Shaqo raadsasho marka aad lacag ka qaadatid ama ka qaadan jirtay caymiska bukaanka

Haddii aadan xaq u sii lahayn lacag bukaan (sjukpenning), gunno bukaan (sjukersättning) ama gunno wax qabad (aktivitetsersättning), annaga oo Xafiiska shaqada ah ayaad taageero naga heli kartaa haddii aad dooratid in aad shaqo raadsatid. Xitaa haddii ay kuu sii socoto gunnadaadu way kuu suurta geli kartaa in aad isla mar ahaantaas shaqo raadsatid.

Kulan shaqsi ah (gaar ah)

Xafiiska shaqada iyo Qasnadda caymisku waxay iska kaashanayaan in ay ku siiyaan fursadaha ugu wanaagsan ee aad ugu soo laaban kartid nolosha shaqada. Ku soo dhawaw Xafiiska shaqada haddii aad gunno ka qaadatid caymiska bukaanka ama haddii aadan hadda sii qaadannin oo uu kaa joogsadayba. Qasnadda caymiska ayaa ballan inoo dhigaysa, halkaas oo lagugu siinayo warbixin ku aaddan adeegga iyo adeegyada uu ku siin karyo Xafiiska shaqadu. Waxaan sidoo kale ka sheekeysaneynaa waxa aad adiga naftirkaagu sameyn kartid si aad u fududeysid dib ula qabsashada nolosha shaqada.

Filin ku saabsan kulanka dib ula qabsashada oo af-Iswiidhish ah (Försäkringskassan YouTube) (youtube.com)

In shaqo la raadsado iyadoo weli aad qaadato lacag bukaan

Haddii aad jirro ku qorneyd inta u dhexeysa 90 iyo 180 maalin waxay Qasnadda caymisku u arki kartaa in aad raadsan kartid shaqo kale, isla mar ahaantaasna aad sii qaadan kartid lacag bukaan. Waxaad taas sameyn kartaa adigoo isla mar ahaantaas shaqadaada sii haysanaya. Qasnadda caymisku waxay lacag bukaan ku siineysaa inta aad raadsaneysid shaqo cusub ama aad u jiheysaneysid aag xirfadeed oo cusub.

Marka ay qasnadda caymisku u aragto in aad raadsan kartid shaqo cusub waxaad shaqa doon ahaan isugu qori kartaa Xafiiska shaqada. Bogga arbetsformedlingen.se waxaa ku jira macluumaad iyo talooyin si laguugu caawiyo waddada aad u mareysid shaqo cusub.

Laakiinse waxba kama heli kartid taageerooyinka go’aanka uga baahan Xafiiska shaqada, maxaa yeelay lalama qaadan karo lacagta caymiska bukaanka. Sidaas darteed ayey muhiim tahay in aad xaaladdaada ku wargelisid Xafiiska shaqada si aysan waxyeello u gaarin lacagaha kaaga yimaada Qasnadda caymiska.

Haddii aad iskaa u rabtid in aad iskugu qortid Xafiiska shaqada adigoo caymiska bukaanka aad lacag ka qaadatid, waxaad u baahantahay in aad la xiriirtid Qasnadda caymiska oo ay khasab tahay in ay marka hore oggolaato in aad isku qori kartid Xafiiska shaqada. Sidaas ayeyna waxyeello ku gaareyn lacagtaada kaalmada ah.

In aad shaqo raadsatid marka aadan lacag ka qaadaneyn caymiska bukaanka

Marka aadan weli lacag ka qaadaneyn caymiska bukaanka, micnaha lacag bukaan, gunno bukaan ama lacag wax qabad, ku soo dhawaw Xafiiska shaqada. Waxaa markaas jirta fursad ku aaddan in ay kulmaan Qasnadda caymiska iyo Xafiiska shaqadu si loo billaabo in aad shaqo raadsatid, aadna wax dheeraad ah ka ogaatid waxa uu ku siin karyo Xafiiska shaqadu.

Haddii aadan rabin in Qasnadda caymisku ay ballan la dhigato Xafiiska shaqada adiga naftirkaaga ayaa shaqa doon ahaan isu qori kara maalinta ugu horreysa ee shaqo la’aanta.

Marka aad isku qoreysid Xafiiska shaqada

Si aad wax uga heshid waxyaabaha uu Xafiiska shaqadu bixiyo oo dhan waxaad u baahan-tahay in aad shaqo la’aan tahay ama aad khatar ugu jirtid in aad noqotid shaqo la’aan. Marka aad shaqo raadineysid taageero ayaad naga heli kartaa iyadoo ku xiran hadba waxa aad u baahantahay. Haddii aad codsatid ama aad gunno qaadatid inta aad ku qorantahay Xafiiska shaqada waa in aad si firfircoon shaqo u raadsataa. Waxaad sidoo kale u baahantahay in aad raacdid qorshaha aan ku heshiinno.

Haddii aad dooratid in aadan isku qorin Xafiiska shaqada

Haddii aadan isku qorin Xafiiska shaqada oo aad shaqo raadsaneysid waxay taasi saameyn ku yeelan kartaa lacagtaada bukaanka ee ku saleysan dakhliga, SGI. Tani waa muhiim maxaa yeelay waxay xukuntaa inta aad lacag ahaan uga heleysid Qasnadda caymiska haddii aad tusaale ahaan xanuunsatid ama aad qaadaneysid lacag waalidnimo. Qasnadda caymiska ayaa ku caawin karta haddii aad su’aalo ka qabtid lacagta bukaanka ee dakhliga ku saleysan.

Barta intarneetka ee Qasnadda caymiska ayaad ka heleysaa warbixin ku aaddan caymiska bukaanka.

Lacag bukaan (forsakringskassan.se)

Gunno bukaan (forsakringskassan.se)

Gunno wax qabad (forsakringskassan.se)

Xafiiska shaqadu waxa uu kugu siin karaa:

  • taageero xagga khadka telefoonka ah, chatt-ka ama kulan lagu ballamay
  • macluumaad ku aaddan siyaabo kala duduwan oo shaqo loo raadsado
  • macluumaad ku aaddan suuqa shaqada
  • macluumaad ku aaddan adeegyada Xafiiska shaqada
  • taageero sida tusaale ahaan waxbarashooyin xirfadeed, ansixin, baraagtiig, koorsooyin kuu diyaarinaya xirfad- iyo waxbarasho
  • macluumaad ku aaddan shuruudaha guud ee ku xiran gunnada caymiska shaqa la’aanta
  • taageero habboon oo aad ka heleysid gacanhaye u shaqeeya qandaraasleyaashayada.

Shaqo la’aan - maxaa dhacaya hadda?