Bidrag för personligt biträde

Qof jooga goobtaada shaqada ayaad taageero ka heli kartaa haddii ay liidato kartidaada shaqo iyadoo ay naafanimo sabab u tahay. Shaqabixiyahaaga ayaa markaas kaalmo helaya si uu shaqaale kuugu qoondeeyo.

Waa maxay

Ulajeeddada laga leeyahay bidrag för personligt biträde waa in laguu fududeeyo in aad heshid shaqo oo aad heysatid. Kaalmadu waxay sidoo kale kuu fududeyn kartaa in aad ka qeyb qaadatid barnaamij ama jiheynta nolosha shaqada ee farsamada iskoolka la xiriirta. Xitaa haddii aad tihid qof shirkadle ah, aadna naafo tihid waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay kaaliye qof ahaaneed.

Kaaliyahaaga shakhsiga ah taageero ahaan ayuu kugula shaqeynayaa xagga arrimaha la xiriira hawlaha shaqada ee soo noqnoqonaya ama xaalado shaqo oo aadan kaligaa ka bixi karin.

Waa annaga cidda kaalmada siineysa shaqabixiyaha. Kaalmadu ugu badnaan waa 60 000 oo koron sanadkiiba. Haddii aad shirkad leedihid, aadna tihid qof qaba naafanimo keeneysa dhibaatooyin waaweyn oo xagga xiriirka ah waxaad heli kartaa ilaa iyo 120 000 oo koron sanadkiiba.

Shaqabixiyahaaga ama adigaaga shirkadda leh waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay kaaliye qof ahaaneed ilaa inta aad u baahantihid taageero si aad hawlahaaga shaqo uga soo baxdid.

Yaa loogu tala galay

Shaqabixiyahaagu wuxuu heli karaa kaalmo haddii ay hooseyso kartidaada shaqadu iyadoo ay naafanimo u sababtu tahay haddii:

  • Aad haysatid ama heli rabtid shaqo aad u baahantihid taageero qof ahaaneed si aad uga soo baxdid hawlahaaga shaqada.
  • Aad dhigatid dugsi sare, aadna u baahantahay taageero qof ahaaneed si aad uga qeyb qaadatid jiheyn nolol shaqo oo farsamo la xiriirta.
  • Aad u baahantahay taageero qof ahaaneed si aad uga qeyb qaadatid barnaamij ama baxnaanin ku jiheysan nolosha shaqada.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Sidii kaalmo-dhaqaaleedka lagu siiyo awgeed oona weli aadan isku qorin/iska diiwangelin Xafiiska Shaqada [Arbetsförmedlingen] waa inaad marka hore halkaan isku qortaa/iska diiwangelisaa.
  • Waa in shirkadda iwm ee aad u shaqayso nooga keenta caddayn qoran, taasoo lagu caddaynayo inaad u baahan tahay kaaliye-shaqsiyeedka [personligt biträde].
  • Waxaan sameyneynaa baaritaan, waxaanna go’aan ka gaareynaa inta kaalmadu ay la ekaaneyso.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah