Individuellt pedagogiskt stöd vid utbildning

Marka aad ka qeyb qaadaneysid qaar ka mid ah dadaalladeenna waxbarashada, waxaad heli kartaa taageero la xiriirta waxbaridda, oo lagu dhameystiray qalab wax caawiya.

Waa maxay

Haddii aad naafo tihid waxaad fursad u heli kartaa in aad heshid taageero la xiriirta waxbaridda marka aad ka qeyb qaadaneysid waxbarashooyinkeenna. Taageero ayaad ka heleysaa qof tusaale ahaan kaa caawinaya nidaaminta waxbarashada, farsamada waxbarashada iwm. Taageerada waxaa sidoo kale lagu dhameystiri karaa qalab wax caawiya oo kala duduwan, sida tusaale ahaan barnaamijka saxidda qoraallada, barnaamijka dhawaaq muujinta iwm. Taageeradu waxay dhameystir u tahay waxbarashada diyaar-gareynta, waxbarashada suuqa shaqada ama waxbarashada dugsiyada dadka waaweyn ee shacbiga ah.

Taageeradu waxay noqon kartaa 5-30 saacadood usbuuciiba, iyadoo ku xiran hadba waxa aad u baahantihid. Tirada saacadaha lagu taageerayo waxay badanaa badanyihiin billawga hore marka la barbar dhigo dhamaadka waxbarashadaada, maxaa yeelay fikraddu waa in aad waqtiga fog noqotid qof madax bannaan ilaa intii suurta gal ah. Dhererka waqtiga taageeradu wuu kala duwanyahay, laakin wuxuu ugu badnaan soconayaa ilaa iyo taariikhda aad waxbarashadaada dhameyneysid.

Yaa loogu tala galay

Taageerada waxaa loogu tala galay adigaaga qaba naafanimada keeneysa in aad u baahantihid taageera dheeraad ah si aad uga qeyb qaadan kartid dadaalladeenna waxbarashada.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Marka hore waxaan gaareynaa go’aan ku aaddan in aad waxbarashada gashid, iyo in sababta naafanimada awgeed aad u baahantihid taageero qof ahaaneed oo la xiriirta waxbaridda si aad waxbarashada ugu guuleysatid.
  • Inta aysan waxbarashadaadu billaaban qorshe ayaan si wadajir ah ula sameyneynaa qandaraaslaha bixinaya taageerada la xiriirta waxbaridda. Qandaraaslaha ayaa muuqaal ka qaadanaya baahidaada la taaban karo iyo taageerada kugu habboon. Muuqaal ka qaadashadu waxay caadi ahaan qaadataa 1-3 usbuuc.

Inta waxbarashadaadu socoto waxaan si joogto ah kaaga hubsan doonnaa sida aad u aragtid in taageeradu ay u shaqeyneyso.

Ceymis

Wixii laga yaabo ee ceymisyo ah ee qalabka caawinta shaqada waxaa mas’uul ka ah qandaraaslaha taageerada.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah