Yrkessvenska

Haddii aad u baahantahay inaad sare u qaaddo aqoontaada Iswiidhishka oo aad haysato takhasus xirfadeed oo cad, waxaad heli kartaa waxbarasho luqadda Iswiidhishka ah oo xirfadda ku habboon.

Iswiidhishka xirfadaha - baro luqadda xirfadaha

filin
/

10 daqiiqado 43 ilbiriqsiyo

Ma rabtaa in aad barato Iswiidishka aad ugu baahan tahay goobta shaqada? Ama inaad taqaannid Iswiidhish dheeraad ah si aad u dhigato waxbarasho xirfadeed? Filimkan oo lix luqadood qoraal ahaan ugu turjuman, ayaad wax dheeraad ah ka ogaan doontaa.

Waa maxay

Iswiidhishka xirfaduhu waa luuqad la dhigto oo ku aaddan Iswiidhishka xirfadaha ee looga baahanyahay xirfadda aad doonayso inaad ka shaqeyso. Waxa la dhigayo waxay ku jiheysanyihiin Iswiidhishka swiidhishka khuseeya xirfaddaas gaarka ah.

Yaa loogu tala galay

Iswiidhishka xirfadaha waxaa loogu talagalay adigaaga u baahan in aad sare u qaaddo aqoontaada luqadda Iswiidhishka ka hor inta aadan billaabin shaqo ama waxbarasho xirfadeed. Waa muhiim inaad ogtahay xirfadda aad rabto in aad ka shaqeyso ama waxbarashada xirfadeed ee aad qorsheyneyso inaad codsato.

Waxaad u baahantahay inaad ku qornaatid Xafiiska Shaqada si aad uga qayb qaadato Iswiidhishka xirfadaha. Waa Xafiiska shaqada cidda go'aaminaya inaad bilaabi karto waxbarasho iyo in kale.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

Barashada af Iswiidhishka xirfaduhu waxay u dhici kartaa siyaabo kala duduwan. Waa suurtogal in waqti buuxa la dhigto waxbarashada ama waqti dhiman. Meelaha qaar, waxaa si buuxda ama si dhiman wax loogu dhigan karaa distans. Waa wax caadi ah in marka hore aad waxbarasho ku aaddan Iswiidhishka xirfadaha oo wakhti buuxa ah gasho, ka dibna marka aad billaabeysid waxbarasho ama tababar shaqo, waxaad sii wadi kartaa inaad waqti dhiman dhigato Iswiidhishka xirfadaha.

Iswiidhish xirfadeedka A waa waxbarashada diyaargareyn ah oo loogu baahanyahay waxbarashada suuqa shaqada, baraaktiig ama shaqaaleysiinta ka hor. Waxaad heli doontaa fursad aad ku horumariso xirfadahaaga luqadda hadal ahaan iyo qoraal ahaanba, gudaha goobtaada xirfadeed. Waxbarashada waa lala dhigan karaa tusaale ahaan sfi ama baraktiik. Xitaa haddii aad ka qaybqaadato rusta och matcha, waad dhigan kartaa af Iswiidhishka xirfadaha haddii Xafiiska shaqada iyo gacanhayahaaga rusta och matcha ay u arkaan inay adiga kuu fiican tahay.

Ujeeddada imtixaanku waa in lagu qiimeeyo taageerada aad u baahan tahay. Imtixaanka qiimeynta luqadda iyo heerku, wuxuu soconayaa hal maalin oo waxbarasho ah, wuxuuna muujinayaa heerka aqoonta luqadda Iswiidhishka ee aad joogto. Imtixaanku waxa uu saldhig u yahay sii wadashada waxbarashadaada Iswiidhishka xirfadaha, wuxuuna saldhig u yahay in aad leedahay aqoon kugu filan oo aad ku bilaabi karto waxbarashada suuqa shaqada.

Waxbariddu waa inay ku taageertaa marka aad ka qayb qaadanayso waxbarashada suuqa shaqada. Waxbarashadu waxay ku jiheysantahay inaad xiriir sameyso, is dhexgal sameyso iyo in dukumiintigareynto xirfadaha aad waxbarashada u leedahay.

Waxbarashadu waxay ka dhacaysaa goobta shaqada ee aad ku leedahay baraaktiigga ama shaqada. Waxbaridda waxaa la waafajinayaa si aad u barato inaad xiriir sameyso, is dhexgal sameyso iyo dukumiintigareyn ku samayso goobta shaqada. Waa muhiim in goobta shaqadu ay ka qayb qaadato waxbarashada si aad si wadajir ah isula eegtaan waxa aad u baahantahay inaad sameyso. Dhererka waxbarashada Iswiidhishka xirfadaha ee B waxaa la waafajinayaa baahidaada.

Gunno iyo shuruudo

Marka aad ka qeyb qaadato Iswiidhishka xirfadaha A waxaad ka qeyb qaadataa barnaamij, waxaadna gunno ka codsan kartaa Qasnadda ceymiska. Inta uu socdo Iswiidhishka xirfadaha B, waa waxbarashada suuqa shaqada ama goobta shaqada ee aad baraagtiigga ku sameyso ama aad ka shaqeyso cidda go'aamin ka gaareysa gunnada iyo shuruudaha ku khuseeya.

Halkan waxaan ku sheegeynaa sida aad gunnada u dalbaneyso iyo waxa ku khuseeya marka aad Xafiiska Shaqada ku qorantahay oo aad barnaamijyadeenna ka qeyb qaadato.

Marka aad ka qayb qaadanayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.