Shaqa doon ahaan isu qor

Isdiiwaangeli maalinta koowaad ee aad bilaa shaqo noqoto. Ku bilaw in aad ku gasho aqoonsiga elektaroonigga ah oo aad samaysato koonto. Bilaw in aad isdiiwaangeliso (Skriv in dig) oo ku buuxbuuxi macluumaadka oo dhan, tusaale ahaan shaqooyinka aad dalbanayso iyo waaya-aragnimada aad leedahay. Dabadeed ballan lagaga wada hadlayo qorshaha ka samayso gacanhaye shaqo. La xiriir qasnadda shaqala’aanta (a-kassa) ee aad ka tisan tahay, si aad uga codsado gunno.

Waxyaabaha uu boggu ka koobanyahay

Goorma ayaan is qorayaa?

Waa muhiim in aad iska diiwaangeliso xaggayaga, maalintaada koowaad ee aad bilaa shaqo tahay. Markaas ayey qasnadda shaqo la’aantu qiimayn kartaa in aad xaq u leedahay gunno, laga soo bilaabo maalintii koowaad ee shaqo la’aanta. Waxaad bilaabi kartaa in aad warbixinta buuxbuuxiso inta aanad shaqo la’aanta noqon. Dabadeedna ilaa ilaa maalinta koowaad ee shaqo la’aantaada, la sug in aad u soo dirto diiwaangelinta.

Marka aad iska diiwaangeliso xaggaya maalinta koowaad ee shaqo la’aanta oo aad noqoto shaqo raadiye firfircoon, ayey hay’ad kale ama degmo kale qiimayn kartaa in aad xaq u leedahay gunno. Tusaale ahaan Qasnadda caymisku (Försäkringskassan) waxay go’aan ka gaari kartaa dakhligaaga lagu salaynayo gunnada jirrada (SGI).

Sidee ayaan anigu isku qorayaa?

  • Tallaabta ugu horreysa ka hor intaanad billaabin is-diiwaangelinta waa inaad ku gasho aqoonsiga elekteroonigga ah oo aad samaysato akoon aad ku buuxineyso faahfaahinta xiriirkaaga. Koontada, waxaad ku geli kartaa Mina sidor, halkaas oo aad ka heli doonto inta badan waxyaabaha arrinkaaga la xiriira.
  • Marka aad samaysato akoon, u gudub meesha ay ku taal Skriv oo ku buuxi macluumaadka ku saabsan waxbarashadaada, khibradahaaga shaqo, xirfadahaaga iyo shaqada aad raadinayso. Hubi inaad haysato wakhti badan markaad isdiiwaangelineyso, markastoo aan wax badan kaa ogaanno waa marka aan dhakhsi kuu caawin kareyno.
  • Tallaabada ugu danbeysa, waxaad ballan qorshe dejin ah ka qabsanaysaa shaqaalaha Xafiiska shaqada, ka dibna waad direysaa diiwaangelinta. Way dhici kartaa in isla markiiba lagu soo waco ka dib marka aad is diiwaangeliso. Haddii aad horbaba ogtahay marka aad isqoreysid in 3 bilood gudahood aad billaabi doontid shaqo ama waxbarasho, uma baahnid inaad ballan u qabsato wadahadal wax isla qorshayn ah. Taas beddelkeeda, waxaa lagu weydiin doonaa inaad rabto in marka aad bilowdo shaqadaada cusub si ootomaatig ah lagaaga saaro xafiiska shaqada iyo in kale, Marka aad ka jawaabto su’aashaas, ayaad diraysaa isqorista.

Marka aad ku buuxiso macluumaadka oo dhan, aadna dirto is-diiwaangelintaada, waxaad heli doontaa xaqiijin ku aaddan inaad is-qortay iyo inaad shaqa doon ahaan u diiwaangashantahay.

Haddii aadan haysan kombuyuutar ama taleefanka gacanta, waxaad booqan kartaa xafiiska adeegga oo aad ka amaahan kartaa kombuyuutar.

Haddii aanad lahayn aqoonsi elektaroonig ah waxaad isdiiwaangelintaada ku diyaarin kartaa bogga internetka. Markaa waxaad ku gelaysaa magaca aqoonsiga iyo ereyga sirta ah. Waxaad samaynaysaa koonto oo waxaad warbixintaada ku buuxbuuxinaysaa meesha ay ku qoran tahay Skriv in dig, isdiiwaangeli. Markaa ka dib, waxaad u baahan tahay in aad booqato xafiiska dawladda ee adeegga bulshada si laguugu qoro shaqo raadiye. Maalinta koowaad ee diiwaangelinta waxaa laga bilaabayaa maalinta aad shakhsi ahaan u booqato xafiiska adeegga. Dabadeed waxaannu ku wargelinaynaa qasnadda shaqo la’aanta in aad bilaa shaqo tahay oo aad dalban karto gunno. Soo qaado aqoonsi marka aad booqanayso xafiiska dawladda ee adeegga bulshada.

