brottsförebyggande rådet waxay samaysay baaritaan

arrintaan ku saabsan waxayna sheegtay in 7% oo dadka

Iswiidhan deggan sannad gudihiis laga galo dembiyo ku

saabsan xiriirka dhow.

[Amal]

Haddii la fiiriyo dadka ka diiwaan gashan

xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) waxay noqon kartaa

35 000 qof oo dhibaatadaan haysato.

[Mohamed]

Waa maxay sababta ay dadka bilaa shaqada

ahi arrimahaan oo kale aad ugu nugul yihiin oo inta badan

dadka bilaa shaqada ugu badan tahay arrimahaan tacaddiga

ah ama rabshadaha ka dhex dhaca dadka xiriirka dhow leh?

[Amal]

Waxaa keeni karta, qofkii markuu shaqo

raadis yahay wuxuu u baahan yahay caawinaad xagga

dhaqaalaha markay saas tahayna qofkii wuxuu

ku tiirsanaanayaa in familkiisa ka caawiyaan xagga

dhaqaalaha.

[Amal]

Laakiin qofkii hadduu dhibaatooyin badan

la kulmay waxay u keeni kartaa kalsooni darro iyo dhibaatooyin

badan oo caafimaadka ku saabsan kana hor istaagaya

inuu shaqo raadsado oo dhaqdhaqaaq sameeyo.

[Mohamed]

Waan gartay Amal!

Bal waxaad nooga warrantaa sababta keentay wakhtigan

in Xafiiska shaqadu uu su´aalahan weydiiyo dadka bilaa

shaqada ah ee Xafiiska shaqada ka tirsan.

[Amal]

Xafiiska shaqada wuxuu u baahan inuu

ogaado information hadday jiraan wax ka hor istaagaya qofka

shaqo raadiska ama hadday jiraan shaqooyin aan ku

haboonayn.

[Amal]

Waa muhiim in Xafiiska shaqada ogaado

hadday jiraan wax ka hor istaagaya shaqo raadiska

matalan haddii qofkii dhibaateeyay meel uu ka dhow yahay

uu joogo ama haddii ay jiraan shaqooyin aan ku haboonayn.

[Amal]

Qofku ma ka shaqayn karo meelo si sahlan

lagu heli karo madaama naftiisu khatar gelayso.

Haddii Xafiiska shaqada aadan u sheegin dhibaatooyinka kuu

imaan kara waxaa dhici karta in meel walba oo aad ka shaqayn

kartid laguu diro.

Haddaad diididna waxay kuu keenaysaa dhibaatooyin dhinaca

dhaqaalaha ah.

[Mohamed]

Waa yahay Amal!

Tusaale ahaan haddii iminka qofkii uu u warramo oo Xafiiska

shaqada su´aalahaa uga jawaabo, muxuu ka filan karaa qofku

Xafiiska shaqada muxuuna Xafiiska shaqadu ka caawin

karaa haddii qofku dhibaatooyinka noocaas oo kale ah la kulmo?

[Amal]

Xafiiska shaqada waajibaad baa saaran.

Waa inay caawiyaan dadka oo usii gudbiyaan meelaha

caawinaad ay ka heli karaan.

[Amal]

Annaga awood ma u lihin inaan sii baarno

rabshadaha (våld) laakiin waxaan usii gudbinnaa hey´adaha

ku shaqo leh sida social-ka, booliska.

Iyagaa hadhow sii baarayaa oo qofkii caawinaad sii siinaya.

[Mohamed]

Waan gartay!

Aragti ahaan, qofka Xafiiska shaqada ka tirsan ee shaqo

raadiyaha ah ama waddanka ku cusub ma waajib bay

ku tahay inuu warbixintaan Xafiiska shaqada siiyo,

ma wax khasab ku ah baa?

[Amal]

Way fiican tahay runtii hadduu qofku

sheego hadday dhibaato ay jirto taasna waxaan u dhahaynaa

waxaa waaye qofkii hadduu u sheego Xafiiska shaqada inay

dhibaato haysato waa loo sheegayaa meeshuu caawinaad ka

helayo, caawinaad sax ah buu helayaa.

[Mohamed]

Waa tahay Amal!

Marka laga yimaado Xafiiska shaqada,

may jiraan meelo kale oo uu qofku caawimo ka heli karo

oo la xiriiri karo?

[Amal]

Way jiraan meelo badan oo qofku ka heli

karo caawinaad laakiin waxaan rabaa inaan kor u qaado

qof walbaba wuxuu xaq u leeyahay nolol fiican oo aan

dhibaato lahayn, nolol aan lahayn rabshad.

Xafiiska Arbetsförmedlingen wuu ku hagi karaa wuuna kuu

sheegi karaa meelaha aad caawinaad ka helaysid xattaa

waxaan kuu qaban karnaa turjubaan af somali oo kula jooga

markii aad nala kulmaysid.

[Amal]

Laakiin meelo kale way jiraan waxaana ka

mid ah haddaa adiga ku jirtid xaaladaan oo ay degdeg tahay

waxaad u baahan tahay inaad booliska wacdid 112 si

degdeg ah haddii aysan xaaladdu fiicnayn.

[Amal]

Ka bacdi waa inaad la xiriirtid

socialtjänsten si laguu geeyo deegaan lagugu ilaaliyo.

[Amal]

Haddaa adigu aad rabtid talo ama aad

rabtid qof ku dhagaysta oo problem-kaaga kala hadashid

waxaa jirto wax la dhahaayo Kvinnofridslinjen lambarkoodu

waxaa waaye 020 50 50 50 iyagaa wici kartaa.

Ka bacdiina socialtjänsten baa wici kartaa kommunka aad

deggan tahay.

[Amal]

Adiga haddaad tahay qof oo problem iyo

rabshad familigaaga ku haysid adiga laftarkaaga xattaa

caawinaad way jirtaa.

Adiga laftarkaaga meel waxaad wici kartaa

Stödlinjen lambarka 020 555 666 si aad dabeecadaan u

beddeshid si aad problemka aad familkaaga u keenaysid u

joojisid.

Adiga laftarkaaga waad helaysaa caawinaad lambarkaas wac.

[Mohamed]

Aad iyo aad baad u mahadsan tahay Amaal

warbixintaa sida quruxda badan aad noogu soo gudbisay!

[Amal]

Waad mahadsan tahay walaal!

Tack så hemskt mycket!

[Mohamed]

Dhagaystayaal intaan waxaan kusoo gabogabaynanaa

qaybtaan ka mid ah qaybihii horay usoo taxnaa.

Intaan qaybo kale ku kulmi doono anigoo ah Maxamed Ibileh

iyo Amaal waxaan idin kaga tagaynaa sidaas iyo nabadgalyo.