23 april 13:00
Nästa webbinarium:
Visa fler

Skriva cv – så gör du!

I många länder kan man söka många jobb utan att ha ett cv. Men i Sverige måste du oftast ha ett cv för att kunna söka jobb. Därför är det så viktigt att du har ett bra cv. Jag har bjudit in Najma Ali för att prata om cv.. Najma har jobbat med nya i Sverige inom Arbetsförmedlingen i många år. Hon har hjälpt många personer med cv och nu är hon här för att dela med sig av sina kunskaper.

Transkribering av Arbetsförmedlingens Ny i Sverige-podd: Sida loo qoro warqada codsiga shaqoda - Skriva ett personligt brev, så gör du! (somaliska)

Vinjettmusik (FIRST STEP MUSIC)

(Maxamed Cibri)

Kusoo dhawaada dhammaantiin barnaamijka

cusub ee xafiiska shaqada loogu talogalay in laga sii daayo

mawaadiic ku saabsan shaqo raadinta, cv-ga, warqadda

codsiga iyo interfiyuuga. Magacaygu waa Maxamed Cibri.

Maantay waxaan ka hadlaynaa mawduuc ku saabsan cv-ga.

Waxaan soo casumay ama igala qaybgalaysa Najma Cali oo

kasoo shaqaysay ama ka shaqaysa xafiiska shaqada in badan

dad badanna kasoo caawisay arrimaha ku saabsan cv-ga iyo

warqadaha lagu raadsado shaqooyinka.

Muusiig...

(Maxamed Cibri)

kusoo dhawow Najma!

(Najma Cali)

Waad mahadsan tahay!

(Maxamed Cibri)

Sidaan wada ognahay Najma qofku markuu

waddanka Iswiidhan ku cusub yahay oo kale waxaa dhici karta

inuu u baahdo cv ama warqadda codsiga markuu doonayo

inuu shaqo dalbado, warqadahaas waxaa laga yaabaa inaanu

waddamadeenii inaan lagu isticmaalin laakiin halkaan waa

khasab inuu qofku haysto cv.

Haddaan ku bilowno Su´aasha u horreysa

, cv-gu muxuu yahay asalkiisu, muxuu ka kooban yahay?

(Najma Cali)

cv-gu wuxuu ka kooban yahay, waa liis ama arji qofka

shaqo-bixiyaha ah tusinaysa ama muujinaysa wixii aad horay

usoo qabatay, tacliintaadii hore iyo khibradaadii hore marka waa

warqad sidii liis si taariikh ahaan ah aad u qoraysid oo

muujinaysa wixii aad horay usoo qabatay.

Waan gartay!

markaa warqad kale oo ayedna magaceeda la yiraahdo

"personligt brev" oo lagu lifaaqo cv markii shaqada la dalbanayo

, warqadaas iyo cv-ga firqiga u dhexeeya muxuu yahay?

(Najma Cali)

Warqadda lagu magacaabo cv-ga sidaan hadda

usoo sheegay waa liis, waa arjiga tusinaysa qofka ama

muujinaysa shaqadii aad horay usoo qabatay laakiin warqadda

codsiga waa warqad adigu isa sharaxaysid, is tilmaamaysid

, midna sidii taariikh ahaan baad u qoraysaa midna waxaad u

qoraysaa sidii warbixin oo kale.

(Maxamed Cibri)

markaa waa muhiim inaad warqadahaas aad haysato

, ay kuu qornaadaan marka aad doonayso inaad shaqo aad

raadsato ama codsi shaqo aad dalbatid warqadaas waa muhiim inaad haysatid

(Najma Cali)

Labada warqadoodba waa muhiim

...

...

(Maxamed Cibri)

Marka tan hore waxaad ku qoraysaa

taariikhdaadii iyo waxaad aad kasoo shaqaysay iyo tacliintaada

, tan dambena waxaad ku qoraysaa codsi aad ku dalbanaysid

shaqada.

(Najma Cali)

Sax!

(Maxamed Cibri)

Sax, si wanaagsan!

Ok maxay muhiim u tahay inuu qofku cv haysto

, qofku haddii uusan cv-ba haysan ka warran.

