Arbetspraktik

Ma u baahantahay in aad heshid khibrad shaqo, korna u qaaddid fursadaha aad shaqo ku heleysid? Markaas tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara. In tababar shaqo aad goob shaqo ku qaadatid, adigaaga doonaya in aad shirkad furatid, waxay sidoo kale kuu noqon kartaa isdiyaar-gareyn.

Waa maxay

Arbetspraktik wuxuu ka dhiganyahay in laguugu tijaabinayo in aad goob shaqo ka shaqeysid. In aad heshid khibrad ku aaddan suuqa shaqada waxaad ku sii haysaneysaa, kuna xoojineysaa kartidaada aqoon- iyo khibradeed.

Haddii aad Swiidhan ku cusubtihid, aadna leedihid xirfad, laakiin aadan lahayn ama ay kugu yartahay khibaradda suuqa shaqada swiidhishku waxaad inta tababarka shaqo uu socdo heli kartaa in gacanqabte uu kuu qiimeeyo kartidaada aqoon- iyo khibradeed. Qiimeyntu waxay faa’iido kuu tahay marka aad dabadeed shaqo raadsaneysid. Qiimeyntu waxay qaadaneysaa ilaa iyo seddax usbuuc, waxaana lagu sameyn karaa goob shaqo, iskool xirfadeed ama meel la mid ah.

Yaa loogu tala galay

Tababar shaqo waxaa loogu tala galay adigaaga u baahan in aad heshid khibrad nololeed oo shaqo, aadna sidaas darteed kor ugu qaaddid fursadaha aad u leedihid in aad shaqo heshid. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • Waxaad tahay ugu yaraan 25 jir, shaqo raadiye ahaan uga diiwaangashan Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) oo bilaa shaqo ah ama halis ugu jira inuu bilaa shaqo noqdo.
  • Waxaad buuxisay 18 jir, waxaanad ka fogtahay suuqa shaqada.
  • Waxaad ka tirsan tahay barnaamijka dammaanadqaadka shaqada ee dhallinyarada (jobbgarantin för ungdomar) ama Dammaanadqaadka Shaqada iyo Horumarka (jobb- och utvecklingsgarantin)
  • Waxaad ka qaybqaadataa ama ka qaybqaadatay barnaamijka laqabsiga (etableringsprogrammet.)
  • Waxaad qabtaa kala dhantaalnaan laxaadka ah, taas oo saamayn ku leh kartidaada shaqo.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda qiimeyneysa in tababar shaqo uu taageero wanaagsan kuu yahay.
  • Intaa dabadeed, waxaad u baahan tahay in aad iskaa u hesho goob aad baraagtiig (praktikplats) ku samayso ama aannu kaa caawinno. Waxaad baraagtiigga ku samayn kartaa goob ay leedahay shirkad, ururro iyo xarumo dawladeed. Shardigu waa in goobta shaqadu ahaato shakhsiyad sharciyeed ama shakhsi caadi ah oo ganacsi leh.
  • Sida uu baraagtiigu noqonayo waxaannu la qorshaynaynaa adiga iyo shaqo bixiyaha. Sidoo kale waxaannu la xiriiraynaa ururka shaqaalaha.
  • Tababarka shaqo ka bacdi waxaad goobta tababarka shaqo ka heleysaa shahaaddo tilmaameysa khibradaha aad heshay. Haddii tababarka shaqo ay ku jirto in la qiimeeyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed, waxaa lagu siinayaa natiijo qoraal ah oo ku aaddan qiimeynta.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.