Introduktionsjobb

Marka aad u baahantihid caawimaad si aad suuqa shaqada u soo gashid. Waxaad isku darsaneysaa shaqo hordhac ah iyo waxbarasho, oo labaduba xoojinaya kartidaada aqoon-iyo shaqo, daboolayana baahida shaqabixiyaha.

Waa maxay

Shaqo Introduktionsjobb waa shaqo loo shaqeynayo shaqabixiye shacab ah ama mid dowladeed, halkaas oo aad fursad u heleysid in aad soo gashid suuqa shaqada. Cidda ku shaqaaleysiineysa waxay isla mar ahaantaas heleysaa kaalmo loogu tala galay mushaarkaaga.

Shaqo hordhac ah waxay noqon kartaa shaqo joogto ah ama mid ku meel gaar ah. Waxaad sidoo heli ka shaqeyn kartaa shaqo hordhac oo hal gelin ah haddii aad qabtid awood darro shaqo oo joogto ha.

Waxaad badanaa waxbarashada la qaadan kartaa, tusaale ahaan koorso xirfad ku wajahan, waxbarasho dugsi sare si aad u qaadatid shahaaddo dugsi sare, waxbarasho xagga swiidhishka ah ama waxbarasho kale oo aqoon kororsi ah oo habboon.

Waxaad shaqo hordhac ah haysan kartaa ilaa iyo 12 bilood. Haddii aan u aragno in aad u baahantihid in taageerada laguu sii wado waxaa laguu dheereyn karaa shaqada hordhaca ah ugu badnaan 24 bilood markii laysku wada daro.

Yaa loogu tala galay

Shaqada hordhaca ah waxaa loogu tala galay adigaaga waqti dheer shaqo la’aanta ahaa, ama goor dhaw Swiidhan yimid. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • In aad ka qayb qaadaneysid jobb- och utvecklingsgarantin.
  • In aad buuxisay 20 sano, aadna ugu yaraan 200 oo maalmood ka qeyb qaadatay jobbgarantin för ungdomar loogu tala galay.
  • In aad tihid qof waddanka ku cusub, buuxiyay 20 sano, kana qeyb qaadanaya etableringsprogrammet ama waqti ka mid ah 12 bilood ee la soo dhaafay ka qeyb qaatay etableringsprogrammet.
  • In aad tihid qof waddanka ku cusub, buuxiyay 20 sano, leh etableringsplan ama dhameysatay etableringsplan 12 bilood ee la soo dhaafay.
  • In aad tihid qof waddanka ku cusub, buuxisay 20 sano, 36 bilood ee la soo dhaafayna helay degganaashada ama kaarka joogidda adigoo xubin ka ah qoys muwaadin ka ah waddamada EU/EES.

Sidaan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda si wadajir ah adiga iyo shaqabixiyaha idiinla qiimeyneysa haddii goobta shaqadu ay habboontahay iyo hawlaha shaqada ee kugu habboon.
  • Waxaan adiga iyo shaqabixiyaha idinla qoraneynaa heshiis, waxaanna wada tashi la sameyneynaa ururka shaqaalaha. Heshiiska waxaa ku qoran hawlaha shaqada ee aad lahaaneysid iyo nooca taageero iyo gacan qabasho ee aad u baahantihid. Haddii aad shaqada waxbarasho ku barbar wadatid waa in taas xitaa heshiiska lagu sharxaa.
  • Shaqabixiyaha ayaa dabadeed mas’uul ka ah in aad billawdid iyo in aad heshid gacan qabashada aad u baahantihid.

Mushaharka

Waxaad xaq u leedahay mushaaraadka iyo khayraadka ku qoran heshiiska loo wada dhanyahay ee shaqabixiyaha ama mid u dhigma heerka mushaaraadka ee faraca shaqada. Laakinse shaqada hordhacu qofka xaq uma siineyso in uu lacag ka helo a-kassan.

Shaqo-sugidda

Waxaad soo hoos gelaysaa ilaalinta shaqaalaynta ee uu nadaamiyo heshiis-wadareedka waaxdan shaqo, Laakiin qaybo ka mid ah sharciga ilaalinta shaqaalaynta (LAS), ma quseeyo shaqada gogolxaarka ah.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.