Idag 10:00
Nästa webbinarium:
Visa fler

Anställningsintervjun

Ska du gå på anställningsintervju? Grattis i så fall! Visste du att det finns många saker som du kan göra för att öka dina chanser att få jobbet? I det här avsnittet gästas vi av Najma Ali från Arbetsförmedlingen. Hon kommer att ge dig många bra tips!

Muusiig horudhac ah...

(Maxamed Cabdimajiid)

Kusoo dhawaada qayb kale oo cusub oo ku saabsan

su´aalaha inta badan ku yimaada interfiyuuga shaqada ee

inta badan la isweydiiyo.

Barnaamijkaas/mawduucaas waxaan kaga hadlaynaa

sida qofku iskugu sii diyaarin lahaa su´aalaha inta badan

ku yimaada interfiyuuga waxaana igala qaybqaadanaysa

Najma Cali oo xafiiska shaqada ka shaqaysa.

Aniga idinla socodsiinaya barnaamijkana magacaygu waa

Maxamed ibni Cabdimajiid.

Muusiig...

(Maxamed Cabdimajiid)

Soo dhawow Najma!

(Najma Cali)

Waad mahadsan tahay!

(Maxamed Cabdimajiid)

Qaybtaan waxaan kaga hadlaynaa su´aalaha inta badan

ku yimaada interfiyuuga markaad shaqo dalbatid.

Mawduucaas saan uga hadalno waxaa halkaan igula sugan

Najma Cali oo in badan xafiiska shaqada kasoo shaqaysay

kana shaqaysa iminka.

Su´aalahaas iyo kuwo badanna inoo faahfaahin doonta sida

qofku iskugu diyaarinayo.

Najma kusoo dhawow!

(Najma Cali)

Waad mahadsan tahay!

(Maxamed Cabdimajiid)

Haddii aan ku bilowno su´aasha ugu horreysa oo kale

waxaa jira su´aalo fara badan oo lagu weydiin karo markaad

shaqo dalbato oo kale oo interfiyuuga timaadid oo kale.

Laakiin inta badan waxaa jira su´aalo,

su´aasha inta badan ugu horreysa waxay noqon kartaa,

adigu bal iska sheekee qofka aad tahay?

markaa su´aashaas oo kale sidee qofku iskugu

sii diyaarin karaa, maxaase haboon inuu qofku iska sheego?

(Najma Cali)

Horta qofka marka waraysiga loogu yeero/interfiyuuga

loogu yeero waa muhiim sida hadda adigu aad

sheegtay inuu su´aalaha ku imaan kara horay usii diyaarsado

ama horay uu iskugu sii diyaariyo.

Sababtay u fiican tahay qofka inuu iskugu diyaariyo

su´aalahana waxay tahay waxay u sahlaysaa qofkaas siduu

waraysigaas si fiican uga soo bixi lahaa.

Waxaa xoogaa kaa yaraanaya welwelka ama baqdinta

interfiyuugaas/waraysigaas lagu la yeelanayo.

Marka haddaad horay si fiican aad iskugu diyaarisay waxay kuu

sahlaysaa jaaniska sidaad uga bixi lahayd waraysigaas taasna

markaas waxay kuu sahlaysaa sidaad shaqada ku heli lahayd.

Marka saas daraadeed way ku fiican tahay. Su´aasha hadda aad i

waydiisay oo ah wax isa sharax ama noo sheeg qofka aad tahay

waa su´aal fiican inuu qofku isku sii diyaariyo.

sababtay u fiican tahayna waxay tahay waxaa halkaan la rabaa

inaad qofka shaqo-bixiyaha ah u sheegtid qofka aad tahay,

waxyaalaha aad ku fiican tahay, khibradahaaga iyo tacliintaada

iyo sababta aad adigu ugu haboon tahay/adigu ugu fiican

tahay shaqadaan. Marka waxaa la rabaa inaad wax yar isku sii

diyaarisid waraysi inaad adigu iska sheekaysid/ iska warrantid,

adigu daqiiqad meelahaa qofka shaqo-bixiyaha ah si uu kugu

barto. Uma baahnid inaad ka sheekaysid familkaaga,

carruurtaada iyo waxyaalaha adiga shaqsi kuu ah, laakiin

waxyaalaha uu qofkaas shaqo-bixiyaha ah kaaga baahan yahay

oo ku haboon shaqada lagugu yeeray.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka kalsooni bay ku siinaysaa inaad isku sii diyaarisid

su´aalaha inta badan ku yimaada interfiyuuga.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Su´aal kalaa ayedna waxay tahay oo inta badan ku timaadda/

soo noqnoqota, oo ah maxaad soo qabatay?

Maxaa su´aashaas oo kale qofka loo waydiinayaa,

waxaa dhici kartaa tusaale ahaan inuu wax badan soo qabtay.

Sidee loo kala dooranayaa wixii aan soo qabtay,

sidee iskugu sii diyaarin karaa waxa muhiimka ah inaan ka sheego

su´aashaas hadday ii timaado oo kale?

(Najma Cali)

Haa!

Waana su´aal ay u badan tahay inay kugu imaanayso

waraysiga/interfiyuuga markii lagugu yeero. Marka waxaad

samaynasaa waxaad dib u eegaysaa waxyaalihii aad horay

usoo qabatay, khibradahaagii hore iyo tacliintaadii hore inta uga

haboon shaqada maalintaa lagugu yeeray interfiyuuga.

Marka waa inaad eegtaa tusaale haddaad kasoo shaqaysay

carruur haynta ama "barnskötare" shaqada markaas lagugu

yeerayna ay u dhiganto shaqadii aad horay usoo qabatay oo

kale waxaad uga sheekaynasaa qofka shaqo-bixiyaha ah

tacliintaadii hore iyo khibradahaagii hore oo ku haboon

shaqada markaas aad ugu timid waraysiga. Waxaa laga yaabaa

qof in badan soo noolaa haddaad tahay in shaqooyin aad

u fara badan inaad soo martay. Laakiin shaqo kastana kuma

haboona, khibradaha aad kasoo heshay kuma haboona

shaqada markaas aad raadinaysid, in yar oo kooban dib usoo

xasuuso oo uga qofka shaqo-bixiyaha ah, tacliintii iyo khibraddii

aad shaqo kasta kasoo heshay iyo waxa uu isaga yacni

qofkaas shaqo-bixiyaha ah uu kaa faa´idayo,khibraddaa aad wadatid.

Marka sababtaas buu qofka shaqo-bixiyaha kuu weydiinayaa

su´aashaas.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka dabcan waxaa weeyaan mar kasta waxaad ka

dhaqaaqaysaa shaqadii iyo wixii loo baahnaa marka warbixinta

ma waxaad ku koobaysaa ama waxaad ka dhaqaaqaysaa

inaad ka sheekaysid iyadoo kooban khibradahaagii ku

saabsanaa, xiriirka la leh shaqadaan iminka aad codsanaysid

si aad isku soo koobto.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Su´aal kale oo la xiriirta su´aasha aan hadda kasoo sheekaynay

oo kale, haddii uusan qofku waxbaba soo qabanba uuna soo

shaqayn ama khibrad uuna soo lahayn, su´aashaas oo kale

sidee uga jawaabi karaa?

(Najma Cali)

Dhowr si baad uga jawaabi kartaa, tan koowaad waxaad qofka

shaqo-bixiyaha u sharixi kartaa shaqsi ahaantaada qofka aad

tahay tusaale oo kale haddaad tahay qof si sahlan ama si

dhaqso badan wax ku barta. Waxaad ku oran kartaa qofka

shaqo-bixiyaha anigu khibrad uma lihi shaqadaan maanta

waraysiga la igu yeeray, laakiin waxaan ahay qof haddii hal ama

labo ama seddex waxa la i tuso si sahal ah ku barto/si dhaqso badan

ku barta. Waxaad kale oo oran kartaa hadday run tahay inaad

tahay qof mas´uul ah oo markaa isaga is xilqaamaya oo aan u

baahnayn mar kasta in wax loo sheego.

Anigaa is xilqaamo marka marka sidaas daraadeed wax badan baad iga

faa´idaysaan shaqsi ahaantayda qofka aan ahay.

Qofka shaqo-bixiyaha baad u sheegaysaa, waxaan ahay qof

jecel wax cusub inuu mar kasta barto. Marka ma ihi dadka aan

jeclayn wax cusub inay noloshooda ku yimaadaan marka

waxaan ahay qof jecel in mar kasta wax cusub uu barto.

Marka waxaad tilmaamaysaa waxyaalaha shaqsi ahaantaada

aad is leedahay way ku haboon tahay shaqadaa.

Tusaale oo kale haddaad tahay qof taxaddar badan,

qof aaminaad badan, qof mas´uul ah, qof isxilqaan badan

waa waxyaalo badan u dhigma mararka qaarkood khibradda

ama tacliinta marka haddii aadan tacliin ama khibrad aadan

lahayn waxba marka ha yasirin intaada.

(Maxamed Cabdimajiid)

Markaa micneheedu waxaa weeyaan, haddii aadan soo

shaqayn uma baahnid inay kaa xidho shaqo raadinta

, macnahii waxaad xoogga saaraysaa wanaaggaaga kale ama

sidaad bulshada kale isku tihiin iyo wakhtiyada firaaqada

waxaad qabatid yacnii wixii fiicnaa baad xoogga saaraysaa

bay ka dhigan tahay uma baahnid in haddii aadan waxba soo

qabanin ay kaa hor istaagto shaqo raadis iyo waxaas.

(Najma Cali)

Haa, Maya!

Uma baahna inay kaa hor istaagto sababta oo ah qofkaan

waraysiga maalintaa kuugu yeeray wuu soo akhriyay cv-gaagii,

wuu jeclaaday khibradahaagii iyo tacliintaada, qofku wuu

akhriyey warqadaadii codsiga "personligt brev" wuxuu is yiri

qofkaan waa qof fiican markaas baa waraysiga meesha lagugu

yeeray waxaad rabtaa keliya mar saddexaad inaad iskaga

iibgeysid ama aad si fiican isku bartid.

(Maxamed Cabdimajiid)

Si wanaagsan!

Su´aal kale oo ayedna waxaa jirta inta badan ku timaadda oo

dadkuna isweydiiyaan siday su´aashaan uga jawaabi karaan oo

kale, suaashuna waxay tahay sida tan, maxaad ku wanaagsan

tahay haddii lagu dhaho ama dhinacaaga positivive-ka

muxuu yahay? Sidee baad su´aashaa iskugu sii diyaarin kartaa

si hadhow adigoo kalsooni isku qaba aad uga jawaabtid

su´aashaas?

(Najma Cali)

Horta sida ugu fiican aad iskugu diyaarin kartid su´aashaa

waxay tahay inaad dib ula xiriirtid dadkii aad horay ula soo

shaqayn jirtay, qofkii mas´uulka ka ahaa meeshaad kasoo

shaqayn jirtay haddaad horay usoo shaqaysay oo weydii

dadkaas markaa waraysi baa la igu yeeray maalintaas

,waxaan u baahnahay inaan ogaado waxyaalaha aan aad

ugu fiicnahay oo aad adigu igu tilmaami lahayd, dadka kale baa

ku arki waxaad ku fiican tahay marka dad aad horay ula soo

shaqaysay ama mas´uulkaagii hore weydii oo markaas waxaad

ku tiraahdaa bal tusaale ii sheeg waxaan ku fiicanahay oo kale.

Markaasna isku beeg waxa uu qofkaas asxaabta

ama isla soo soo shaqayn jirteen uu kuu sheegay ma wax

looga baahan yahaybaa shaqada markaa waraysiga la igu yeeray.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay, marka aad bay u fican tahay inaad tiraado oo kale

asxaabtaydu waxay igu sheegaan inaan ahay qof caynkaas oo

caynkaas kale ahay, tusaale oo kale haddii aadan horay usoo

shaqayn oo dad horay kuula soo shaqeeyay ayna jirinba waxaad

leedahay waxaad leedahay waxaad weydiin kartaan familigaaga

ama asxaabtaada ama dadka aad isku fiican tihiin oo wax aad

ku fiican tahay kaa sheega.

(Najma Cali)

Haa!

(Najma Cali)

Familkaaga iyo asxaabtaada baad weydiin kartaa.

(Najma Cali)

Tan kalena adigu laftigaagaba isweydii, adigu intaa dib isu

fekartid, adigu maxaad ku fiican tahay.

Cunto karinta maad ku wanaagsan tahay, carruurta sida

loo hayo, sida wax loo beero waxyaalahaas oo kale haddaad

ku fiican waad ka sheekayn kartaa markaas.

(Maxamed Cabdimajiid)

Ok. markaas su´aashaas iyo su´aal kale oo waxaa jirta kasoo

horjeeda oo tusaale ahaan oo kale maxaanad ku fiicnayn oo

kale baa lagu weydiin karaa ama dhinacyada aad u baahan tahay

inaad horumarisid waa kuwee? Haddii toos loo sheego macnihii

maxaad ku xun tahay oo kale bay su´aashu u qoran tahay

, laakiin waxaa laga wadaa maxaad u baahan tahay inaad

horumarisid, maxaanad ku fiicnayn oo u baahan tahay inaad

horumarisid? Su´aashaas lafteeda sidee iskugu diyaarin kartaa

iyada lafteeda?

(Najma Cali)

Horta hore markuu qofka shaqo-bixiyaha su´aashaan uu ku

weydiinayo wuxuu rabaa inuu si fiican kuu barto wuxuuna rabaa

inuu ogaado inaad tahay qof adigu is yaqaano, qof yacni is og

wuxuu yahay inaad tahay. Marka waa muhiim inaadan

su´aashaan oo kale markay kugu timaado aadan oran,

mayee anigu waxba kuma xumi, wax kasta waan ku fiicnahay.

Sababta oo ah waan ognahay inaysan run ahayn

, qof ma jiro wax kasta ku fiican, qof ma jirana wax kasta ku xun.

markaa sidaad adiguba hadda u sheegtay Maxamed waxaad

markaa ka fekaraysaa waxyaalahaad noloshaada u baahan

tahay ama shaqsi ahaantaada aad u baahan inaad

horumarisid tusaale oo kale waxaad oranaysaa, anigu waxaan

ahay qof aad iyo aad u taxadar badan laakiin waxaan jeclaan

lahaa inaan mararka qaarkood wax yaro dhaqso u hormariyo

oo kale, markaa adiguna isma sii liidasid oo si xun iskuma

tilmaamaysid laakiin waxaad is leedahay qofkaan shaqo-bixiyaha

haddaa xoogaa yara hormariyo muxuu ka faa´idayaa markaas

, markaa noloshaada dib uga fekaraysaa.

(Maxamed Cabdimajiid)

Markaa taa micnaheedu waxa weeyaan inaad adigu marka ugu

horreysa aad isbaratid shaqsi ahaan qofka aad tahay

, waxyaabahaad ku fiican tahay, waxyaabahaad u baahan

tahay inaad horumarisid, si aad su´aashaas si yar oo deggan oo

kalsooni qabta aad uga jawaabtid. waan gartay si wanaagsan.

Haddaan horay ugu sii soconno su´aalaha inta badan ku yimaada

, waxaa jirta su´aal, su´aasha ugu muhiimsan waxa weeyaan

aad u baahan inaad si fiican ama qofku iskugu sii diyaariyo ama

lagu weydiin karo mar kastana ku imaan karta, shaqadaan aad

soo dalbatay maxaad usoo dalbatay, sababta waa maxay aad

usoo dalbatay? marka su´aashaas oo kale see iskugu sii diyaarin

karaa si aad in yar oo kooban oo qurux badan aad ugu gudbin

kartid sababta aad usoo dalbatay shaqadaan maxay tahay?

Waa maxay muhimadda ka danbaysa inaad soo dalbatid shaqadaan?

(Najma Cali)

Qofka shaqo bixiyaha markuu su´aashaan uu ku weydiiyo

waxa aw rabaa inuu ogaado xiisaha aad u qabtid shaqada

, waa jaanis/fursad ku siinaysa inaad qofka shaqo-bixiyaha tustid

xiisaha aad shaqadaa u qabtid, badanaa qofka shaqo-bixiyaha

wuxuu ka hor qaadanayaa ama ka hor dalbanayaa qof shaqada

xiiso u qaba. Dhowr qof buu rabaa inuu kala doorto markaas

, qofka shaqada xiisaha u qaba ayuu ka qaadanayaa dadkaas.

(Maxamed Cabdimajiid)

Markaa ma xiise un bay noqonaysaa dadka oo dhan shaqo xiisay

u wada qabaan, ma xiise un bay noqonaysaa mise waxyaabo

kale oo aad tilmaami kartid baa jira tusaale ahaan kugu kalifay

oo kale shaqadaan inaad raadsato.

(Najma Cali)

Haa!

Yacni dabcan markaad adigu shaqada raadsanaysay

waxbaad yacni hadaf baad lahayd laakiin sidaan hadda horay

usoo sheegay qofka shaqo-bixiyaha wuu akhriyay CV-gaagii

, waraaqdaadii codsiga wuu akhriyay marka wuxuu rabaa inuu

hadda xoogga uu sii saaro sababta ku kaliftay inaad

shaqadaan soo codsatid, xiisaha aad shaqadaan u qabtid

marka jaanis bay adiga ku siinaysaa inaad si fiican qofka

shaqo-bixiyaha u tustid inaad shaqadaan aad iyo aad

u xiisaynasid oo qof si fiican uga soo bixi kara shaqadaan inaad

tahay

(Maxamed Cabdimajiid)

Kolkaa waxaa dhici karta qofku inuu shaqo u baahan yahay oo

shaqo uniska dalbanayo haddii uusan qofku garanayn sababta

uu shaqadaan laf ahaanteeda uu usoo dalbaday, haddii uusan

qofku uusan kasii fekarin oo u baahnaa tusaale

ahaan inuu shaqo un helo ama dakhli dhaqaale oo kale

, ma fahamtay, haddii su, uaashaas uunan garanaynba

sababta uu u dalbaday shaqada.

Sidee iskugu diyaarin karaa oo uga jawaabi karaa su´aalahaas

oo kale?

(Najma Cali)

Waa su´aal fiican sababta oo ah horta badanaa marka qofku uu

warqadda codsiga iyo warqadda cv-ga uu u diray shaqada iyo marka

loogu yeeray waraysiga badanaa muddo dheer baa u dhexaysa.

Marka waxaa laga yaabaa inaadba hilmaantay sababta aad

shaqadaan u dalbatay.

Marka halkaas waxaan ku talin lahaa dib u akhri ogaysiiskii

markii hore shaqadaan kuu xiise geliyay, dib u eeg oo akhri

markaa oo isweydii adigu markii aad shaqadaan codsanaysay

maxaa kugu kalifay inaad codsatid.

Sababta oo ah waxaa laga yaabaa maalintaas inaad shan

shaqo aad eegtay laakiin tan baa ku xiise gelisay

, Isweydii marka ma shaqada la qabanayo nooca ay tahay baa

ku xiise gelisay, ma waxaa ku xiise gelisay shirkadda tusaale oo

kale Ikea-yaha baa shaqo soo geliyay waxaad jeceshahay

shirkadda ikea-yaha inaad ka shaqaysid ma taas baa kugu

kaliftay inaad markaas codsiga aad xaraysatid.

Ma waxaad is leedahay shaqadaan haddaan helo fursado kalay

ii sahlaysaa oo fursado kale oo albaabadooda ay kuu furayso

baa kuu xiise gelisay marka adigu dib isku weydii

, maxaa markii hore markaan codsanayay shaqadaan

, maxay ahayd yacni maxaa igu kalifay, maxaa igu dhiirigeliyay

inaan codsado shaqadaan?

(Maxamed Cabdimajiid)

Taasna waxaa gundhig u ah oo kale inaad sii akhrido

shaqadu waxay ku saabsan tahay, waxa loo baahan yahay

, dadka ka shaqaynaya shaqada ama tusaale ahaan oo kale

arrimaha loo baahan yahay inuu qofku sameeyo markuu shaqadii

helo oo kale taasna waxay kuu suurtagelinasaa baad leedahay

inuu qofku sii daraaseeyo/sii barto shaqada lafteeda waxa

laga qabanayo iyo shirkadda/meesha aad ka shaqayn doontid

waxa ay tahay?

(Najma Cali)

Haa, sax!

(Maxamed Cabdimajiid)

Su´aalo kale oo iyagana waxa jira ku yimaada inta badan oo

inta badanna lagu soo gabagabeeyaba interfiyuuga markaad

su´aalihii intii kale oo dhan laga soo sheekeeyay, su´aashaas

oo kalena inta badan waxay timaadaa ugu danbaynta

, waxaana weeyaan tusaale ahaan adigu wax su´aalo ah ma

noo haysaa? Su´aalaha aad waydiin karto maxaa ka mid ah

haddaad hal iyo labo saddex ka sheegtid?

(Najma Cali)

Horta hore su´aashaan way fiican tahay inaad iskugu

diyaarisid, adigu marka hore ka fekar marka waraysigaan la igu

yeero maxaan anigu su´aalo sii qabaa, waxaa laga yaabaa

su´uaalo adiga kuu shaqsi ah inaad ogaatid tusaale oo kale

interfiyuugaan markuu dhamaado jawaabta meeqaan sugayaa

ma wiig ma bil ayaan sugayaa?

Inaad rabtid inaad ogaatid shaqadu ma habeen baa

ma maalin baa yacni wakhtiyada la shaqaynayo siday u

egyihiin, inaad rabtid inaad ogaatid meeqa qof oo kale baa

shaqadaan soo codsaday, ma keligay baa soo codsaday

, ma dad badan oo kale baa ila soo codsaday waxyaalahaas

oo kale waad weydiin kartaa, haddaad rabtid mushaarka oo kale

waad weydiin kartaa waa laga yaabaa qofku markaas inuusan

kaaga jawaabi karin laakiin wax xumaan ah ma lahan haddaad

rabtid inaad ogaatid mushaarka oo kale intuu yahay.

Marka kasta sii diyaarso su´aalo adigu aad rabtid qofka

shaqo-bixiyaha inaad weydiisid.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka micnaheedu waxaa su´aal iyo jawaab, adiga laftaadu

isa sii diyaari si aad su´aalo u weydiisid qofka shaqo-bixiyaha.

(Najma Cali)

Qofka shaqo-bixiyaha ah

(Maxamed Cabdimajiid)

aad iyo aad, intaynaan soo gabogabayn mawduucaan wax

kale oo aad tilmaami kartaa miyay jiraan oo qofku isku sii

dyaarin karo si sida ugu fiican uu ugu sii diyaargaroobo haddiiba

ay dhacdo in qofka loogu yeero interfiyuu?

(Najma Cali)

Horta hore sidaad adiguba hadda u sheegtay Maxamed inuu

qofku isa sii diyaariyo oo isku sii diyaariyo waraysiga waa

muhiim. Sababta oo ah markii aad qof isa soo diyaariyay aad tahay

waxaad noqonaysaa qof isku kalsoon xoogaa welwelkaa kaa

yaraanaya, baqdintaa kaa yaraanaysa, marka su´aalahaan oo

kale horay usii dhagayso oo ka fekar adigu jawaabaha iyo sida

aad u malaynasid ama sida aad jeceshahay inaad uga jawaabtid.

Luuqadda iswedishka oo kale si fiican isku dey inaad ku hadashid

haddii luuqadda iswedishku ku adag tahay oo kale. Haddii aad

fursad u heshidna weydii qof deriskaaga ah ama ehelkaaga ah

inuu waraysiga kula yeesho si xoogaa baqdintu kaaga yaraato.

Ugu danbayna waxaa ku oran lahaa haddii aadan

shaqadaas helin maalintaa waraysiga lagugu yeeray waxba

ha niyadjabin, fursad kalaa kuu imaanaysa. Mar kasta ku fekar

ok shaqadaan haddaanan helin mar labaad baan isku

tijaabinayaa sidii hore inaad mar labaad haddana codsi soo

dirsatid, cv-gaaga soo dirsatid waraysi cusubna markaa aad

isku diyaarisid. Marka kasta oo waraysi lagugu yeerana ayada

laftigeeda waa khibrad taas faa´idadaas bay laftigeedu leedahay.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waa si fiican weeyaan, hadal hayn baa jirta inta badan iswedishka oo

kale ay isticmaalaan "boqol shaqo ayaad raadsanaysaa ama

aad dalbanaysaa waxaa laga yaabaa inaad xabbad keliya

lagu soo jawaabo"

(Najma Cali)

Haa, sax!

(Maxamed Cabdimajiid)

Taa micnaheedu waxa weeyaan ha ka quusan

, mar kasta dalabka samee mar un baa laga yaabaa inay

noqoto fursadaada

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Aad baad u mahadsan tahay Najma, macluudmaadkaa faraha

badan leh ee aad naga la qaybqaadatay barnaamij intaas baan kusoo

gabagabaynanaa.

(Najma Cali)

Waa mahadsan tahay!

Muusiig...

(Maxamed Cabdimajiid)

Waxaad dhagaysanayseen qaybtii ku saabsanayd interfiyuuga

ama su´aalaha inta badan ku yimaada interfiyuuga.

Barnaamijkaan ama mawduucaan waxaa idinla socodsiinayay

anigoo ah Maxamed Cabdimajiid waxaana igala qaybqaadanaysay

Najma cali

Sidaas iyo nabadgalyo!

Muusiig...

(Maxamed Cabdimajiid)

Qaybtaan waxaan kusoo gabagabaynanay mawduucii ku

saabsanaa interfiyuuga ama su´aalaha inta badan ku yimaada

interfiyuuga. Waxaa idinla socodsiinayay mawduuca anigoo ah

Maxamed Cabdimajiid waxaana igala qaybqaadanaysay

Najma Cali.

Intaan qaybo kale isku maqli doonno oo ku saabsan suuqa

shaqada ama wixii la xiriira shaqo raadsiga waxaan idinkaga

tagaynaa sidaas iyo nabadgalyo.

Muusiig...

Relaterad information

Mer om anställningsintervju