Studiestöd för utbildning på yrkeshögskola, högskola och universitet

Si aad u kordhiso fursadahaaga inaad hesho shaqo waxaad wax ka baran kartaa jaamicada xirfadaha, jaamicad ama jaamicad sare. Haddii aad ku cusubtahay Iswiidhan oo aad haysato xirfad ay baahideeda shaqaale weyntahay waxaa jira fursadu dhowr ah. Halkan ayaad ka ogaanaysaa sida aad u maal-gelin karto waxbarashadaada.

Wax ku baro lacagta waxbarasho

Lacag waxbarasho waa kaalmo iyo amaahda loogu talogalay waxbarasho lagana helo CSN. Waxay ahaan kartaa waxbarsho ah dhanka waxbarashada dadka waaweyn, dugsiga dadka waaweyn ee shacbiga ah, jaamicada xirfada, jaamicad ama jaamicad sare iyo qaar ka mid ah waxbarashooyinka dalka dibediisa. Lacagta waxbarasho waxaad ka codsanaysaa CSN bogeeda intarnatka halkaas oo aad xitaa ka akhrin karto wixi dheeraad ah ee ku saabsan waxa adiga ku khuseeya.

CSN - Taageero waxbarasho

Taageerada waxbarashada isbeddelidda

Taageero ku saabsan waxbarashada isbeddelka oo laga helo CSN-tu, waxay khusaysaa adigaaga shaqeeya ama dhawaan noqday shaqo la'aan ee raba inaad waxbarato si aad u ballaariso xirfadahaaga oo aad soo jiidasho dheeri ah ugu yeelato suuqa shaqada.

Taageerada waxbarashada isbeddelku waxay ka koobantahay ilaa iyo 80 boqolkiiba mushaharkaaga, ilaa iyo xad lacageed oo go'an. Haddii aad rabto amaah waad ku kabi kartaa deeqda. Si aad u hesho taageerada waxbarashada isbeddelka, waa inaad buuxisaa shuruudaha qaarkood, tusaale ahaan waa inaad shaqeysay ugu yaraan 12 bilood oo ka mid ah 24-tii bilood ee la soo dhaafay, ka hor intuusan CSN-ta soo gaarin codsiga taageeradu.

CSN - Taageerada waxbarashada isbeddelka (csn.se)

Wax ku baro taageero laga helo Xafiiska Shaqada

Adigu waxaad xaaladaha qaarkood taageero dhaqaale ka heli kartaa Xafiiska Shaqada si aad wax uga barato jaamicada xirfada, jaamicad ama jaamicad sare. Tani waxay ansax tahay haddii aad ku qorantahay damaanad qaadka shaqada iyo horumarka ama barnaamijka sal dhigashada.

Haddii aad ka qayb-qaadatid damaanad qaadka shaqada iyo horumarinta waxaad fursad u heli kartaa kaalmo dhaqaale oo laga helo Xafiiska Shaqada si wax looga barto jaamicad xirfadeed, jaamicad, jaamicad sare iyo waxbarashooyinka ka dambeeya dugsiga sare ee kulliyadaha dadka waaweyn ee shacbiga Waxaan marka hore sameyneynaa qiimeyn ku saabsan waxbarashada loo baahanyahay si loo kordhiyo fursadahaaga ku aaddan in aad hesho shaqo. Markaas ayaad keligaa codsanaysaa waxbarashada. Waxaad wax baran kartaa isu-geyn 12 bilood oo waqti buuxa ah oo aad taageero dhaqaale naga hesho.

Dhanka barnaamijka sal dhigashada waxaad wax ku baran kartaa taageero dhaqaale oo ah gunno lacag dhanka jaamicada xirfada, jaamicad ama jaamicad sare. Adiga waxaa lagaaga baahanyahay inaad haysato waxbarasho dugsi sare oo aasaas ah. Mararka qaarkood waa inaad xitaa soo dhigatay qaar ka mid ah koorsooyinka dugsiga sare si aad u awoodo inaad gasho waxbarasho gaar ah. Badanaaba waxaad xitaa u baahantahay inaad leedahay aqoon kugu filan oo ah Iswiidhishka iyo Ingiriisida. Haddii aad doonaysid inaad sii wadato waxbarasho ka dib barnaamijka sal dhigashada waxaad fursad u haysataa inaad lacag waxbarasho ka codsato CSN.

Loogu talogalay adigaaga ku csub Iswiidhan

Haddii aad ku cusub tahay Iswiidhan oo aad horey u haysatay xirfad ama waxbarasho aad kala timi dalkaagi waxaa la heli karaa jid dhakhso ah oo lagu galo suuqa shaqada.

Haddii aad haysato shahaado jaamicad sare, jaamicad ama jaamicad xirfadeed oo aad kala timi dalkaagi waa inaad u dirtaa Guddida Jaamicadaha sare iyo jaamicadaha (UHR). UHR ayaa sameysa qiimeynta waxbarashadaada oo ku siinaysa qoraal jawaab ahaan. Adigu waxaad xitaa isticmaali kartaa adeegooda qiimeynta ee dijitaalka ah si aad u fiiriso waxbarashadaadu waxa ay u dhigmato dhanka gudaha Iswiidhan. Haddii aad ku soo shaqaysay dhanka xirfadaha daryeelka caafimaadka waxaad taas badelkeeda u diraysaa shahaadadaa Maamulka arrimaha bulshada. Haddii aad tahay macalin ama macalin dugsiga xanaanada waxaa jirta fursada in aqoonsiga macalinimo laga codsado Wasaarada waxbarashada.

UHR:s qiimeyntooda waxbarasho dalka dibediisa ah

Maamuulka arrimaha bulshada kuna saabsan aqoonsiga

Wasaarada waxbarashada kuna saabsan aqoonsiga macalinimo

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah