Bilow oo baro Iswiidhishka

Si adigu aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah aad ugu bilowdo shaqo oo aad uga qayb-qaadato bulshada Iswiidhishka waxaa muhiim ah in adigu aad barato Iswiidhishka.

Luqadu waa furaha bulshada

Bilow inaad barato Iswiidhishka sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Tani muhiim ayay u tahay si aad u awoodo inaad u sal-dhigato bulshada Iswiidhan. Ka fikir in badanaaba aad luqad sida ugu fiican u baranayso haddii aad waxbarashada ku dhex darto hawlo kale. Shaqooyinka oo dhan ma ka dhigaan shuruud in la yaqaano Iswiidhish bilowga horeba laakiin waxaad helaysaa fursad ah inaad barato xilligaasi.

Iskaa u baro afka Swiidhishka

Adigu waxaad ku tababaran kartaa Iswiidhishka keligaa adigoo adeegsanaya caawimaada adeegyo bilaash ah oo kala duwan oo laga helo internet-ka. Information Sverige waxaad ka helaysaa talooyinka barnaamijyada, filimada, qaamuusyo iyo waxyaabo badan.

Talooyinka sida aad u bilaabayso inaad barato Iswiidhishka waxay ku jiraan bogga internet-ka ee I(informationsverige.se)

Iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka, sfi

Iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka, sfi, waa waxbarasho luqad looguna talogalay adigaaga ka weyn 16 sanno ee aan lahayn aqoonta aasaasiga ee dhinaca Iswiidhishka. Waxaad baranaysaa ku hadalka, akhrinta iyo qorida Iswiidhishka oo waxaad ku tababaranaysaa inaad luqada u isticmaasho si maalin walba ah iyo dhinaca nolosha shaqada. Waxbarashadan waxa kale oo ay kuu tilmaamaysaa sida bulshada Iswiidhan u shaqayso. Waxbarashadan waxaa diyaarinaysa degmadaada oo laga helaa iyadoo heerar kala duwan ah kuna haboon dadka oo dhan. Adigu uma baahnid inaad wax lacag ah ka bixiso ka qayb-qaadashada waxbarashadan.

Waxaad sfi ka codsanaysaa degmadaada.

Macluumaadka ku saabsan degmadaada ka hel bogga internet-ka ee (informationsverige.se)

Iswiidhishka dad kale wada-jir ula tababaro

Qaar badan oo ka mid ah adeegyadan bilaashka ah ee barashada Iswiidhishka waxay si fiican ugu haboonyihiin in si wada-jir ah aad ula isticmaasho saaxiibadaa. In Iswiidhishka si wada-jir ah loogu tababarto waxay tahay mid xiiso leh oo aad u leh wax tar.

Qaab fiican oo loo baran karo Iswiidhishka waa in lala hadlo dadka horey u yaqaanay Iswiidhishka. Degmooyin iyo ururo kala duwan ayaa diyaariya tusaale ahaan maqaaxiyaha luqada halkaas oo aad fursad u helayso inaad ku tababarato Iswiidhishka. Adigu waxaa kale oo aad heli kartaa caawimaada ah in la helo la xiriirida qof Iswiidhish ah, qofkaas oo noqonaya saaxiibkaaga luqada ama tilmaamaha qaxoontiga. Bogga Information Sverige waxaad ka helaysaa talooyin badan iyo xiriiryada boggag internet oo kale.

Iswiidhishka la tababaro dad kale, talooyinka laga helayo bogga internet-ka ee (informationsverige.se)

Luqada Iswiidhishka ee xirfadaha

Luqada Iswiidhishka ee xirfadaha waa waxbarasho Iswiidhish ah taas oo ku haboon laamaha ganacsiga iyo xirfadaha kala duwan. Tani micnaheedu waa inaad baranayso Iswiidhishka aad u baahantahay si aad u awoodo inaad uga shaqayso dhinaca xirfad cayiman. Waxbarashadan waxay tahay isu diyaarinta ka hor waxbarasho xirfadeed, tababar goob shaqo ama shaqo. Adigu waxaad u baahantahay inaad Xafiiska Shaqada ka diiwaan-gashantahay inaad tahay shaqo-raadsade si aad u hesho fursada ah in aad ka qayb qaadato

Baro Iswiidhishka

Bogga internet-ka ee Information Sverige waxaad ka helaysaa waxyaabo caawimaad leh iyo qalab kala duwan kuwaas oo adigu keli ahaantaa ama dad kale aad kula tababaran karto.

Waxyaabaha caawimaada leh ee loogu talogalay barashada Iswiidhishka oo laga helo boggga internet-ka ee (informationsverige.se)