Inta aadan booqan xafiiska adeegga, waxaa fiican in aad iska sii fiiriso wakhtiyada furnaanshaha, maadaama oo dhakhso loo bedbeddeli karo.

Halkan baad ka heli xafiiska adeegga

Booqashada waa in aad samayso 14 maalmood gudahood oo laga bilaabayo markii aad warbixintaada ka dirtay halkan bogga internetka ah. Haddii aanad sidaa yeelin warbixintaada waa la tirtirayaa si otomaatig ah.

Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka codso gunno

Marka aad shaqo la'aan tahay oo aad annaga naga ag diiwaan gashantahay, waxaad inta aad shaqo raadinayso gunno ka dalban kartaa a-kaaso. Inta lacag ah ee aad heli karto waxay ku xiran tahay waxyaabo ay ka mid yihiin, inta aad horay u soo shaqeysay, iyo haddii aad xubin ka tahay a-kaaso.

La xiriir qasnadaada shaqo la'aanta oo codso magdhabkan. Sida ugu sahlan waxaa weeyaan adigoo guda-gala barta internetka ee Khasnadaha caymiska shaqolaaweyaasha.

Haddii aadan xubin Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka ahayn, waxaad markii shaqolaawe noqoto codsan kartaa, inaad xubin ka noqotoiyo in gunnada aasaasiga ahlagu siiyo. Haddii aadan doonayn inaad Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha xubin ka noqoto, waxaad gunnada aasaasiga ah ka dalban kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [Alfa-kassan].

Gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha

Isa sii diyaari hor wada-hadalka qorsheynta

Marka aad isqoreysid waxaad ballan wax isla qorsheyn ah ka qabsanaysaa shaqaalaha Xafiiska shaqada. Haddii aad 3 bilood gudahood aad billaabi doontid shaqo ama waxbarasho, uma baahnid inaad ballan u qabsato wadahadal wax isla qorshayn ah.

Isu diyaari wadahadalka qorsheynta

Su'aalo iyo jawaabo

Sidee ayaan u beddelanayaa ama u baajinayaa kulanka Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen)?

Haddii ay wax ku baajiyaan, sida in aad leedahay waraysi-shaqo ama shaqaba, waa in aad beddelato wakhtigaaga koowaad ee wada hadalka qorshaynta. Gal barta Bogaggayga (Mina sidor) si aad u doorato wakhti cusub.

Barta bogaggayga

Haddii aad jirrato ama aad hayso ilmo jirran (vab), iskaa uma beddelan kartid kulankaaga ee waa in aad na soo wacdo si aad noogu sheegto waxa ku baajiyey iyo si aad wakhti cusub u hesho. Sidoo kale waa in aad na soo wacdo, haddii aad rabto in aad kulankaba baajiso.

Sidee ayaan inaan ahay bilaa shaqo u wargelin karaa qasnadda shaqo la’aanta?

Markaad iska qortid dhanka boggayaga intarnatka adigoo isticmaalaa aqoonsiga elaktarooniga ah waxaad isla markaasba sheegaysaa inaad ka fikirayso codsashada qasnadda shaqo la’aanta. Ka dib booqo bogga intarnatka ee qasnadaada shaqo la’aanta si aad u buuxiso macluumaadka ay iyagu u baahanyihiin.

Haddii aad horbaba diiwaangashantahay, lana war-geliyay a-kaasada, laakiin la hakiyay iyadoo taas ay ugu wacantahay inaad shaqeysay ama muddo xanuunsaneyd waxaad u baahantahay inaad taleefan ama chatt nagula soo xiriirto maalinta shaqa la’aantaada ee ugu horresya. Markaas waxaan a-kaasadaada ku wargelineynaa inaad shaqadoonnimadii ku soo laabatay.

Nala soo xiriir

Waa maxay dakhliga ku salaysan gunnada xanuunka iyo fasaxa waalidnimo, SGI?

SGI micnaheedu waa dakhliga ku salaysan gunnada xanuunka iyo fasaxa waalidnimo. Qasnadda Caymiska ayaa xisaabinaysa SGI adigu aad yeelanayso. SGI-gaaga ayaa aasaas u ah intay leegtahay lacagta aad heli karto haddii tusaale ahaan aad xanuusato ama aad gelayso fasax waalidnimo.

La xiriir Qasnadda Caymiska haddii aad hayso su’aalo ku saabsan SIG-gaaga iyo sida aad u ilaashan karto dhanka xaaladaha kala duwan.

Qasnadda shaqo la’aanta (forsakringskassan.se)

Maxaa ansaxa ah markaan helo lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista?

Haddii aad heshay lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista waxaan kugula talinaynaa inaad is qortid maalinta ugu horeysa ee aad shaqo la’aan tahay oo iska wargeliso qasnadaada shaqo la’aanta. Qasnadda la’aanta ayaa markaas xisaabin doonta maalinta aad ugu horeyn heli karto gunnada lacagta. Qasnadda shaqo la’aanta waxay lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista u arkaan sidii mushahaaro.

La xiriir Qasnadda Caymiska si aad u hesho macluumaad ku saabsan dakhligaaga ku salaysan jirro xanuun ama fasax waalidnimo maadaama ay arintan ay saamayn ku yeelan karto markaad is qortay.

Haddii aad shaqo raadiye ahaan is qorto xilliga wakhtiga aad haysato lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista waxaad u baahanaysaa inaad xitaa si fir-fircoon u ahaato shaqo raadiye. Tani micnaheedu waa in lagaaga baahanyahay inaad raadiso shaqo oo samayso wargelinta hawlahaad qabatay bil kastaba.

Maxay tahay inaan ka fikiro haddii lagu baaqay shaqo ka fariisin ama la iga eryo shaqo?

Dhamaan dadka loogu baaqay shaqo ka fariisin ma u baahdaan in laga eryo shaqada laakiin waxaa fiican inaad isu sii diyaariso haddii ay tani dhacdo.

Sii fiiri waxa khuseeya tusaale ahaan wakhtiga ogeysiiska ee aad adigu leedahay. Bilow inaad samaysato warqada shaqo raadintaa ee cv-ga iyo warqad shakhsiyan ah si aad diyaar u sii ahaato haddii aad noqoto bilaa shaqo.

Haddii aad noqoto bilaa shaqo waa inaad is qortid dhankayaga isla maalinta ugu horeysa ee aad bilaa shaqo tahay. Tani waxaad sida ugu fuddud uga samayn kartaa boggayaga intarnatka ee halkan.

Sidee baa ku ogaan karaa haddii lay diiwaan geliyay iyo in kale?

Waxaad gali kartaa Mina sidor si aad u hubsato inaad diiwaangashantahay. Haddii aad ka diiwaangashantahay Xafiiska Shaqada, waxaa magacaaga hoostiisa ku qoran "Inskriven" iyo taariikhdii aad is diiwan gelisay. Waxaad sidoo kale shahaaddadaada isdiiwaangelinta ka hoos arki kartaa Mina dokument. Haddii magacaaga hoostiisa ay ku qorantahay "Du är inte inskriven", ma diiwaangashanid.

Sidee baa caddaynta diiwaan gelinta ku heli karaa?

Keligaa waad ka daabacan kartaa shahaaddada ku qornaanta Xafiiska shaqada. Ku gal Mina sidor aqoonsigaaga elekteroonigga ah oo u gudub "Mina dokument". Halkaas ayaad ka heleysaa shahaaddadaada isdiiwaangelinta oo PDF ah oo aad daabacan karto ama muujin karto.

Markii aan is-diiwaan geliyay ma aanan qorin Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [a-kassa] aan ka tirsan nahay. Maxaan imminka sameeyaa?

Haddii kaddib markii aad is-diiwangelisay aan wargelinta in gunno aad Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka codsan doonto laga helin, waxaad nalaga soo xiriiri kartaa khadka taleefanka, anagu-na waxaan wargelin doonaa maamulka Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ee aad katirsan tahay. Wargelinta Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ee aad ka tirsan tahay waxay hirgalaysaa, laga bilaabo taariikhda aad khadka taleefanka nalaga soo xiriirtay ama aad na booqatay, oona aqoonsigaaga caddeeysay.

Haddii aan isdiiwaangelinayo oo aanan haysan kaarka aqoonsiga, xafiiska adeegguna xiranyahay, sidee ayaan yeelayaa?

Xafiiska adeegga ee dawladdu wuxuu ku dadaalayaa in mar walba uu furnaado xafiisk adeeg oo aag dhow ku yaalla, markaa iska sii fiiri xilliyada furnaanshahaha ee xafiiyada adeegga ee kuu dhow.

Haddii uu safar dheer kugu qaadanayo xafiiska adeegga ee kuugu dhow ee furani, waxaad naga soo wici kartaa 0771-416 416 adiga oo la hadlaya gacanhaye xafiiska shaqada ka tirsan, si loo sii bilaabo diiwaangelinta. U fiirso in aannay diiwaangelintu noqonayn tamaam ilaa aad timaaddo xafiis adeeg oo aad aqoonsigaaga caddayso.