Taageero khuseysa adiga oo ka qeyb qaata barnaamijka la qabsiga/dejinta dalka

Barnaamijkan la qabsiga dalka waa mid aad ka qeyb qaadan karto oo waana waxqabadyo waxtar leh sida barashada af-ka iswiidhishka oo ka baran karto, ama aad ku heli karto shaqo si aad isugu filnaato.

Arbetspraktik/praktik

Ma u baahantahay in aad heshid khibrad shaqo, korna u qaaddid fursadaha aad shaqo ku heleysid? Markaas tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara. In tababar shaqo aad goob shaqo ku qaadatid, adigaaga doonaya in aad shirkad furatid, waxay sidoo kale kuu noqon kartaa isdiyaar-gareyn.

Arbetsträning med handledare

Fursad laguugu tala galay adigaaga leh qorshe socda oo saldhigasho in aad shaqo ku tijaabisid, adigoo taageero dheeraad ah ka helaya gacanqabte jooga goobta shaqada.

Introduktionsjobb

Marka aad u baahantihid caawimaad si aad suuqa shaqada u soo gashid. Waxaad isku darsaneysaa shaqo hordhac ah iyo waxbarasho, oo labaduba xoojinaya kartidaada aqoon-iyo shaqo, daboolayana baahida shaqabixiyaha.

Nystartsjobb

Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ama jirro awgeed ka maqnaa suuqa shaqada, ku siineysaa fursad aad dib ugu billawdid.

Projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning

Aaggaaga waxaa ka jiri kara mashruuc la xiriira siyaasadda suuqa shaqada oo aan la wadno laacibiin kale. Haddii uu aaggaaga ka jiro mashruuc habboon waxaa laguu soo jeedin karaa in aad ka qeyb qaadatid.

Stöd och matchning

Taageero iyo wax la eegid waxaa loogu tala galay adigaaga si is daba joog ah, oo baahidaada waafaqsan ugu baahan taageero marka aad shaqo raadsaneysid. Caawimaad ayaad ka heleysaa gacanqabte ka socda mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna. Gacanqabtuhu wuxuu kugu caawinayaa waddada aad ugu taagantihid shaqo ama waxbarasho.

Svenska för invandrare, sfi

Waxbarashada swiidhishka loogu talagalay ajaanibta waxaad adigaaga Swiidhan ku cusubi ku baraneysaa aqoonta aasaasiga ah ee afka swiidhishka. Waa degmada aad ku diiwaangashantahay cidda waxbarashada bixineysa.

Utbildning på grundskole- och gymnasienivå

Shaqooyinka badankoodu waxay u baahanyihiin waxbarasho aasaasi ah, haddii aad waxbarasho dugsi sare leedihidna waxay taasi kordhineysaa fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid. Taageerooyinkeenna kala duduwan waxaad fursad ugu haysataa in aad dhistid kartidaada aqoon-iyo khibradeed.

Utbildning på universitet, högskola och eftergymnasial nivå

Si aad kor ugu qaaddid fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid waxaad kartidaada aqoon-iyo xirfadeed ku dhisi kartaa waxbarasho jaamacadeed ama mid ka sarreysa heerka dugsiga sare. Haddii aad Swiidhan ku cusubtihid, aadna leedihid xirfad ay jirto baahi aad u weyn oo shaqaale loo qabo waxaa sii jira fursado aad fara badan.

Validering

Ansaxin waxay ka dhigantahay in kartidaada aqoon-iyo khibradeed laguu qiimeynayo. Waxay taasi khuseysaa aqoonta aad waxbarasho ku kasbatay, tan aad suuqa shaqada ka kasbatay iyo tan nolol maalmeedka.

Yrkesintroduktionsanställning

Shaqaaleysiinta xirfad baridda waxaad ku baraneysaa xirfad, waxaad ku heleysaa khibrad, waxaadna kor ugu qaadeysaa fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid.