Förstärkt arbetsträning

Ma u baahantahay in aad tijaabisid in aad shaqo billawdid si aad u eegtid duruufaha aad ku shaqeyn kartid? Haddii ay sidaas tahay, tababar shaqo oo la xoojiyay ayaa kugu habboonaan kara adiga. Inta uu socdo tababarka shaqada ee la xoojiyay waxaad joogi kartaa goob shaqo oo waxaad ka qeyb qaadan kartaa hawsha iyadoo lagu gacan qabanayo.

Maxaa

Tababar shaqo oo la xoojiyay wuxuu ka dhiganyahay in aad muddo waqti ah joogi kari doontid goob shaqo, aadna hawl ka qeyb qaadan doontid. Tababarka shaqo ee la xoojiyay waxaad ku heleysaa gacanqabasho dheeraad ah, wuxuuna socon karyaa in ka badan tababarka shaqada ee caadiga ah. Inta uu socdo tababarka shaqada ee la xoojiyay waxaad tijaabineysaa hawlo shaqo oo badan oo kala duduwan iyo qeybo shaqo. Ulajeeddada laga leeyahay tababarka shaqo ee la xoojiyay waa in ay kuu kala caddaadaan duruufahaaga shaqadu. Tababarka shaqada waxaad ka heli kartaa khibrad iyo dad wax lagaa weydiiyo oo kuu fududeyn kara in aad shaqo heshid.

Inta uu soconayo tababarka shaqadu wey kala duduwantahay iyadoo taasi ku xiran barnaamijka aad ka qeyb qaadaneysid. Adigaaga ka qeyb qaadanaya damaanad qaadka shaqada ee dhallinyarada waxaad tababar shaqo qaadan kartaa ilaa iyo 6 bilood. Adigaaga ka qeyb qaadanaya barnaamijka saldhigashada iyo damaanad qaadka shaqada- iyo horuumarka wuxuu tababarka shaqada ee la xoojiyay qaadan karyaa ilaa iyo 12 bilood.

Yaa loogu tala galay

Tababar shaqo waxaa loogu tala galay adigaaga ka qeyb qaadanaya damaanad qaadka shaqada- iyo horuumarka, damaanad qaadka shaqada ee dhallinyarada ama barnaamijka saldhigashada.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

  • Nala soo xiriir haddii aad daneyneysid tababar shaqo oo la xoojiyay. Si wadajir ah ayaan isula meel dhigeynaa goobta shaqada ee kuugu habboone.
  • Shaqa bixiyaha ayaa kuu dooraya gacan qabte goobta shaqada kugu caawinaya.
  • Inta aadan billaabin tababarkaaga shaqada ee la xoojiyay waxaan adiga, shaqa bixiyaha iyo gacan qataha idinla gaareynaa heshiis. Markaas waxaan tusaale ahaan ka heshiineynaa taageerada aad u baahantihid, hawlaha shaqada ee aad qabaneysid, waqityadaada shaqada iyo ilaa inta aad ka qeyb qaadaneysid tababarka shaqada ee la xoojiyay.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.