23 april 13:00
Nästa webbinarium:
Visa fler

Skriva ett personligt brev – så gör du!

När du söker jobb i Sverige behöver du ofta skicka in ett personligt brev. Men vad jag ska skriva i mitt personliga brev? Och vad är skillnaden mellan ett personligt brev och ett cv? I det här avsnittet gästas vi av Najma Ali från Arbetsförmedlingen. Hon berättar allt du behöver veta, så att du kan skriva ditt bästa personliga brev.

Transkribering av Arbetsförmedlingens Ny i Sverige-podd: Sida loo qoro warqada codsiga shaqoda - Skriva ett personligt brev, så gör du! (somaliska)

Vinjettmusik (FIRST STEP MUSIC)


(Muusiig)

(Maxamed Cabdimajiid)

Kusoo dhawaada qayb cusub oo ka mid ah

mawaadiicdii shaqo raadinta ama warqadaha shaqada.

Horay waxaan uga soo hadalnay cv-ga,

maantana waxaan ka hadlaynaa warqadda codsiga ama

"personligt brev" loo yaqaano.

Waxaa igula sugan istudyaha Najma Cali oo ka hadli doonta

warqadaas iyo sida loo samaynayo.

(Muusiig)

(Maxamed Cabdimajiid)

Kusoo dhawow Najma!

(Najma Cali)

Waad mahadsan tahay!

(Maxamed Cabdimajiid)

Najma waxaan horay uga soo hadalnay cv-ga,

cv-g wuxuu yahay iyo sida loo samaynayo iyo waxa uu ka

koobnaanayo. Waxaa jirta warqad kale oo aan horay usoo

sheegnay oo la yiraahdo "personligt brev" ama warqadda

codsiga shaqada, warqadaas maxay tahay maxaase

looga baahan yahay in warqadaas qofku haysto?

(Najma Cali)

Warqadda codsiga ama "personligt brev"

luuqadda iswiidhishka lagu yiraahdo waa warqad aad adigu is

tilmaamaysid oo adigu aad iska sheekaynasid ama qofka

shaqo-bixiyaha ah aad tusaysid wixii aad horay usoo qabatay

iyo sababta aad shaqadaan aad u raadsanaysid ama shaqadaan

aad usoo dalbatay marka waa warqad wax yar ka gedisan cv-ga.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka waxay ku saabsan tahay shaqadaan aad

dalbanaysid sababta aad u dalbanaysid ayay ku saabsan

warqadani waana qoraal.

(Najma Cali)

Waa qoraal, haa!

Sidaan horay usoo sheegnayba markaan cv-ga kasoo

sheekaynanay, cv-ga waa liis ama arji si taariikh ahaan ah aad

u qoraysid, warqadda codsiga waxay tan koowaad ku saabsan

tahay shaqadaan aad markaa codsanaysid,

marka kasta oo shaqo cusub aad codsanaysid waa inay warqadda

codsiga xoogaa ka yara gedisan tahay tii hore sababta oo ah

sababahaa kala gedisan, khibradaha uu qofka shaqo-bixiyaha

ah u baahan yahay baa kala gedisan marka sidaas darteed

warqadda codsiga waa warbixin adigu aad iska bixinaysid

oo aad u diraysid qofka shaqo-bixiyaha ah.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka waxaad leedahay warqadu badan baad

haysan karaysaa oo aad ku dalbanaysid shaqooyin kala duwan.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Oo mid walbaba ay u gaar tahay shaqo gooni ah.

(Najma Cali)

Sax!

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay!

Maxay ku kala duwan yihiin cv-ga iyo warqadda codsiga "personligt brev"?

(Najma Cali)

Sida haddaba aan u sheegay warqadda cv-ga waa liis ama arji

oo si taariikh ahaan khibradahaagii hore iyo tacliintaadii hore

aad ku qoraysid marka saas daraadeed way ka gedisan tahay,

warqadda codsiga oo "personligt brev" ah sidii warbixin baad

u qoraysaa, sidii far caadiya adigoo qofka ehelkaaga oo kale

waraaq u qoraya baad markaa u qoraysaa,

waxaana muhiimkeeda ama hadafkeedu uu yahay warqadda

codsiga sababta aad u dalbanaysid shaqadaan iyo maxaad kusoo

biirin kartaa shaqadaan aad markaa codsatay.

(Maxamed Cabdimajiid)

Markaa muhimmadu waxa weeyaan codsiga ama

ogaysiiska shaqada bannaan inaad ku salayso warqadda

"personligt brev" ama warqadda codsiga shaqada inaad akhrido

kaddibna aad ku salayso sababta aad u raadsanayso shaqada.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Si wanaagsan!

Maxay ka koobnaanaysaa warqadaas oo kale,

intee in le´eg inay noqoto weeyaan ama maxaa lagu qorayaa?

