Snabbspår

Waddada degdegga ahi waa waddo lagu galo suuqa shaqada oo loogu tala galay adigaaga Swiidhan ku cusub ee leh khibrad ama waxbarasho ku aaddan xirfad baahi weyn shaqaale loogu qabo.

Waa maxay

Haddii aad Swiidhan ku cusubtihid, aadna khibrad ama waxbarasho u leedihid xirfad ay jirto baahi weyn oo shaqaale loo qabo, waxa loogu yeero xirfad baahi ka jirto, waxaad fursad u heli kartaa in aad suuqa shaqada u qaaddid waddo dhakhsi badan. Iyadoo leysku darayo ansaxin, tababar shaqo, tababar luqadeed iyo waxbarasho dhameystir ah oo la isugu kaa duway ayaad si dhakhsi ah shaqo u heli kartaa taasoo aqoontaadi iyo khibraddaadi hore aad ku isticmaali kartid.

Snabbspår waxaa soo gelaya ku dhawaad 40 xirfadood oo baahi ka jirto, sida tusaale ahaan:

  • Korontoyaqaan xagga adeegga iyo rakibidda
  • Cunto kariye
  • Wadaha baabuurrada xumulka
  • dhakhtar, kalkaaliso caafimaad, dhakhtar ilko, farmashiiste, farmashiiste
  • Macallin, macallin dugsi xannaano
  • Rinjiile
  • Qalaa, kawaanle, rootile
  • Farsamo yaqaan xagga guryaha ah, waardiyaha guryaha, guryo kireeye
  • injineer dhismo, naqshadeeye
  • Korontoyaqaanka qeybiyaha, injineer
  • cilmi bulsho-yaqaan, oo uu ku jiro dhaqaalayahan, garyaqaan
  • xoghaye arrimo bulsho, qiimeeye kaalmo dhaqaale, la taliye arrimo bulsho
  • Kalkaalisada caafimaadka xayawaannada
  • faryaamo mashiin iyo hawl-geliyo mashiin, rakibaa, derbi warqado ku dhejiye, faryaamo alaab guri.

Waa annaga, shaqabixiyaha iyo ururrada shaqaalaha cidda wadajir ahaan uga heshiineyna shaqooyinka soo gelaya iyo waxa loo baahanayahay in waddada degdegga ah ay ku jiraan. Waxbarashadu wey kala dhaadheertahay iyadoo taasi ku xiran xirfadda ay waddada degdegga ahi khuseyso iyo waxyaabaha dhameystirka ah ee loo baahanyahay in la sameeyo.

Yaa loogu tala galay

Waddada degdegga ah waxaa loogu tala galay adigaaga waddanka ku cusub, khibradna u leh xirfad aad shaqaale loogu baahanyahay. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • Waxaad ka qeyb qaadataa etableringsprogrammet ama waqti ka mid ah 12 bilood ee la soo dhaafay aad ka qeyb qaadatay etableringsprogrammet.
  • Waxaad leedahay etableringsplan oo socda ama waxaad dhameysatay etableringsplan 12 bilood ee la soo dhaafay.
  • Waxaa laguu oggolaaday sharci degganaasho 3 sano ee la soo dhaafay.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Si wadajir ah ayaan adiga sawir kaagala qaadaneynaa khibradahaagi hore.
  • Waan kaa caawin karnaa turjumidda shahaaddooyinka iyo caddeymaha iyo in aad u diratid hey’ad sax ah si loo qiimeeyo.
  • Waxaan qiimeyneynaa haddii waddada degdegga ah ay kugu habboontahay.
  • Waxaan kaa caawineynaa in aad heshid waddada cusub iyo hawlo waxqabad oo kugu habboon.
  • Awoodahaaga xirfad- iyo aqooneed ayaa si rasmi ah loo aqoonsanayaa, waxaadna ku dhameystireysaa qeybaha kaa maqan.

Taageero dhaqaale

Adigaaga ka qeyb qaadanaya waddada degdegga ah waxaad qaadankartaa aktivitetsstöd ama etableringsersättning. Waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa kharashaadka ku baxaya safarrada iyo laba meel degganaashada.

Ceymis

Waxaad ku jirtaa ceymis marka aad ka qeyb qaadaneysid waddada degdegga ah, waxaadna soo geleysaa ceymisyada kooxaha- iyo kan qof ahaaneed.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.