Rusta och matcha

Diyaar-gareyn iyo shaqo la raadin waa taageero loogu tala galay adigaaga waqti dheer ku qornayd Xafiiska shaqada. Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waxaad ku dooran kartaa qandaraasle aad u malaynayso inuu ugu habboonyahay inuu kugu taageero sidii aad dhakhsi ugu heli lahayd shaqo ama waxbarasho. Marka aad qandaraasle doorato, waxaad heleysaa gacan haye ku caawin doona inta aad dadaalka ugu jirtid shaqo.

Waa maxay diyaar-gareyn iyo shaqo la raadin?

Diraar-gareynta iyo shaqo la raadinta wuxuu qofku shaqa raadin ama waxbarasho taageero uga helayaan qandaraaslayaasheenna. Adiga ayaa dooranaya qandaraaslaha aad rabto. Marka aad doorato qandaraasle, waxaad caawimo ka helaysaa gacanqabte u shaqeeya qandaraaslaha.

Gacanqabte ayaad ka heleysaa qandaraaslaha aad dooratay. Gacanqabtuhu wuxuu soo saarayaa hawlo kaa caawinaya inaad degdeg u hesho shaqo ama waxbarasho. Labadii usbuucba hal mar ayaad gacanhayahaaga kulan la yeelanaysaa, ugu yaraan afartii usbuucna mar ayaad kulan foolkafool ah leedahay qandaraaslaha.

Wuxuu qandaraasluhu ku siinayaa taageero iyo hawlo ku salaysan baahiyahaaga gaarka ah iyo xaaladahaaga. Waxay taasi ku saabsanaan kartaa xiriirka lala yeesho shaqabixiye, shaqa helid iyo shaqa codsasho, xog ku saabsan waxbarashada iyo hagitaan.

Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waa lala dhigan karaa SFI.

Haddii aadan ku hadlin af Iswiidhish, waxaad qaybo hawlahaaga ka mid ah ku heli kartaa taageero luqaddaada ah.

Loogu tala galay adigaaga ka qayb qaadanaya diyaar-gareyn iyo shaqa la raadin (af-Iswiidhish)

filin
/

9 daqiiqado 16 ilbiriqsiyo

Waxaad halkan ka ogaaneysaa waxa ay taageeradu ka dhigantahay iyo shuruudaha khuseeya.

Yaa heli kara diyaar-gareynta iyo shaqo la raadinta?

Diyaar-gareyn iyo shaqo la raadin waa taageero loogu tala galay adigaaga waqti dheer ku qornayd Xafiiska shaqada. Si aad uga qayb qaadato diyaar-gareynta iyo shaqa la raadinta, waa inaad buuxisaa shuruudaha qaarkood, aadna ku jirto barnaamijka dadaallada shaqa raadinta. Waa Xafiiska shaqada cidda qiimeyneysa in laguugu qorayo barnaamijka dadaallada shaqa raadinta iyo in kale.

Shuruudaha khuseeya ka qayb qaadashada barnaamijka dadaallada shaqa raadinta waxaad ka akhrisan kartaa halkan:

Dadaallada shaqa la raadinta

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayey wax u dhacayaan

1. Annaga ayaa qiimeynayna, in la joogo waqtigii laguu diri lahaa diyaargareyn iyo shaqa la raadin

Marka aad nala leedahay wadahadallada xaalad la socoshada ayaan qiimayn ku samaynaynaa in la joogo waqtigii laguu diri lahaa diyaargareyn iyo shaqa la raadin. Marka aan qiimeynta sameyneyno waxaan kaashaneynaa taageerada qiimaynta tirakoobka ku dhisan. Haddii inta uu wadahadalku socdo laguu diro diyaargareyn iyo shaqa la raadin, waxaad u baahantahay in qandaraaslaha aad rabo noogu soo sheegto shan maalmood oo shaqo, gudahood.

Sidan ayaan u samaynaa qiimayntayada

2. Waxaad dooraneysaa qandaraasle, waadna soo sheegeysaa doorashadaada.

Dooro qandaraaslaha ku habboon baahiyahaaga. Waxaad raadin kartaa qandaraasle kasta waxa uu ku xeel dheeryahay, waxaadna heli kartaa macluumaad ku saabsan kuwa ku sugan aaggaaga, luqaddada, aagaggooda aqooneed iyo xiriirrada ay la leeyihiin shaqa bixiyayaasha.

Marka aad go’aansatid qandaraaslaha aad rabtid waa inaad nagu soo wargelisaa doorashadaada. Waxaad taas ku sameyneysaa Mina sidor ama adigoo nala soo xiriiraya. Haddii aad nala soo xiriirto waa inaad sheegtaa nambarka KA-ga ee qandaraaslaha aad dooratay. Lambarka KA waxaad ka heleysaa magaca qandaraaslaha hoostiisa raadi qandaraasle.

Haddii aadan awoodin ama aadan rabin inaad keligaa qandaraasle dooratid, annaga ayaa kuu dooreyna qandaraasle ka hawl gala meesha ugu dhaw hoygaaga.

3. Marka aad qandaraasle dooratid

Gacanqabte u shaqeeya qandaraaslaha ayaa kula soo xiriiri doona si aad u yeelataan kulanka ugu horreeya. Si wada jir ah ayaad isula soo saareysaan jadwal shaqsi ahaaneed oo ku saabsan sida ugu dhaqsaha badan aad ugu dhowaan karto shaqo ama aad u billaabi karto waxbarasho.

Waxaad ka qaybqaadanaysaa diyaargareynta iyo shaqa la raadinta muddo lix bilood ah, ka dib waxaan qiimeyneynaa sida ay wax u dhaceen. Haddii aannu annaga Xafiiska shaqada ahi, u aragno inaad u baahantahay in laguu dheereeyo waqtiga diyaar-gareynta iyo shaqa la raadinta waxaa dhici karta in laguugu daro waqti kale.

Haddii aanad ku qanacsanayn qandaraaslahaaga, waad iska beddeli kartaa. Markaa la soo xiriir Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen).

Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waxaa ku jira turjumaan luqadda dhagoolayaasha ah, taageero luqadeed iyo turjumaan qoraal ah.

Su'aalo iyo jawaabo caadi ah

Haddii aadan ku faraxsanayn qandaraaslaha aad dooratay, waa inaad marka hore qof kala hadashaa qandaraaslaha. Tusaale ahaan, la xiriir agaasimaha waxbarashada ama madaxa meesha mas'uulka ka ah. Waxaa sii fiican inaad la hadasho ka-qaybgalayaal kale si aad isugu daydo inaad wadajir saameyn u yeelataan.

Haddii aad la hadashay qandaraaslaha laakiin aadan weli ku qanacsanayn sida adeeggu u shaqeynayo, waxaad markaas macluumaadka ku saabsan cilladaha usoo gudbin kartaa hey’adda dawladeed.

Aragtiyaha aad qandaraaslaha ka qabto ku gudbi (af-Iswiidhish)

Aad bay muhiim u tahay inaad kulamada tagto oo aad samaysaan wixii aad gacanhayaha kula heshiisay. Haddii aadan ka qaybqaadan, waxaa dhici karta inaad digniin hesho, aad hal ama dhowr maalin gunno la'aan noqoto iyo inaad lumiso booskaaga barnaamijka.

Diyaar-gareynta iyo shaqa la raadinta wuxuu qandaraasluhu ku helayaa lacag marka aad hesho shaqo ama waxbarasho. Sidaa darteed, waa muhiim in qandaraasluhu uu helo shahaado muujineysa inaad shaqo heshay. Ka codso shaqa bixiyahaaga inuu kuu qoro shahaado, aad ka dib u geysid qandaraaslaha.

Haa, qandaraasluhu wuxuu ku khasbanyahay inuu ku siiyo taageero luqadeed inta aad ka qaybqaadanayso.

Haa, waxay tusaale ahaan taasi imaan kartaa haddii aad ku jirto fasax waalidnimo oo waqti dhiman ah ama aad waqti-dhiman ka qayb-qaadato taageero kale oo uu Xafiiska shaqadu bixiyo. Waxa kale oo aad ka qayb qaadan kartaa diyaargaraynta iyo shaqo la raadinta, haddii aad akhrido sfi.

Ka dib marka aannu go’aan ka gaarno diyaargaraynta iyo shaqo la raadinta (rusta och matcha) wuxuu qandaraasluhu geli karayaa qorshahaaga oo wuxuu arki karayaa labadaadii warbixinood ee hawlqabadkii (aktivitetsrapporter) ugu dambeeyey.

Qaybo ka mid ah diyaar-gareynta iyo shaqa la raadintu waxay mar walba ka dhacaan goobta, haddii aad guureysana waxaad u baahantahay inaad waqti fiican nala soo xiriirto si aad qandaraaslaha u beddelato.