(Najma Cali)

Warqadda codsiga waxaad ku qoraysaa

sababta aad u dalbanaysid shaqadaan waxaad tusaale oo kale

oranaysaa shaqadaan dukaanka ah ama shaqadaan

"barnskötare" waxa la dhaho carruur-haynta oo kale,

sababta shaqadaan aan u dalbanayo waxay tahay khibrad

horaan u lahaa oo meeshaan iyo meeshaan oo kalaan kasoo

shaqeeyay ama shaqsi ahaantayda iyo waxyaalaha aan ku

fiicanahay baa ku haboon shaqadaan.

Waxaan ahay qof carruur soo korsaday marka saas daraadeed

waxaan hubaa shaqadaan "barnskötare" ama carruur haynta

inaan kasoo bixi karo marka waxaad u sharaxaysaa qofka

shaqo-bixiyaha ah sababta aad ugu fiican tahay ama adigu

aad uga fiican tahay dadka kale oo soo dalbanaya shaqadaan

ama soo dalbaday waana inaad markaas shakhsi ahaantaada

xoogga saartaa sababta oo ah qofka shaqo-bixiyaha ah wuu

akhriyay markii hore cv-gaaga marka wuu ogyahay khibradaada laakiin

wuxuu rabaa inuu ogaado khibradaadan maxay kusoo

biirinaysaa shirkadaan ama shaqadaan markaa bannaan?

Muxuu qofka shaqo-bixiyaha ah kaa faa´idayaa inuu adiga

uu shaqadaan ku siiyo ama adiga uu waraysi kugu yeero?

Sidii markii horeba aan usoo sheegnay cv-ga markaan

kasoo sheekaynanay iyadana waa muhiim inaad ku qortid

magacaaga, telefoonka laga soo xiriirayo iyo emailka laga lasoo

xiriirayo intaas oo dhan inay markaa jirto warqadda codsiga.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waxaad sheegtay inay tahay warqad muhiim

ah oo aad ku qancinaysid qofka shaqo-bixiyaha ah,

macnaheedu markaa waxaa weeyaan waxaad isku dayaysaa

inaad qoraal kooban ku samaysid sababta aad ugu haboon

tahay inaad shaqadaan heshid marka waa warbixin toos ah

ama wada hadal toos aad ula samaynasid qofkii shaqada

raadinayay ama soo bandhigay.

(Najma Cali)

Haa!

Marka waanay fiican tahay in aadan markaas in aadan wixii

cv-gaaga ku qornaa aadan haddana dib uga sheekaynin

sababta oo ah xasuuso qofku wuu akhriyay markii horraysaba

wuu akhriyay cv-gaaga markaas wuxuu is yiri ok qofkaan

khibrad fiican buu leeyahay marka waxaan rabaa inaan sii

ogaado qofku muxuu yahay, waa qof noocee ah, waa qof sidee ah?

Sidaad hadda adigu u sheegtay waa warbixin saa´id ah.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay!

Mey jiraan waxyaabo aadan u baahnayn inaad warqadaas oo

kale ku qortid?

(Najma Cali)

Haa!

Yacni marka warqadda aad qoraysid waxaad ka eegaysaa horta

hore muxuu qofkaan shaqo bixiyaha ah u baahan yahay inuu

ogaado, waxyaalo badan oo waxaa jira hadda familkaaga inta

qof oo uu ka kooban yahay muhiim ma ahan inaad labo carruur

ah leedahay, saddex carruur ah inaad leedahay,

inaad xaas tahay uma uu baahna qofka shaqo-bixiyaha ah

inuu ogaado, da´daada oo kale wax muhiim ah ma ahan marka

waxyaalahaas oo kale uma baahnid inaad ku dartid.

(Maxamed Cabdimajiid)

Muhimadda laga leeyahay maxay tahay in

warqadda codsiga ama "personligt brev" qofku uu ku lifaaqo cv-ga,

muhimadeedu maxay tahay?

(Najma Cali)

Muhimadeedu horta waxa weeyaan qofka inaad

is bartid sababta oo ah qofkaan wajigaaga ma uu arkayo,

kuma uu yaqaano aqoon hore kuuma uu lahan hadafkeedana

marka waxay tahay in qofkaan aad xiise gelisid si uu waraysi

kugu yeero ama interfiyuu uu kugu yeero si aad si fiican

markaa aad isku sii bartid.

Marka warqadaan waa warqad adiga ku sharaxaysa oo ku

sheegaysa nooca aad tahay ama qofka aad tahay isagoo yacni

qofkaan uusan aqoon kuu lahayn marka saas daraadeed waa

muhiim inaad warqadda codsiga marka si fiican aad u

qortid sababta oo ah waxa hadafkeedu uu yahay ama aad ka

doonaysid warqadda markaad diraysid waxa weeye qofkaan

qofkaan inaad sidaan hadda u sheegay inaad xiise gelisid si uu

waraysi kuugu yeero markaas baad si fiican qofka isku sii bari

kartaa

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay!

