Digniin ama in la waayo lacagta laga helo qasnada shaqo la'aanta
Haddii aad tusaale ahaan si fir-fircoon u raadin waydo shaqo ama aad iska dhaafto inaad samayso wargelinta hawlahaaga, waxaad heli kartaa digniin. Haddii tani dhacdo dhowr mar waxaad waayi kartaa magdhabkaaga.
Maxaa dhacaya haddii aanad samayn wixi ay ahayd inaad samayso?
Haddii aanad noo soo dirin warbixinta hawlahaaga wakhtigi loogu talogalay, haddii aanad iman kulan ama qaab kale aanad u samayn wixi ay ahayd inaad samayso, waxaanu fariin u diraynaa qasnadaada shaqo la'aanta. Qasnadaada shaqo la'aanta ayaa ka dib kula soo xiriiraysa oo waxaad fursad u helaysaa inaad sharaxdo waxa dhacay iyo sababta.
Haddii qasnadaada shaqo la'aanta ay la tahay in aanad haysan sabab macquul ah waxay go'aaminayaan in lagu siiyo digniin ama lagaa yareeyo magdhabka.
Haddii aad dayacdo shaqo raadintaada
Haddii aanad samayn wixi aynu ku heshiinay waxaad dayacday shaqo raadintaada.
Haddii aad dheerayso shaqo la'aantaada
Haddii aad diido shaqo, tababar shaqo ama barnaamij kale ama hawl, markaasi waxaad dheeraysay wakhtigaaga shaqo la'aanta.
Haddii adigu aad sabab u tahay shaqo la'aantaada
Haddii aad iska casisho shaqo markaasi waa adiga qofka sababay shaqo la'aantaada.
Haddii aad si kas ah u dhiibtay macluumaad qalad ah
Qasnada shaqo la'aantu waxay go'aamin kartaa in lagaa joojiyo magdhabkaaga wakhti muddo dheer ah. Tani waxay khuseysaa haddii aad si kas ah ama dayac xun aad qasnada shaqo la'aanta ugu dhiibtay macluumaad qalad ah ama marin-habaabin ah oo qaabkaas aad ku heshay magdhab ka badan intii aad xaqa u lahayd.