(Najma Cali)

Waa muhiim qofku inuu waraaqda cv-ga la dhaho haysto

sababta oo ah qofka shaqo-bixiyaha ah dad badan baa shaqada

kasoo codsanaya, waxaa laga yaabaa halkii ogaysiis uu soo

geliyaba inay 100 ama 200 oo qof shaqada ay soo dalbadaan.

Marka waa warqad muujinaysa sababta uu qofkaas

shaqo-bixiyaha ah adiga uu kulan labaad kuula yeelanayo ama

waraysi uu kuugu yeerayo qofka shaqo bixiyaha ahna kama

gaaro inuu intaas oo waraaqood akhriyo

, warqadda cv-ga maadaama khibradaadii ku qoran tahay iyo

tacliintaadii hore markaas si sahal ah bay ugu muujinaysaa qofka

shaqo-bixiyaha ah inuu waraysi kuugu yeerayo.

Dadka shaqo-bixiyaha ahna badanaa waxa ugu horreeya ay

akhriyaan waa cv-ga.

Haddii cv-gu aysan xiiseynin ma sii akhrinayo

, warqadaada codsiga uma sii gudbayo.

Halkaas buu ku joojinayaa, qof kale buu markaas u gudbayaa

, marka waa jaanis aad u helaysid qofka shaqo-bixiyaha ah

inaad si fiican u tustid kartid khibradaadii iyo tacliintaadii hore.

Waa gartay, markaa ma jiraan hab loo qoro

cv-ga, qodobo ay muhiim tahay inuu ka koobnaado cv-gu.

(Najma Cali)

Haa!

Cv-ga horta dhowr cinwaan baad u samaynasaa

,waxaa muhiim inay ku jirto khibradaadii hore

,wixii aad horay uga soo shaqaysay, shaqada nooca ay ahayd

, wixii aad qabanaysay shaqadaas tusaale oo kale haddii

dukaan oo kale aad kasoo shaqaysay oo dukaanka ica oo kale

aad kasoo shaqaynasay

, ma kassa-da baad fadhiday oo lacagtaad dadka ka qabanaysay

mise dukaankaad nadiifinaysay waa muhiim in la kala ogaado wixii shaqo kasta aad kasoo

qabanaysay iyo wixii aad kasoo baratay shaqadaas iyo muddadii

aad kasoo shaqaynasay taariikhdii aad bilowday iyo taariikhdii

ay kaa dhamaatay hadday kaa dhamaatay shaqadaas.

Waxaad kale oo samaynasaa cinwaan kale oo ah tacliintaadii

ama waxbarashadaadii hore, waxbarashada magaceeda

, hadaad jaamacad soo dhigatay, hadaad dugsi sare dhigatay

, hadaad dugsi hoose soo dhigatay iyo iskuulka magaciisa

waa muhiim in la ogaado iyo taariikhdii tacliin kasta aad soo

dhigatay. Waxaad kale oo u samaynasaa cinwaan kale oo

tusinaysa ama muujinaysa luuqadaha aad taqaanid

, inta luuqadood inta luuqadood ee aad ku hadashid

, Iswedish, af-somali, af-carabi iyo darajada aad ka joogtid

luuqad kasta, ma luuqad sida luuqadda hooyo oo kale aad ugu

hadashid baa ma luuqad kuu bilaaban baa, ma luuqad aad

ku hadli kartid laakiin aadan qori karin baa, mise waa luuqad

aad qori kartid laakiin aadan si fiican u fahmin.

Waa muhiiim marka inaad ku qortid, waxaad kale oo u

samaynasaa cinwaan muujinaya haddaad cilmi kombuyuutar

aad leedahay oo kombuyuutarka sida microsoft waxa la dhaho

oo kale aad ku fiican tahay, Word, Excel haddaad ku fiican tahay

muhiim inaad ku qortid cv-gaaga ama liiska arjiga.

Muhiim waxa ah inaadan iloobin emailkaaga meesha laga

lasoo xiriirayo iyo telefoon lambarkaaga waa meesha ugu sarraysa

inay ku qoran yihiin. Haddii aad rabtid sawir inaad ku lifaaqdid cv-ga adaa xor u ah.

Khasab ma ahan in lagu lifaaqo sawir laakiin haddii aad

jeceshahay qofka shaqo-bixiyaha ah inuu ku arko sidaad u

egtahay waad ku lifaaqi kartaa.

Waxa aadan ku qorayn warqadda arjiga ama warqadda liiska

cv-ga waa da´daada oo kale, uma baahnid sababta oo ah

wax baahi ah uma qabo qofka shaqo-bixiyaha ah inuu

da´daada ogaado. Marka uma baahnid da´daada oo kale inaad

ku qortid ama inta carruur aad leedahay wax uu u baahan

yahay ma ahan qofka shaqo-bixiyaha ah.

(Maxamed Cibri)

Marka waa wixii muhiimka ah un inuu ka

muuqdo cv-ga ee la xiriira shaqadaan aad dalbanaysid ama

taariikhdaadii hore ee ku saabsanayd khibradahaagii

, tacliintii aad soo baratay

, Okej Najma haddaan dib ugu yar noqonno waxaad tiri

khibradaha shaqada oo kale haddii uusan qofku kasoo shaqayn

waddanka Iswiidhan gudihiisa oo kale, waddankii ama

meelo kale oo khibrado uu kasoo shaqeeyay oo kale ayedna

waa muhiim in lagu sheego soo ma ahan.

(Najma Cali)

Haa!

wax allaale wixii aad khibrad leedahay haddii waddankaan

aad kasoo qabatay ama waddankaagii hooyo ama

waddan kale oo aad soo martayba haddii kasoo qabatay waa

ku qoraysaa. Wax khibrad ah ama wax cilmi/tacliin ah ha yasin.

Wax kasta oo aad leedahay way ku haboon tahay ama

waa muhiim inuu ogaado qofka shaqo-bixiyaha ah ku qor.

Xattaa tusaale ahaan oo kale shaqooyinkii

oo hore ee aad soo qabatay khasab ma ahan inaad mushaar

ka qaadan jirtay oo kale, shaqooyinka iskaa wax u qabso

ama matalan shaqooyinka mutadawacnimada oo kale

laftigoodu waa muhiim in iyagana meesha aad ku qortid haddii

aynan jirin shaqooyin aad mushaar ka qaadan jirtay.

(Najma Cali)

Haa!

(Najma Cali)

Sababta oo ah taas laftigeedu waa khibrad

haddii aad shaqo iskaa wax u qabso ama meel isbitaal oo kale

ama dad baahan aad caawin jirtay, cid kuu dirtay ma lahan ee

adigaa is xilqaamay, waxaad ahayd qof jecel inuu dadka caawiyo

waad ku qori kartaa warqadda arjiga.

(Maxamed Cibri)

Waan gartay, haddii uusan qofku sooba shaqayn ka warran

iyada oo qofku wax khibrad oo shaqaba uusan lahayn

ama waddankii ha noqoto ama halkaan Iswiidhan markii uu yimid

ha noqoto, wax khibrad ah oo ku saabsan shaqooyin haddii

uusan qofku lahayn, maxaa muhiim ah ee uu ku qori karaa

cv-ga?

(Najma Cali)

Sidii haddaba u sheegnay waxaad ku qori kartaa tusaale oo

kale wixii iskaa wax u qabso aad horay usoo qabatay

,haddii aadan lahayn shaqooyin iskaa wax u qabso waxaad ku

qori kartaa waxyaalaha adigu aad ku fiican tahay shaqsi

ahaantaada, haddaad tahay qof ku fiican carruurta sida loo hayo

oo kale laakiin ma aadan kasoo shaqayn meel xannaano ah ama

meel iskuul laakiin waa jeceshahay adigaa carruur leh waad

ku fiican tahay marka sida carruurta sida hayo oo kale

, ama waxaad ku fiican tahay geedaha sida loo beero waad ku

qoraysaa markaas iyo waxyaalihii kale oo shaqsi ahaantaada

haddii aad tahay qof aaminaad badan, qof isxilqaan badan

waxyaalahaas oo dhan waad ku qori kartaa cv-ga.

(Maxamed Cibri)

Si wanaagsan baan u gartay.

Cv-ga markaas warqadaas ma warqad buu noqonayaa ma labo

warqadood, ma ay jiraan wax ku saabsan warqaddu inta ay

le´egtahay ama inta la rabo inay ka koobnaato, ma labo

warqadood ma saddex warqadood ama warqad?

Badanaa waxaa lagu taliyaa oo waxa

ugu quruxda badan cv-ga ama warqadda arjiga inaysan ka

badnaan labo bayj hal illaa labo bayj inta u dhexaysa

, haddii aad hal kusoo hal kusoo koobi kartid aad bay u fiican

tahay, sababta oo ah waa inaad ka fekartaa markaa warqadda

aad diraysid hadafkeedu muxuu yahay

, maxaan ka dhamacsanahay, waxaad ka dhamacsantahay waa

qofkaan shaqo-bixiyaha ah inuu sahal ah u arko, si dhaqso

badan u arko khibradaadii hore iyo tacliintaadii hore.

Marka haddii warqadu aad u dheer tahay waxaa laga yaabaa

qofku inuu ka xiise dhaco oo isla markiiba uu joojiyo inuu

akhriyo oo dhaho waxaan wakhti uma hayo marka waxaan

ku talin lahaa hal illaa labo bayj inta u dhexaysa.

(Maxamed Cibri)

Inuu noqdo!

(Najma Cali)

Inuu noqdo!

taasaa fiican.

(Maxamed Cibri)

Haa macnahii waa wixii muhiima un inay ku

qornaadaan oo waxyaabaha aan loo baahnayn oo kale aad

iska deysid. Sax si wanaagsan, waan gartay.

Ok qofka haddii uusan haysan wax cv ah ama horay usoo

samayn ama wax khibrad ah ula hayn sida loo sameeyo oo kale

sidee buu u bilaabayaa qoritaanka cv-ga?

Marka hore, waa muhiim inaad kombuyuutarka

ku qortid cv-ga. Warqad caadiya iyo qalin ha ku qorin.

Ma qurux badnaanayso ama si qurux badan ma u eka markaas.

Marka kombuyuutarka ku qor. Waxaad samaynasaa

, word dokument waxa la dhaho baad soo dejinaysaa

, waraaq cad oo aysan waxba ku qornayn.

markaas baad waxaad ku bilaabaysaa sidii cinwaanadii aan

hadda horay usoo sheegnay, khibradaadii, tacliintaadii, luuqadaha

aad ku hadashid, haddaad cilmi u leedahay kombuyuutarka oo

kale, borogaramyada ku jira kombuyuutarka haddii aad cilmi

u leedahay ciwaanyadaas baad ku bilaabaysaa markaas.

Marka dib u xasuuso wixii aad noloshaada soo qabatay

, shaqooyinkaagii hore markaa cinwaan ahaan ugu qor.

Shaqadii kugu danbaysay baa mar kasta ugu korraynasa

, waxa ugu sarraynasa oo meesha ugu korraysa ku qoran

shaqadii markii ugu danbaysay aad soo qabatay

, waxaana meesha ugu hoosaysa aad ku qoraysaa shaqadii

markaa muddo dheer ay kasoo wareegtay

, taariikh ahaan baad u qoraysaa, khibrad kasta iyo cilmi kasta.

(Maxamed Cibri)

Waan gartay, haddii aad "praktik" samayso

oo kale ma ku qoraysaa isaga cv-ga?

(Najma Cali)

Waa muhiim, haa! Sababta oo ah waa khibrad

, khibrad kasta ama mushaar aad ku heshid ama mushaar

yaadan ku helin waad ku qoraysaa cv-ga.

(Maxamed Cibri)

Waxaa dhici karta qofku inuu ururo uu ka

mid yahay oo kale oo ururada meel gaar ah ka hayo ama

xididada uu ka shaqeeyo ama uu wax gaar ah ururka dhexdiisa

ka qabto arrintaas lafteedu muhiim miyay tahay in lagu

sheego cv-ga?

(Najma Cali)

Haa!

Sababta oo ah dad badan oo waxaa jira mas´uul kasoo haya

urur ama ka tirsan dadka xilka haya waa muhiim iyada laftigeeda

inaad ku qortid markaas.

Sababta oo ah waxay tusinaysaa qofka shaqo-bixiyaha ah inaad

tahay qof mas´uuliyad soo qaaday oo yacni urur soo hayay oo

waxyaalo markaa kasoo qabtay.

(Maxamed Cibri)

Xagga tacliinta markaan u nimaadno oo kale

, tacliinta hoose dhexe haddii uusan qofku tacliin soo baran

, hadduu kooras soo qaatay ama tacliin yar oo gaagaaban

taa lafteedu iyaduna waa muhiim inuu ku qoro.

(Najma Cali)

Sax!

Cilmi kasta oo aad horay usoo dhigatay waa muhiim

, marka waxba ha yaraysan laakiin aad ha u dheerdheerayn

wax kasta oo aad soo qabatay laakiin tacliin kasta oo aad is

leedahay waa muhiim ku qor.

Xattaa sfi-ga oo kale waa lagu qori karaa soo ma ahan inuu

qofku sfi-ga dhigto

(Maxamed Cibri)

Waan gartay, Xattaa sfi-ga oo kale waa

lagu qori karaa soo ma ahan inuu qofku sfi-ga uu dhigto ama

uu dhammeeyay C-da ama B-da qaybaha kala duwan ee sfi-ga.

(Najma Cali)

Haa!

Sababta oo ah qofka shaqo-bixiyaha ah waxay tusinaysaa

inaad luuqadda iswiidhishka ku hadli kartid

, inaad sfi-ga dhamaysay waxay tusinaysaa inaad luuqadda

taqaanid ama in yar xattaa aad ka taqaanid

, haddii aad xattaa sfi-ga aad markaa dhigatid oo aadan weli

dhamaynin waad ku qoraysaa.

(Maxamed Cibri)

Waan gartay, hadduu qofku u baahdo caawimo

ku saabsan in laga caawiyo cv-ga qoritaankiisa oo kale

, ma jiraan waxyaabo talo ama tusaale aad siin kartid dadka oo

aad dhahaysid meelahaas kala xiriira, xafiiska shaqada

boggiisa oo kale waxaa ku jira warbixinno ku saabsan cv-ga

sida loo qoro oo uu qofku ka daalacan karo sida loo sameeyo

webbinarier dadka loo samaynayo oo kale.

(Najma Cali)

Haa! Webinarier-ka ama podcan aan hadda

duubayno oo kale waad ka dhagaysan kartaa

, laakiin waxa ugu sahlan waxa weeye dadka hadda badanaa

google bay isticmaalaan, google-ka inta geshid baad ku

qoraysaa cv mall halkaas baad ka arkaysaa dhowr tusaale oo

ku tusaysa cinwaanadii oo diyaarsan oo cinwaanka kasta

u barbardhigaysaa adigu waxaad horay usoo qabatay

, khibradahaagii hore, tacliintaadii hore.

Sidaa adiguba hadda uga dhawaajisay wuxuu qofku geli karaa

Arbetsförmedlingen webpage-kiisa way ku jiraan wax la dhaho

cv mall marka cv iyo mall baad ku qoraysaa markaas

baad waxaad ka helaysaa iyagoo diyaarsan

,cinwaanadii oo markaa diyaarsan oo si qurux badan ugu jira

meesha.

(Maxamed Cibri)

Markaa waa cv-yo faro badan ama waraaqo

diyaar ah oo aad isticmaali karaysid

, cv-gana wax khalad iyo sax ma jiraan ee warqaddii aad u

baahan tahay baad isticmaali kartaa.

(Najma Cali)

Haa!

Adiga tii aad isleedahay shaqadaan aan dalbanayo bay ku

haboon tahay

(Maxamed Cibri)

Ku haboon tahay!

(Najma Cali)

Badanaana way isku egyihiin xoogaa waxaa

laga yaabaa farta sida loo qoray iyo waxaas inay ku kala

gedisan yihiin, laakiin badanaa cinwaanada ku qoran waa isku

wada mid information-ka yacni meesha laga lasoo xiriirayo

telefoon lambarkaaga iyo emailkaagu waa muhiim

,magacaaga inuu ku muuqdo waa muhiim.

Marka badanaa way isku egyihiin, laakiin haa arbetsförmedlingen

ama xafiiska shaqada waad ka helaysaa webpage-kiisa

google-kana waad ka helaysaa.

(Maxamed Cibri)

Ok!

Marka Najma haddaan soo gabogabeeyo barnaamijka inta

aynaan soo xirin, gunaanadkii waxa weeyaan in qofku cv

haysto waa muhiim marka uu doonayo inuu suuqa shaqada

galo ama shaqooyin uu raadsanayo.

Ma jiraan talooyin kale oo aad kusoo gabogabayn karaysid

barnaamijkaan?

(Najma Cali)

Haa!

Waxaan oran lahaa qofku markuu cv-ga qorayo wakhti fiican sii

, ha isku deyin inaad si dhakhsaa u qortid.

Meel kaligaa fariso, dib u fekar wixii aad horay usoo qabatay

,qof xoogaa dhowr sano soo noolaa haddaad tahay khasab

waxyaalo badan baad soo kala qabatay

, marka dib u xasuuso, yacni ha is dedejinin hadday kugu

qaadato labo maalmood inaad qortid cv-gaas waa caadi.

Muhiimku waxa weeye inaad si fiican u qortid.

Marka si fiican u qor, luuqadda dabcan waxaad ku qoraysaa

af-iswiidish ama af-ingiriis marka luuqadda si fiican iskaga sax.

Sababta oo ah haddii aysan luuqaddu si fiican u qornayn waxaa

laga yaabaa qofka shaqo-bixiyaha ah inuu is dhaho qofkaan

luuqadiisu ma fiicna, marka haddii qof ehelkaaga ah ama

asxaabtaada ah aad u dhiiban kartid oo dhihi kartid walaalow

iga sax luuqadda, u dhiibo si markaa ay si fiican u qornaato.

Iskana eeg waxa aad ku qorayso cv-ga inay run ahaato yacni

cilmi aadan lahayn iyo khibrad aadan lahayn ha ku qorin

, sababta oo ah way muuqanaysaa mar uun baa la arkayaa in

aadan khibradaan aadan lahayn ama cilmigaan aadan lahayn

, mar kasta waxaad ku qoraysid wax adigu aad soo qabatay oo

sax ah waa inay ahaataa. Waxaan kale oo taladayda aan ku

darayaa in qofka markii cv-ga uu dhammaystiro uu markaa

xafidayo ama uu safe-gareynayo inuu ku xafido faylka la yiraahdo

pdf-ka. Sababta oo ah qofka markaa waxay u samaynasaa

qofka shaqo-bixiyaha ah ayadoo markaa si fiican u qoran

qofku markaa uu arko, haddii laakiin aad ku xafido faylka la

dhaho Word oo kale waxaa laga yaabaa inuu markuu qofka

shaqo-bixiyaha ah uu u yimaado inuu xoogaa yara isbeddelo

mar kasta cv-gaaga markaad dhammaystirtid ku xafid ama

ku safe-garee faylka la dhaho pdf-ka.

(Maxamed Cibri)

Waan gartay, markaa pdf-ku wuu ka fudud

yahay markii internetka lagu dirayo oo kale ama marka la

helayo oo kale si fiican baa loo arkayaa macluumaadka ku qoran.

(Najma Cali)

Haa!

Sababta oo ah isma bedbeddelayo marka qofka pdf-ka markii

uu ku helo haddii adigu aad kombuyuutarkaaga ka furtid iyo

haddaan anigu ka furo isku si bay u egyihiin

, laakiin Word waxay ku xiran tahay qofka microsoft-iga uu

haysto ma mid qadiim ah baa ma hore baa mise waa mid cusub

xoogaa marka shakliga ama siday u egyihiin baa xoogaa isbeddelaya.

Marka mar kasta ku xafid ama ku dhammaystir ama ku

safe-garee pdf-ka.

(Maxamed Cibri)

Aad baad u mahadsan tahay Najma!

Intaan ku kulmayno mawduuca kale ee "personligt brev" ama

warqadda codsiga waxaa kaga tagaynaa dhagaystayaasheena

sidaas iyo nabadgalyo!

(Najma Cali)

Waad mahadsan tahay!

Muusiig...

(Maxamed Cibri)

Dhagaystayaal waxaad dhagaysateen

mawduucii ku saabsanaa cv-ga.

Qaybta kale ama mawduuca kale waxaan kaga hadli doonnaa

warqadda codsiga shaqada ama loo yaqaano "personligt brev"

Waad ku mahadsan tihiin dhagaysigiinna!

Muusiig...

Relaterad information

Läs mer om att skriva cv