Jobba inom Samhall

In aad u shaqeysid Samhall waxay fursad kuu siineysaa in aad horuumarisid karaankaaga shaqada iyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed. Inta aad u shaqeyneysid waxaad heleysaa taageero iyo gacan qabasho.

Waa maxay

Samhall waa shirkad saamiley ah oo ay dowladdu leedahay oo ay hawsheedu tahay in ay shaqooyin micno iyo horuumar leh u abuurto dadka naafada ah. Ulajeeddada laga leeyahay in aad u shaqeysid Samhall waa in aad hor marisid karaankaaga shaqada iyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed. Waqtiga fog waxaad awoodi karee in aad shaqabixiye kale shaqo ka ag heshid.

Yaa loogu tala galay

Ma tahay qof shaqadoon ahaan noogu qoran oo qaba naafanimo saamayn ku leh awooddaada shaqo? Markaas Samhall waxay kuu noqon kartaa goob shaqo oo kugu habboon. Waxaad fursad u heleysaa in aad horumar ku sameysid shaqada, oo aad higsato in aad kor u qaaddid fursadahaaga aad shaqo ka heleysid shaqabixiye kale. Haddii aad 30 jir ka yartahay, waxaad leedahay mudnaanta in aad ka hesho Samhall, shaqo waqti go’an ah.

Samhall u shaqey. Filinku waa af-swiidhish.

filin
/

2 daqiiqado 49 ilbiriqsiyo

Filinkan waxaad ku ogaaneysaa sida ay tahay in Samhall loo shaqeeyo.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Waa annaga oo ah Xafiiska shaqada, cidda qiimeyn ku sameyneysa in aad xaq u leedahay in Samhall shaqo lagaa siiyo iyo in kale. Taageerada aannu ku siin karnaa, waxay ku xirantahay sida ay adiga xaaladdaadu tahay.

  • Haddii aad daneyneysid in aad ka shaqeysid Samhall, waxaad wax ka billaabeysaa in aad u sheegtid shaqaalaha xafiiska shaqada. U diyaargarow si aad ugu qancin karto sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.
  • Si wadajir ah ayeynu xaaladdaada uga eegeynaa dhan walba. Haddii aad buuxiso shuruudaha ka shaqaaloobidda Samhall waxaa dhici karta in aad booqasho ugu tagto. Markaas ayaad wax dheeraad ah ka ogaaneysaa sida ay tahay in laga shaqeeyo oo horumar lagu dhex sameeyo Samhall.
  • Haddii aannu u aragno in Samhall ay kugu habboontahay waxaa dhici karta in lagaa shaqaaleysiiyo marka uu soo baxo boos bannaan. Markaas waxaan heshiis la gaareynaa adiga iyo Samhall halkaas oo aannu tusaale ahaan ku qeexeyno hadafka aad shaqaaleysiinta ka leedahay, tallaabooyinka kala duduwan ee aad u baahantahay in aad qaaddo si aad horumar u sameysid iyo taageerada aad u baahan kartid.
  • Inta aad shaqaaleysantahay oo dhan qofka madaxda kuu ahi wuu ku dhiirrigelin doonaa, ku tijaabin doonaa, kuna taageeri doonaa. Hadafku waa in aad maalin uun diyaar u noqotid in aad tallaabta xigta qaaddid oo aad uga sii gudubtid shaqo aad shaqa bixiye kale ka heleysid.

Mushaharka

Marka aad Samhall u shaqeyneysid waxaad heleysaa mushaar iyo waxyaabo kale oo shaqaalaha faa’iido u ah.

Shaqo-sugidda

Samhall waxay ballan qaadeysaa in ay bixiso faa’iidooyinka shaqada ee heshiiska guud.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.