Projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning

Aaggaaga waxaa ka jiri kara mashruuc la xiriira siyaasadda suuqa shaqada oo aan la wadno laacibiin kale. Haddii uu aaggaaga ka jiro mashruuc habboon waxaa laguu soo jeedin karaa in aad ka qeyb qaadatid.

Waa maxay

Aagagga qaarkood waxaa ka jiri kara fursad ah in aad ka qeyb qaadan kartid wax ka mid ah mashaariicdaas aan tusaale ahaan isla wadno laacibiinta kale. Kuwan aan wada shaqeynta leennahay waxay tusaale ahaan noqon karaan shirkad, degmo ama urur. Hawlaha wax qabadku waxay soconayaan intii waqti go’an ah, waxayna leeyihiin ulajeeddooyin iyo hadafyo go’an. Waxay taasi ku saabsanaan kartaa in la tijaabiyo hawlo wax qabad oo cusub oo aan ku jirin waxyaabaha aan caadi ahaan bixinno, ama in la hormariyo qaab cusub oo ku aaddan in shaqo la raadsado. Waxa ku jira iyo waxyaabaha la qabanayo wey kala duduwanyihiin iyadoo taasi ku xiran mashruuca, waxayna taarget-gareysan karaan kooxo gaar ah sida dhallinyaro, dad da’ ah ama dad ku jira barnaamijka saldhigashada. Ulajeeddada laga leeyahay mashruucu waa in la xoojiyo fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid.

Ugu badnaan lix bilood ayaad ka projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning suuqa shaqada. Waqtigaaga mashruuca waa la kordhin karaa haddii aan u aragno in ay taasi kor u qaadeyso fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid.

Yaa loogu tala galay

Mashruuca ku jiheysan siyaasadda la xiriirta suuqa shaqadu waa mid loogu tala galay adigaaga shaqo la’aanta ah ama khatarta ugu jira in aan shaqo la’aan noqotid. Maadaama waxa ay ka koobanyihiin iyo hawlaha wax qabadku uu kala duduwanyihiin iyadoo taasi ku xiran mashruuca iyo kooxaha loo gol leeyahay ee gaarka ah way kala duwanaan karaan cidda uu mashruucu ku habboonyahay.

Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Haddii uu aaggaaga ka jiro mashruuc habboon waa laguu soo bandhigi karaa taas. Haddii aad ka tirsantihid kooxda mashruuca loola jeedo waxaa dhici karta in la gaaro waqtigi aad ka qeyb qaadan lahayd.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.