Arbetsmarknadsutbildning

Waxbarashada suuqa shaqadu waxay xoojineysaa aqoontaada oo ay fududeyneysaa in aad shaqa heshid. Waxay waxbarashadu ku gaarsiineysaa xirfad leh mustaqbal wanaagsan oo muuqda.

Baadigoobo tababarka suuqa shaqada

Waxaa la heli karaa tababarrada suuqa shaqada, kuwaasoo lagu barto xirfado kala duwan. Halkaan waxaad hab fudud ka heleysaa tababarrada suuqa shaqada ee imminka la heli karo, waxaana islamarkaana isha ku dhufan kartaa booqashooyinka aqoon-kororsiga ee aad isku qori karto.

Baadigoobo booqashooyinka aqoon-kororsiga

Booqasho waxbarasho waxaad ku ogaaneysaa in ay waxbarasho ama xirfadi kugu habboontahay. Isku qor adigoo e-mail u diraya qofka xiriirka u ah waxbarashada ama waxbarashooyinka aad daneyneysid. Iskuduwaha waxbarashada ayaa dabadeed kugu soo war celinaya si uu wax kuugu xaqiijiyo.

Waa maxay

Waxbarashada suuqa shaqadu, waa waxbarasho gaaban, oo xirfadeed oo ku aaddan xirfad ay yaryihiin shaqaalaha waxbarashada u lihi. Dhammaan waxbarashooyinka suuqa shaqada iyo xirfadaha lagu gaari karo, waxaa loogu tala galay dadka oo dhan, iyadoo aan jinsi loo eegin. Waxbarashadu ma damaanad qaadeyso in aad shaqo heleysid, laakiin si fiican ayey fursadahaaga u wanaajineysaa. Waxbarashadu badanaa, waa dhawr toddobaad ilaa iyo lix bilood, laakiin mararka qaarkoodna intaas waa ay ka dheeraan kartaa. Waxbarashadu waa mid la dhiganayo waqti buuxa.

Yaa loogu tala galay

Waxyaabo fara badan ayaa saameynaya fursadahaaga ku aaddan in aad dhigatid waxbarasho suuqa shaqada ah. Waxaan isu miisaameynaa waxbarashooyinkaagii iyo khibradahaagii hore, fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid iyo sida ay u muuqato baahida suuqa shaqada. Waxaad u baahantahay in aad shaqa-doon ahaan agteenna ugu qorantahay. Waxaad sidoo kale u baahantahay in aad buuxisid wax ka mid ah waxyaabaha soo socda:

  • Waxa aad buuxisay 25 sano
  • Waad ka yartahay 25 sano, balse waxa aad qabtaa kala dhantaalnaan xagga laxaadka ah oo saameyneysa awooddaada shaqo
  • Waxaad buuxisay 18 sano, waxaadna ka fogtahay suuqa shaqada

Iyadoo laga duulayo shuruudaha kor ku xusan, waa Xafiiska shaqada cidda qiimeyneysa oo go’aan ka gaareysa in la joogo waqtigii aad dhigan lahayd waxbarasho suuqa shaqada ah iyo in kale. Kuwa dhigan kara waxbarashada suuqa shaqadu, marka laga reebo kuwa buuxinaya shuruudaha kor ku xusan, waa ay is bedbeddeli karaan waqti ka waqti.

Sidan ayey wax u shaqeynayaan

Waxbarashooyinka waxaa bixiya abaabulayaal waxbarasho oo waddanka ku kala baahsan, iyadoo aannu annagu hawsha u dirsannay. Adeeggeenna digitaalka ee ”Hel waxbarashooyin suuqa shaqada ah” ayaad ka dhex raadsan kartaa waxbarashooyin kala duduwan, adeeggeenna digitaalka ee ”Hel booqasho waxbarashana” waxaad iskaga qori kartaa booqasho waxbarasho. Laga yaabee in aad heshid waxbarasho adiga si gaar ah kuugu habboon.

Gunno loogu tala galay kharashaadka safarka

Marka aad meel kale uga qaybqaadaneyso barnaamij, waxaad codsan kartaa kaalmo loogu tala galay kharashka safarka iyo hoyga.

Kaalmo loogu tala galay kharashka safarka

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Waxqabadyo taageero ah

Taageero wax barid oo shakhsiyan ah (IPSU)

Waxaad heli kartaa taageero waxbarasho, oo lagu kabay agab caawineed, marka aad ka qaybqaadaneyso waxbarashada suuqa shaqada.

Taageero wax barid oo shakhsiyan ah (IPSU)

Af Iswiidhishka xirfadaha

Haddii aad u baahantahay inaad horuumariso aqoontaada Af Iswiidhishka ka hor ama inta ay socoto waxbarashada suuqa shaqadu, waxaad heli kartaa waxbarasho ku habboon xirfadda oo af Iswiidhish ah.

Af Iswiidhishka xirfadaha

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah