Nystartsjobb - sidan ayey wax u dhacayaan

Nystartsjobb waa lacag la siinayo shaqabixiyaha raba in uu ku shaqaaleysiiyo adigaaga muddo dheer suuqa shaqada ka maqnaa.

Waxyaabaha uu boggu ka koobanyahay

Shaqabixiye ayaa raba in uu nystartsjobb kugu shaqaaleysiiyo

Haddii aad buuxineysid wax uun ka mid ah shuruudahan waad ku fikiri kartaa in nystartsjobb uu wax kuu yahay. Xiriirradaada ama adigoo annaga na soo maraya, ku hel shaqabixiye doonaya in uu kugu shaqaaleysiiyo shaqo-billaabid cusub. Shaqabixiyaha ka codso in uu codsi noo soo diryo. Maskaxda ku hay in nystartsjobb-ku uu yahay lacag shaqabixiyaha loo shubayo si uu kuu shaqaaleysiiyo.

Yaa loogu tala galay – oo buuxinaya shuruudaha?

Codsiga shaqabixiyaha

Buuxi foomka ku jira Mina sidor

Marka uu codsigu naga soo gaaryo shaqabixiyaha foom ayaa kaaga soo baxaya qulqulka dhacdooyinkaaga ee Mina sidor. Halkaas ayaad ku buuxineysaa macluumaadka ku aaddan ka maqnaashadaada suuqa shaqada. Si aad u heshid nystartsjobb waa in maqnaashadaadu ay noqotaa mid la oggolyahay (tusaale ahaan fasax waalidnimo ama jirro) iyo ilaa heer mid ishaysata.

Sidan ayaad foomka u buuxineysaa

Haddii aanad haysan kombiyuutar ama aqoonsiga elaktarooniga

  • Haddii aanad lahayn kombiyuutar gaar kuu ah ama moobil casri ah, waad na soo booqan kartaa oo isticmaali kartaa kombiyuutaradayada.
  • Haddii aadan lahayn aqoon elekteroonig ah waxaad su’aalaha ku aaddan ka maqnaashadaada suuqa shaqada uga jawaabi kartaa adigoo buuxinaya foom waraaqo ah: Waqti isu geegeynta ka horreysa nystartsjobb-ka Pdf, 464 kB.. Foomka waxaa xitaa laga soo qaadan karaa xafiisyadeenna.

Sidan ayaad u samaysanaysaa aqoonsiga elaktarooniga ah

Foom: Waqti isu geegeynta ka horreysa nystartsjobb-ka Pdf, 464 kB.

Go’aan ayaannu gaareynaa

Xafiiska Shaqada ayaa go’aan ka gaaraya nystartsjobb-ka. Jawaabahaaga, caddeymaha laga yaabo in aad keentid iyo codsiga shaqabixiyaha ayaa si wada jir ah go’aanka loogu saleynayaa haddii uu shaqabixiyuhu buuxiyo shuruudaha qaar.

Intan ayuu shaqabixiyuhu qaadan karyaa

Waxaad billaabeysaa in aad shaqeysid

Marka aan go’aanka gaarno ayaad billaabi kartaa shaqadaada nystartsjobb-ka. Waxay taasi ka dhigantahay in shaqabixiyahaagu lacag ku helayo shaqaaleysiintaada iyo in aad nolol cusub billaabeysid.

Marka aan gaarno go’aanka ayaad billaabi kartaa shaqadaada nystartsjobb-ta. Waxay taasi ka dhigantahay in uu shaqa bixiyahaagu lacag ku helayo shaqaaleysiintaada.

Waxaan ku talineynaa in adiga iyo shaqa bixiyuhu aad isla qorataan heshiis shaqaaleysiin oo qeexaya waxa khuseeya shaqaaleysiintaada.

Xuquuq iyo waajibaad – ay tahay in aad maskaxda ku haysid marka aad kala qoraneysaa heshiiska shaqaaleysiinta

Sidan ayaan go’aan ku gaareynaa

Marka ay na soo gaaraan codsiga shaqa bixiyaha iyo jawaabahaaga foomka ee ku jira Mina sidor (ama foom waraaqo ah) ayaannu eegeynaa in aad ka tirsantahay kooxda loogu tala galay shaqada nystartjobbka iyo in kale. Haddii aad tusaale ahaan tahay qof waddanka ku cusub ama aad suuqa shaqada ka maqneyd waqti dheer, waad ka tirsanaan kartaa kooxda loogu tala galay.

Yaa loogu tala galay – oo buuxinaya shuruudaha?

Shaqabixiyuhu sidoo kale waa in uu buuxiyaa shuruudo go’an, tusaale ahaan in aan lagu lahayn deyn canshuur ah oo loo gudbiyay Kronofogden ama aysan saarneyn calaamad lacag bixin darro oo micno weyn leh.

Sidan ayuu nystartsjobb-ku kuu saameynayaa

  • Nystartsjobb waa "lacag" xukuumadeed oo akoonka canshuurta ee shaqabixiyaha ee Laanta Canshuuraha loogu qorayo shaqaaleysiintaada awgeed.
  • Nystartsjobb ma saameynayo mushaarkaaga, waqtigaaga shaqada ama ilaa inta aad shaqeyneysid.
  • Waxaad xaq u leedahay mushaarka ku qoran heshiiska wadajirka ah ee shaqabixiyaha. Xitaa haddii shaqabixiyuhu uusan ku jirin heshiis wadajir ah waxaad qaadaneysaa mushaar u dhigma mushaaraadka heshiiska wadajirka ah ee qeybta shaqo ee aad ka shaqeysid.
  • Ku shaqaaleysnaanta nystartsjobb-ku waxay soo geleysaa xeerka ilaalinta shaqaaleysnaanta ee LAS. Haddii shaqabixiyuhu uu leeyahay heshiis wadajir waxaa dhici karta in qeybo LAS-ka ka mid ah heshiiska laga saaray.
  • Lacagta shaqabixiyaha la siinayo waqtigeedu waa uu xaddidanyahay laakin shaqaaleysnaantaadu uma baahna in ay sidaas noqoto.

Su´aalaha caadi ahaan lays waydiiyo iyo jawaabtooda

Yaa heli kara nystartsjobb?

Waa shaqabixiyaha cidda codsaneysa nystartsjobb-ka laguugu tala galay adigaaga waqti dheer shaqo la’aanta ahaa.

  • Shaqabixiyuhu wuxuu lacag ku heli karyaa in uu ku shaqaaleysiiyo adigaaga ku qoran Xafiiska Shaqada oo tusaale ahaan shaqo la’aanta ahaa, bukay ama baagamuuddo ahaa, waqti dheerna kaalmo masruuf qaadanayay.
  • Adigaaga shaqadoonka ah waxaad heleysaa shaqo iyo mushaar, shaqabixiyuhuna taageero ayuu Xafiiska Shaqada ka helayaa. Shaqabixuyuhu xaq uma laha in uu lacag ku helyo shaqo horbaba socota.
  • Sidoo kale shaqabixiyuhu lacag xaq uma laha haddii aad raad muhiim ah ku leeyahay shaqada adigoo tusaale ahaan ku jira guddiga shirkadda, ah qof shirkadda wax ku leh, saxiixaha shirkadda, madaxa fulinta ama wax la mid ah.
  • Haddii shaqaxbixiyuhu uu leeyahay shirkad qof u gooni ah lacag kuma heli karyo/karto in uu/ay shaqaaleysiiyo/so xaaskiisa/ninkeeda ama qofka ay wada noolyihiin.

Nystartsjobb – marka shaqabixiyuhu uu ku shaqaaleysiiyo adigaaga muddo dheer shaqa la’aanta ahaa

Maxay yihiin qaababka shaqo ee ay khuseyso nystartsjobb?

Nystartsjobb maaha qaab shaqo ee waa shaqaaleysiin caadi ah oo lacagta canshuurta laga kabo oo khuseysa shaqooyinka joogtada ah iyo shaqooyinka waqtigeedu go’anyahay. Waxay sidoo kale khuseysaa shaqooyinka xilliga shaqada qeyb ka mida ah. Nystartsjobb ma khuseeya shaqaaleysiinta baahida ku saleysan, waxa loogu yeero shaqaaleysiinta saacadaha.

Muxuu yahay mushaarka aad qaadaneysid adigaaga ku shaqaaleysan nystartsjobb-ku?

  • Haddii shaqabixiyuhu uu leeyahay heshiis wadajir ah waxaad qaadaneysaa mushaar heshiiskaas ku saleysan.
  • Haddii shaqabixiyuhu uusan lahayn heshiis wadajir ah waa in aad si u dhiganta heshiiska wadajirka ah ee faraca shaqada mushaar u heshaa. Tani micnaheedu waa in mushaaradu aanay ka hoosayn mushaarada ku cayiman heshiiska wada-jirka ah ee qaybtan ganacsi.

Sidee bey wax yihiin marka laga hadlayo fasaxa shaqada, lacagta bukaanka iyo fasaxa waalidnimada?

Nystartsjobb waa lacag loogu tala galay shaqaaleysiin caadi ah. Fasaxa shaqada, lacagta waalidnimada iyo lacagta bukaanku waa in ay sidoo kale u shaqeeyaan si la mid ah shaqooyinka caadiga ah.

Marka aan nystartsjobb haysto ma soo gudbinayaa warbixinta wax qabadka?

Haddii aad waqti buuxa shaqeysid uma baahnid in aad soo dirtid wax warbixin wax qabad ah. Haddii aad waqtiga qaarkiis shaqeysid waad u baahantahay in aad ka soo warbixisid qeybta aad weli shaqa raadiska tihid:

  • Tusaale 1. Haddii aad waqti buuxa shaqeysid sooma gudbineysid warbixin wax qabad.
  • Tusaale 2. Haddii aad shaqeysid 75 boqolkiiba oo aad Xafiiska Shaqada ka qorantihid 25 boqolkiiba waa in aad bil walba soo dirtaa warbixin wax qabad. Taasi waa ku khuseysaa haddii aad lacag 25 boqolkiiba ka dalbatid
    a-kassa/taageerada waxqabadka ama haddii kale.

Ha illoobin in aad warbixin wax qabad ka soo gudbisid bishi ugu dambeysay ee aad shaqo la’aanta ahayd. Waxaad taas caadi ahaan sameyneysaa goor ay shaqadaadu horbaba billaabatay.

Maxay yihiin shuruudaha ay tahay in uu shaqabixiyuhu ka soo baxyo nystartsjobb-ka ka hor?

  • Shaqabixiyuhu waa in uu ku qoranyahay diiwaanka Hey’adda canshuuraha ee shaqa bixiyayaasha, canshuurta iyo kharashka shaqa bixiyuhu ka dhiibyo shaqaalaha uu u soo bandhigyo Hey’adda canshuuraha hal bil ka dib marka uu mushaaraadka bixiyo.
  • Shaqabixiyuhu wuxuu mushaarka ku bixinayaa si elekteroonig ah inta lacagta uu qaadanayo oo dhan.
  • Maaha in ganacsiga laga mamnuucay shaqa bixiyaha ama lagu leeyahay canshuur deyn ah oo loo gudbiyay Kronofogden.
  • Maaha sidoo kale in shaqabixiyuhu uu leeyahay calaameyn wax iska dhiibid xumo oo micno leh.

Ilaa intee buu shaqabixiyuhu lacag ku qaadanayaa ku shaqaaleysiinteyda nystartsjobb

  • Annagu ka shaqeyna Xafiiska Shaqadu waxaan xisaabineynaa inta waqti ahaan iyo lacag ahaanba uu shaqabixiyuhu ku qaadan karyo shaqaaleysiintaada. Haddii adigaaga la shaqaaleysiinayo aad sababo dhawr ah ku heli kartid nystartsjobb waxaan dooraneynaa ikhtiyaarka ugu faa'iidada badan shaqabixiyaha.
  • Lacagta waxaan go’aamineynaa ugu badnaan hal sano markiiba.
  • Shaqabixiyuhu waa in sidoo kale uu noo sheegyo isbeddellada raadka ku yeelan kara xaqa lacagta ama inta ay la ekaaneyso. Taas waa in shaqbixiyuhu uu sameeyaa sida ugu dhakhsi badan oo ay wax isu beddelaan. Markaas waxaan u baahan karnaa in aan go’aan dib u eegno.

Sidee buu shaqabixiyuhu u dheereynayaa nystartsjobb-ka?

Haddii uu shaqabixiyuhu rabyo in uu nystartsjobb-ka dheereeyo waa in uu noo diryaa codsi dheereyn. Go’aanka uu naga helyay shaqabixiyaha ayey ku qorantahay inta ugu badan ee uu lacagta kugu qaadan karyo. Waa muhiim in shaqabixiyuhu uu dheerayn codsado ka hor inta uusan wakhtiga go'aanku dhamaan.