Taageero laguugu tala galay adigaaga naafada ah ama caafimaad darrada qaba

Adigaaga naafada ah, qaba xaalado maskaxda la xiriira, jirro ama culeyso kale, waxaad naga heli kartaa taageero dheeraad ah marka aad shaqo raadinayso ama joogto goobtaada shaqada. Halkan waxaannu ku uruurinay taageerooyinkeenna kala duduwan ee loogu talagalay adigaaga naafada ah ama caafimaad darrada qaba.

Arbetsintegrerande övningsplatser

Taageero loogu tala galay adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada, oo aan hubin kartidaada shaqo iyo shaqada kugu habboon.

Arbetsmarknadsutbildning för personer med synnedsättning

Haddii aad naafo ka tahay xagga aragga ama uu liito araggaagu, waxbarasho la waafajiyay duruuftaada iyo baahidaada qof ahaaneed ayaa waddo kuugu noqon karta suuqa shaqada.

Bidrag för personligt biträde

Qof jooga goobtaada shaqada ayaad taageero ka heli kartaa haddii ay liidato kartidaada shaqo iyadoo ay naafanimo sabab u tahay. Shaqabixiyahaaga ayaa markaas kaalmo helaya si uu shaqaale kuugu qoondeeyo.

Bidrag till hjälpmedel på arbetsplatsen

Waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya si aad shaqadaada u gudan kartid. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuu heli karaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya ama in baahidaada la waafajiyo goobtaada shaqada.

Förmedlingsinsatser

Dadaallada shaqa la raadintu waa barnaamij loogu talagalay adigaaga taageero uga baahan xagga shaqo raadinta ama waxbarasho bilaabista. Taageero ahaan, waxaad gacanhaye, ka heleysaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna.

Individuellt pedagogiskt stöd vid utbildning

Marka aad ka qeyb qaadaneysid qaar ka mid ah dadaalladeenna waxbarashada, waxaad heli kartaa taageero la xiriirta waxbaridda, oo lagu dhameystiray qalab wax caawiya.

Lönebidrag

Haddii uu naafanimo awgeed karaankaaga shaqadu uu hooseeyo waxaad heli kartaa shaqo duruufahaaga la waafajiyay. Isla mar ahaantaas wuxuu shaqabixiyahaagu mushaarkaaga u heli karyaa kaalmo lacageed.

Samhall

In aad u shaqeysid Samhall waxay fursad kuu siineysaa in aad horuumarisid karaankaaga shaqada iyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed. Inta aad u shaqeyneysid waxaad heleysaa taageero iyo gacan qabasho.

Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare

Shaqo lagu waafajiyay adigaaga naafada ah.

Steg till arbete

Waxaa loogu tala galay, adigaaga u baahan in lagaa caawiyo is diyaarinta, horuumaridda iyo awoodidda shaqada ama waxbarashada iyo in aad shaqo u hesho.

Särskild stödperson för introduktion och uppföljningsstöd - SIUS

Haddii aad naafo tihid waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad marka aad shaqo raadineysid ama marka aad goob shaqo ku cusubtihid. Qof taageero kuu ah ayaa kaa caawinaya hawlaha shaqada iyo wixii kale ee loo baahanyahay si aad shaqo u heshid.

Yrkesintroduktion för teckenspråkiga

Loogu talagalay adigaaga ku hadla luqadda dhagoolayaasha ee u baahan taageero si aad u hesho shaqo, u sameysato shirkad ama u billawdo waxbarasho.

Sidaas ayaad adigaaga qaba baahida dheeriga ahi nooga heli kartaa caawimaad

Hel macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cidda taageero xaq u leh, xaaladaha aad taageero ku heli karto iyo sida aad tallaabada ugu horreysa u qaadi karto si aad taageero nooga hesho.

Caawimaad loogu tala galay shaqa doonka naafada ah ama caafimaad darrada qaba

Taageerooyin badan oo laga helo Xafiiska shaqada

Taageerada boggan waxay ku wajahantahay adigaaga naafada ah, qaba xaalado maskaxda la xiriira, ama culeysyo kale. Xafiiska shaqadu wuxuu xitaa bixiyaa taageerooyin kale oo laga yaabo inay ku khuseeyaan.

Taageerooyin badan oo laga helo Xafiiska shaqada