Marka muhimadu waxa weeyaan inaad qofkaan shaqada soo

bandhigay inaad ku qancisid inaad tahay qofka ku haboon shaqadaan.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka warbixin ku saabsan arrintaas weeyaan.

Ok! Waan gartay, si fiican!

Haddaan horay usii socdo su´aalaha ku saabsan warqadaan,

intee in le´eg bay warqadu u baahan tahay inay noqoto,

warbixin intee le´eg baan ku qorayaa ma in yar oo kooban.

Ma labo warqadood?

(Najma Cali)

In yar oo kooban. Waa muhiim inay warqadaan aad

u dheeraan hal page yaysan ka badanin ama hal waraaq yaysan

ka badanin sababta oo ah qofka shaqo-bixiyaha ah dad badan

baa shaqo usoo diraya marka hadal dheer ama hadal saa´id ah

ma u baahna, wax yar oo hal page ka badnayn,

haddii aad hal page kasoo yarayn kartid yacni page-ka dhan

uma baahnid page ka dhan inaad buuxisid,

maadaama sidaan hadda horay usoo sheegnay aadan

warqadda codsiga ama "personligt brev" ku qorahayn

waxyaalihii ku qornaa cv-ga oo adigu shaqsi ahaantaada aad

iska sheekaynasay, eeg ogaysiiska ama "annons" ama

warqadaan meesha lasoo geliyay waxa ku qoran markaa isku

barbardhig adigu waxaad khibrad leedahay iyo siduu qofku

khibradaada ama tacliintaada uu wax uga faa´idayo,

haddii warqadu dheerato waxaa imaan kara inaad hadalka

kusoo celcelisid ama hadal saa´id ah aad ku dartid marka

warqad hal page ka badan haddaad qortid wax baan si fiican

u qornayn marka dib u akhri oo isku dey inaad mar labaad sii

yaraysid warqadaas.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay Najma!

Aniga iyo adiguba in badan baan kasoo shaqaynay xafiiska oo

waan aragnay warqado fara badan oo warqadaha codsiga shaqada

ah kolkaa waxaad arkaysaa warqado ay ku qoran yihiin oo kale

qofku inuu waddanka xilligaa yimid warbixinahaas oo kale inaad

waddanka timid xilligaa, inta aad joogto, waxa aad samaysid

ma muhiim bay u tahay inuu qofku ku qoro hadduu qofku

waddanka ku cusub yahay oo kale tusaale ahaan?

(Najma Cali)

Waxay ku xiran tahay sababta aad ugu

qoraysid qofka shaqo-bixiyaha ah shaqadaan uu soo dalbaday

ma wuxuu doonayaa qof waddanka ku cusub,

ma ku qornayd ogaysiiska markaad akhriday waxaan

doonaynaa qof waddanka sannad ama labo sano joogay,

haddii uu u baahan yahay qofka shaqo-bixiyaha ah

information-kaa ama waraysigaa haa ku qor,

laakiin haddii uusan u baahnayn meelna aysan uga qornayn

ogaysiiska uma baahnid waddanka markaas baan imid iyo'

markaas baa halkaa soo degganaa waxyaalaha saa´idka ah

uma baahnid inaad ku qortid oo shakhsi ahaantaada ku saabsan.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waan gartay!

(Najma Cali)

Mar kasta sidaan horay usoo sheegay isku

barbardhig ogaysiiska iyo waxa adigu aad rabtid inaad iska

tilmaantid ama iska sheegtid.

(Maxamed Cabdimajiid)

Haddii uusan qofku horay usoo shaqayn ama

wax khibrad ah u lahaynba shaqooyinka ama shaqadaan uu

dalbanayo muxuu ku qori karaa warqadda codsiga,

maxaa muhiim ah uu ku sheegi karaa?

(Najma Cali)

Maadaama ay tahay hadafka warqadda codsiga

inaad isku tilmaantid qofka shaqo-bixiyaha sababta adigu

sababta adigu aad ugu wanaagsan tahay waxyaalaha aad

ku fiican tahay haddii khibrad kale ama tacliin kale aadan u

lahayn waad ka sheekayn kartaa tusaale oo kale waxaad

oran kartaa anigu shaqadaan "barnskötare" waxaan u

dalbanayaa in kastoo aanan kasoo shaqaynin carruur baan

soo korsaday ama carruur deriskeena ah baan soo hayay

markaan yaraa marka saas daraadeed khibrad baan u leeyahay

waxaan ahay qof ku wanaagsan carruur haynta, waxaa ahay

qof is xilqaan badan oo mar kasta uma baahni in wax kasta la

ii tilmaamo anigaa is xilqaama, qof waxaan ahay mas´uul ah,

qof waxaan ahay taxaddar badan waxyaalahaas oo dhan

waxay noqonayaan waxyaalaha qofka shaqo-bixiyaha ah u

baahan yahay marka haddii aadan tacliin ama khibrad kale

aadan lahayn waxyaalaha shaqsi ahaantaada aad ku fiican

tahay baad ka sheekaynasaa.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka barnaamij intaynaan soo gabogabaynin

haddaan dib ugu yara noqono iyadoo kooban warqadaan

codsiga shaqada waa warbixin ama qoraal aad ku qancinaysid

qofkii shaqo-bixiyaha ahaa inaad tahay qofka ku haboon

shaqada khibradahaaga ka sheekaynasaa yacni waad usoo

koobaysaa.

(Najma Cali)

Mar kastana ka fekar inaad rabtid inaad

qofkaan iska iibgeysid yacni inaad si fiican isku bartid.

Iswiidhishka waxaa lagu dhahaa "sälj in dig själv" laakiin

af-soomaaliga markii lagu turjumo xoogaa waxay noqonaysaa

si kale laakiin waxaad rabtaa yacni inaad qofkaan

shaqo-bixiyaha ah iska iibgeysid ama si fiican isku bartid ama

aad tustid warqadaas yartaa ee kooban aad kusoo qortid inaad

tahay qofka ugu fiican oo ku fiican shaqadaas.

(Maxamed Cabdimajiid)

Waxaad tiri "aad iska iibisid" ma fahamtay

marka waxaan doonayaa iska iibintaas ma sii sharixi kartaa?

See la iskaga iibinayaa macnihii qofkaa shaqo-bixiyaha ah?

(Najma Cali)

Waxaad iskaga iibinaysaa sidii hadda aan

horay usoo sheegnay sidii qofka aad tahay ama khibradaada

inaad si fiican aad u tilmaantid yacni waxyaalaha aad horay

usoo qabatay waxba ha yasin wax kasta oo noloshaada aad

soo martay waxay ku siinaysaa khibrad gaar ah marka

khibradahaaga oo dhan ama ha ahaato mid aad mushaar kusoo

heshay ama yaysan ahaanin ku qor warqadda "personligt brev"

adigoo tilmaamaya ama faahfaahinaya oo sidii waraysi camal ama

wargelin camal u qoraya.

(Maxamed Cabdimajiid)

Marka haddaan soo koobno waxa weeyaan

qofkii shaqo-bixiyaha ahaa wuxuu suuqa soo dhigayaa inuu u

baahan yahay xirfad adiguna haddaad leedahay xirfadii baad iibinaysaa.

(Najma Cali)

Haa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Oo si fiican baad u iibinaysaa!

(Najma Cali)

Oo si fiican baad u iibinaysaa!

(Maxamed Cabdimajiid)

Si wanaagsan!

Mey jiraan talooyin kale oo aad nala wadaagi lahayd intaynaan

barnaamijka soo gabogabayn?

(Najma Cali)

Haa!

Waxaan ku talinayaa markaas markaad warqadii aad isa soo

sharaxday oo adigu aad isa soo tilmaantay qofka

shaqo-bixiyaha oo aad tiri qofka noocaan ah baan ahay sidii

hadda aan horay usoo sheegnayba kusoo qortay waxaad ugu

danbayntii ku dhamaystiraysaa inaad qofka shaqo-bixiyaha

ah aad ku tiraahdid waxaan jeclaan lahaa inaad ila soo xiriirtid

si aan si fiican isku kaa baro sababta oo ah hadafka aad

warqadaan u qoraysid waa in qofka shaqo-bixiyaha ah uu

waraysi kuugu yeero marka ugu danbayntii warqadda ku

dhamaystir inaad jeceshahay ama aad rabtid qofka

shaqo-bixiyaha ah inuu kula soo xiriiro.

(Maxamed Cabdimajiid)

Aad baad u mahadsan tahay Najma!

(Najma Cali)

Adaa mudan!

(Muusiig)

(Maxamed Cabdimajiid)

Waad tahay dhagaystayaal intaa waxaan

kusoo gabogabaynanaa mawduucii ku saabsanaa warqadda

codsiga shaqada ama "personligt brev".

Mawduuca labaad ama mawduuca kale wuxuu noqon doonaa

"su´aalaha inta badan ku yimaada interfiyuuga" marka lagugu

yeero interfiyuu.

Intaan ku kulmi doonno mawduuca kale waxaan idinka kaga

tagaynaa sidaas iyo nabadgelyo!

Magacaygu waa Maxamed Cabdimajiid.

(Muusiig)