Starta eget, stöd till start av näringsverksamhet

Adigaaga shaqa doonka ah ee fursad fiicanna u leh in aad shirkad yeelatid, waxaad heli kartaa kaalmo aad shirkad ku sameysatid, taas aan ugu yeerno taageero loogu tala galay ganacsi furasho. Waxaa taageerada la isa siinayaa muddo 6 bilood ah.

Waa maxay

Taageero-dhaqaaleedka bilaabista dhaqdhaqaaqa ganacsiga waxaa loogu talagalay qofka rabo in u shirkad aasaaso ama dad kale la wada aasaaso. Mala-awaalka taageerada lagu helo waxaa weeyaan, in fikradda ganacsiga ay leedahay mala-awaal heer sare ah oo miro dhaliso, taasoo muddo kaddib ku noolan karto dhaqaale ahaan. Taageero laguma siin karo haddii laanta ganacsiga aad ku talo jirto inaad ka ganacsato, si fudud aan lagu heli karin shaqaale karti-xirfadeed leh.

Yaa loogu tala galay

Waxaa loo baahanyahay in aad shaqa-doon ahaan agteenna ugu qorantahay.

Waxaad sidoo kale u baahantahay in aad buuxisid waxyaabaha soo socda si aad u heshid kaalmo shirkad sameysasho, (taageero loogu tala galay ganacsi furasho):

  • Waa in aad buuxisay 18 sano.
  • Waxa aad raadisay shaqo, kumana aad guulaysan
  • Waa in aysan wax deynn ah kaaga qornayn Hey’adda fulinta dalabaadka deymaha, aadanna lahayn calaamad deyn iska bixis la’aaneed.
  • Waa in aad tahay shaqo la’aan ama aad taas khatar ugu jirtid. Shuruudahaas lagaama rabo adigaaga deggan qaar ka mid degmooyinka aan dadka badneyn ee Woqooyiga iyo Bartamaha Iswiidhan.
  • Waa in aad haysatid fikrad ganacsi, kuna fikireysid in aad shirkad sameysatid. Waa in aadan hawlaha shirkad sameysiga billaabin inta aadan taageerada codsan.
  • Waa in aadan horbaba shirkad lahayn, madax ka ahayn, ku jirin guddi shirkadeed ama aadan saxiixe shirkad u ahayn. Haddii aad horay shirkad u lahayd waa in la baabi’iyey ugu yaraan hal sano ka hor.

Xitaa haddii aad buuxisay shuruudaha aasaasiga ah waa in marka hore uu ku eego, oggolaashana ku siiyo Xafiiska shaqadu si aad taageerada u heshid. Oggolaashadu waxay ku xirantahay sida aan u aragno aragtidaada ganacsiga, sida uu u muuqdo suuqa shaqada ee waxa aad rabtid in aad ku mashquushid iyo meesha aad rabtid in aad waddanka rabtid in aad shirkad ka sameysid. Waxyaabahaas waa kala duduwanaan karaan waqtiba waqtiga kale.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Haddii adiga iyo shaqaalaha xafiiska shaqadu aad isla garataan in ay habboontahay in aad shirkad furatid waxaa markaas lagaa dalbi doonaa in aad qortid qorshe ganacsi oo aad ku sharraxeysid fikirkaaga ganacsiga iyo in aad soo saartid miisaaniyad ku aaddan dhaqaalahaaga shirkadda.

Marka ay taasi dhammaato waxaa qorshaha ganacsiga loo dirayaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna oo qiimeyn ku sameynaya in uu qorshahaaga ganacsigu shaqeynayo iyo in kale, haddii la oggolaadana waxaa laguu oggolaanayaa taageero shirkad sameysasho. Waxaa taageerada la isa siinayaa muddo 6 bilood ah.

Waxaad sidoo kale, ka hor iyo inta lagu jiro xilliga barnaamijka, heli kartaa taageero iyo la-talin ku aaddan arrimo gaara iyo dhibaatooyinka shirkaddaada qandaraaska lala galay. Waan la soconeynaa shirkaddaada ugu yaraan hal mar inta lagu jiro xilliga barnaamijka.

Haddii aadan hubin sida aad u qori kartid qorshe ganacsi ama miisaaniyad u soo saari kartid, aadna u baahantahay macluumaad ku aaddan xisaabaadka, canshuurta, heshiisyada iyo suuqgeynta, waxaan ku siin karnaa waxbarasho arrimahaas ku aaddan.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Haddii aad la dhiban tahay itaaldarro la xaqiijiyay, waxaad biloowga codsan kartaa taageero-dhaqaaleed oo dheeraad ah.

Taageero-dhaqaaleedyada kharashyada bilaabista dhaqdhaqaaq ganacsiga

Su´aalaha caadi ahaan lays waydiiyo iyo jawaabtooda

Ilaa intee ayaan shaqolaawe ahaa kahor inta aan codsan taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka?

Waa inaad shaqo raadsataa waana inaad tusi kartaa Xafiiska shaqada inaad shaqo raadsatay laakiin aanad ku guulaysan. Waa muhiim in fikradda ganacsiga iyo shirkad sameysashada loo arko in ay beddel wanaagsan u noqon karaan sii wadidda shaqo raadinta.

Muddada taageerada bilaabista dhaqdhaqaaqa-ganacsiyeedka lay siinayo ma ku qasban nahay in aan shaqo kale raadsado?

Waxaa muhim ah in muddada taageerada bilaabista dhaqdhaqaaqa-ganacsiyeedka aad sii wado shaqo raadsashada, oona Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapporten] u soo dirto Xafiiska Shaqada bil kasta.

Marka laguu oggolaado, aadna bilowdo barnaamijka iyo shirkaddaada, uma baahnid inaad shaqo raadiso lixda bilood ee uu barnaamijku soconayo.

Waa maxay macnaha Taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka?

Waxaa lagu siin doonaa fursad isku diyaariso hirgelinta shirkaddaada waxaana bil kasta lagu siin doonaa taageero-dhaqaaleed.

Waxaa kaloo lagu siin doonaa talo xiriir la leh arrimaha u baahan inaad ka fekerto kahor iyo muddada bilaabista ganacsiga ee Xafiiska Shaqada. Tan kale waxaa hagid ku siin karo qof hageha/la taliyeha [mentor] ah, kaasoo loo yaqaanno [mentorstöd].

Sidee baa lagu dalbada Taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka?

  • Marka hore waa in adiga iyo Xafiiska Shaqada waa in ka arrrinsataan xaaladda suuqa shaqada ka jirta dhinacaaga, sida shaqo helis ama aasaasida shirkad. Kaddib waxaan wadajir ugu arrisan doonaa haddii aasaasida shirkad u yahay habka ugu dhaqsida badan ee aad dhaqaale ahaan isku filnaan karto.
  • Markaas kaddib haddii aan arrintaada ku qiimayno waxtar, waa inaad fikradda ganacsiga ku soo qeexdo qorshaha ganacsiga oona dejiso miisaaniyad, kaddib qiimayn awgeed anaga nagu soo wareejiso.
  • Ulajeedada qiimaynta laga leeyahay ayaa waxay tahay in adiga iyo maamulka Xafiiska Shaqada, isku aragti ka noqotaan sida aasaasida shirkadda mustaqbilka ku suurtagelin doonto helida isku fillaansho dhaqaaleed.

Sidee baa ku ogaan karaa in Taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka lay siin doono maxaana kaddib dhici doono?

Anaga ayaa kula soo xiriir doono kaddib markii aan qiimayno qorshaha ganacsiga iyo miisaniyadda ganacsigaaga. Haddii aan ku oggolanno waxaad ku dhaqaaqi kartaa diiwaan-gelinta shirkladda iyo codsashada ruqsadaha ganacsiga awgiis aad u baahan tahay. Kaddib Xafiiska Shaqada wuxuu go’aan ka gaari doonaa Taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka iyo haddii/goorta aad ku dhaqaaqi kartoaasaasida shirkadda.

Kaddib markii layga ciribtiro Taageerada bilaabista dhaqdhaqaaq-ganacsiyeedka maxaa dhici doono?

Waqti fiican ka hor inta aysan dhammaan taageerada maaliyadeed, waxaad u baahantahay inaad go'aansato inaad sii waddo socodsiinta shirkadda ama aad iska baabi’iso oo aad shaqo raadsato mar kale. Haddii aad sii waddo socodsiinta shirkadda, waa lagaa saarayaa Xafiiska shaqada, waana istaageysaa gunnadi kaaga imaan jirtay Qasnadda caymiska.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah