Bidrag till uppstartskostnader vid start av näringsverksamhet

Adigaaga haya fikrad ganacsi oo wanaagsan oo faa’iido dhali karta, qabana naafanimo keeneysa hoosayn xagga kartida shaqada ah, waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay kharashaadka la xiriira billaabidda hawlahaaga shirkadeed.

Waa maxay

Bidrag till uppstartskostnader vid start av näringsverksamhet waa kaalmo kuu fududeyneysa in aad shirkad furatid, sidaasna ku xoojineysa fursadahaaga suuqa shaqada. Waxaad heli kartaa kaalmo si aad u gadatid qalab ama u bixisid kharashaadka kale ee shirkad furashada loogu baahanyahay. In kaalmada la helo waxaa shardi u ah in aad qorsheyneysid in aad shirkad hawlgelisid intii ugu yaraan seddax sano ah.

Kaalmada waa lala qaadan karaa stöd till start av näringsverksamhet. Waad heli kartaa xitaa kaalmada haddii aad dooneysid in aad dad kale shirkad la furatid.

Yaa loogu tala galay

Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waana in aad sidoo kale buuxisaa waxyaabaha soo socda:

  • Waa in aad qabtid naafanimo keeneysa in karaankaaga shaqadu uu hooseeyo.
  • Waa in aad haysatid fursado fiic-fiican oo aad shirkad ku wadi kartid.
  • Waa in aad haysatid fikrad ganacsi oo wanaagsan oo aan ku qiimeyn karno in ay tahay mid faa’iido leh, gacan weyna ka geysaneyso masruufkaaga.
  • Waa in aad qorsheysaa in aad intii ugu yaraan seddax sano ah aad shirkadda ku hawlanaaneysid.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Nala soo xiriir haddii aad dooneysid in aad wax dheeraad ah kaalmada ka ogaatid. Inta aanan go’aan ku gaarin in aad kaalmada qaadaneysid waxaad u baahantahay in aad soo bandhigtid kharashaadka aad waxa ku billaabeysid iyo aad miiska soo saartid qorshaha maalgelinta ee shirkadda.

Haddii aad heysid fikrad ganacsi waxaad marka hore u baahantahay in aad sameysid qorshe ganacsi. Macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan sida aad u sameyneysid qorshe ganacsi iyo sida aad shirkad u hawlgelineysid waxaad ka heleysaa bogga verksamt.se.

Sameynta iyo hawlgelinta shirkadda

Taageero dhaqaale

Waxaad heli kartaa kaalmo gaareysa ilaa iyo 60 000 oo koron. Lacagta annaga ayaa soo shubeyna, iyadoo ah lacag hal mar la dhiibayo. Ogaw in mararka qaarkood ay dhici karto in lacagta ay canshuuri ku waajibto. La xiriiri Skatteverket haddii aad dooneysid in aad wax dheeraad ah ka ogaatid. Waxaa khasab kugu noqon karta in aad dib u soo celisid lacagta oo dhan ama qeyb ahaan lacagta haddii shirkadda aad xirtid ama iibisid muddo seddax sano gudohood ah ka dib marki aad kaalmada qaadatid.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah