Nystartsjobb

Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ama jirro awgeed ka maqnaa suuqa shaqada, ku siineysaa fursad aad dib ugu billawdid.

Waa maxay shaqada nystartsjobb?

Shaqo nystartsjobb waxaad adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada ku heleysaa fursad aad mar kale dib ugu soo laabatid. Cidda ku shaqaaleysiineysa waxay isla mar ahaantaas heleysaa kaalmo loogu tala galay mushaarkaaga. Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay noqon kartaa shaqo joogto ah ama mid ku meel gaar ah oo waqti buuxa- ama waqtiga qaarkiis ah.

Yaa heli kara shaqada nystartsjobb?

Shaqada Nystartjobb waxaa loogu tala galay adigaaga waqti dheer ka maqnaa suuqa shaqada ama aan weli sal dhigan suuqa shaqada.

Waxaad buuxisay 25 sano, waxaad tahay shaqo la'aan, waxaadna, ugu yaraan 12 ka mid ah 15kii bilood ee la soo dhaafay:

  • ahayd shaqo la’aan, shaqadoon ahaanna nooga ag qorneyd ama aad ka qeyb qaadatay arbetsmarknadspolitiskt program
  • qaadaneysay sjukpenning, rehabiliteringspenning, sjukersättning ama gunnada dhaq- aktivitetsersättning
  • degmo ka qaadaneysay försörjningsstöd ama kaalmo dhaqaale isla markaana aad ahayd bilaa shaqo.

Waxaad buuxisay 20 sano laakiin ma aadan buuxin 25 sano, waxaad tahay shaqo la'aan, waxaadna ugu yaraan 6 ka mid ah 9-kii bilood ee la soo dhaafay:

  • ahayd shaqo la’aan, shaqadoon ahaanna nooga ag qorneyd ama aad ka qeyb qaadatay arbetsmarknadspolitiskt program
  • qaadaneysay sjukpenning, rehabiliteringspenning, sjukersättning ama aktivitetsersättning
  • degmo ka qaadaneysay försörjningsstöd ama kaalmo dhaqaale isla markaana aad ahayd bilaa shaqo.

Waxaad sidoo kale fursad u leedahay shaqo nystartsjobb ah haddii aad ka weyntahay 20 sano, aadna:

  • ka qaybqaato barnaamijka la qabsashada dalka etableringsprogrammet
  • 36-kii bilood ee la soo dhaafay ayaad heshay sharci degganaasho ama kaarka joogitaanka ee xubin ka tirsan qoys muwaadiniin ka ah EU/EES-ta, waxaad tahay shaqo la'aan, waxaadna ahayd shaqo la'aan ugu yaraan 6 ka mid ah 9kii bilood ee la soo dhaafay, waxaad qaadaneysay lacagta jirrada ama kaalmada cayrta
  • ka qayb qaadatid jobb- och utvecklingsgarantin
  • Waxaa laguugu xukumay xabsi ugu yaraan hal sano ah, waxaana laguu oggolaaday joogitaanka meel ka baxsan xabsiga ama waxaa laguugu sii daayay sharuuud laakiin ma aadan dhameystiran hal sano oo tijaabo ah.

Is tijaabi inaad buuxisay shuruudaha shaqada nystartsjobb-ka

Iyadoo laga duulayo jawaabahaaga tijaabada, ayaad heleysaa tilmaan ku aaddan inaad buuxisay shuruudaha shaqada nystartsjobb-ka iyo in kale. Fiiro gaar ah u lahaw in ay tahay tilmaan oo kaliya oo aanay ahayn ballanqaad, qiimaynta u dambaysa ee ku aaddan inaad taageero xaq u leedahay iyo in kale, waxaa sameynaya qof xafiiska shaqada u shaqeeya.

Tijaabadu waa af-Iswiidhish waxayna qaadanaysaa qiyaastii hal daqiiqo. Tirada su'aaluhu waxay ku xiranyihiin sida aad u jawaabto, laakiin ugu badnaan waa siddeed su’aal. Tijaabadu gabi ahaanba waa qarsoodi, Xafiiska Shaqaduna ma kaydiyo wax xog ah oo kugu saabsan marka aad isticmaalayso.

Är du över 25 år?

Ja Nej
Du glömde att välja Ja eller Nej.
Tillbaka till föregående fråga Stäng utan att spara

Anledning, villkor som uppfylls

Nystartsjobb är ett ekonomiskt stöd till arbetsgivaren

Ersättningen motsvarar minst en arbetsgivaravgift för den del av månadslönen som är upp till 20 000 kronor vid heltidsarbete. Ersättningen erhålls via en kreditering av företagets skattekonto.

Gör om testet

Anledning, villkor som inte uppfylls

Gör om testet

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Haddii aad buuxisay wax ka mid ah shuruudaha, aadna dooneysid in laguugu shaqaaleysiiyo shaqo markaas la billaabay waxaad sameyneysaa sidan:

1. Soo hel shaqabixiye raba in uu kugu shaqaalaysiiyo shaqa-gelid cusub (nystartsjobb). Barta kaydka shaqooyinka (Platsbanken), waxaa ka heli kartaa shaqooyin bannaan oo shaqabixiyuhu uu ku calaamadiyey in la heli karo haddii la buuxiyo shuruudaha shaqa-gelidda cusub.

Shaqa-gelid cusub ee bannaan ee ku jira Barta kaydka shaqooyinka (waa Af Iswiidhash)

2. Shaqabixiyaha ka codso in uu codsi noo soo diryo.

Ku saabsan nystartsjobb-ta loogu tala galay shaqa bixiyaha

3. Marka aan helno codsiga shaqa bixiyaha, waxaad naga heli doontaa e-mail ama SMS ku dhahaysa gal Mina sidor oo ka jawaab su’aalo ku aaddan intii aad suuqa ka maqneyd. Jawaabahaaga ayaa aasaas u noqonaya go’aanka ku aaddan inaad buuxineysid shuruudaha nystartsjobb-ta iyo in kale.

4. Waxaan go'aamineynaa inuu shaqa bixiyuhu helo nystartsjobb iyo in kale.

Mushaharka

Waxaad xaq ku leedahay nooca mushaharka ku xusan heshiiska wadareed ee loo shaqeeyeyaasha. Haddii loo shaqeeyaha usan hoosta ka saxiixin heshiiska wadareed, waxaad xaq ku leedahay mushahar u dhigma kan ku xusan heshiiska noocaas ah.

Shaqo-sugidda

Shaqo ku qorida oo ah nooca [nystartsjobb] waxaa daboola Sharciga sugidda shaqo ku qorida [anställningsskydd, LAS]. Haddii loo shaqeeyaha u hoosta ka saxiixay heshiiska wadareed, waxaa xaaladaas dhici karto in qaar kamid ah qodobada ku xusan Sharciga sugidda shaqo ku qorida ay meesha ka maqan yihiin.