Kabidda kharashyada socdaallada

Haddii aad waraysi-shaqo u aadayso degmo aan ahayn ta aad deggentahay, waxaad mararka qaarkood heli kartaa, gunno qusaysa qarashaadkii safarka iyo deegaanka. Haddii aad ka qaybgalayso barnaamij ka dhacaya degmo kale ama laguu oggolaaday baaritaan, waxaad sidoo kale helaysaa gunno. Waa in aad la soo xiririto Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) safarka ka hor, si aad u codsato gunnada safarka.

Kaalmada safarka waraysiga shaqada

Marka aad waraysi-shaqo u aadayso degmo ka baxsan masaafada caadi ahaan lagu gaari karo safarka maalinlaha ah, waxaad heli kartaa ugu badnaan 2500 kr oo ah qarashaadka safarka iyo deegaanka, haddii aad buuxiso shuuradaha soo socda oo dhan. Waa in aad

  • Waa in aad dalbatay kaalmaada safarka, safarka hortii
  • Waa in aad gaartay 20 jir, oo aad tahay ama aad halis ugu jirto bilaa shaqo
  • Waa in aad noogu diiwaangashantahay shaqaraadis

Masaafada ka baxsan inta caadi ahaan lagu gaaro safarrada maalinlaha ah, waxaa loola jeedaa ugu yaraan 3 saacadood oo sii socod iyo soo socod ah.

Weliba

  • Waa in aannu u aragno in booqashadu tahay lagama maarmaan si aad shaqada u hesho iyo in aanad shaqo ka heli karin meesha aad deggentahay ama agagaarkeeda.
  • Waa in ay shaqadu tahay mid lagu xayeysiiyey ama lagu xayeysiin doono barta kaydka shaqooyinka (Plastbanken) ama wax u dhigma oo ka jira waddanka EU ama EES ee aad shaqada ka dalbanayso. Sidoo kale shaqadu waxay noqon kartaa ama ay ahayd mid lagu xayeysiiyey bogga internetka ee Eures.

Maskaxda ku hay in aad kaydsato warbixinta qusaysa shaqada aad dalbatay, tusaale ahaan xayeysiiskii Barta kaydka shaqooyinka, lambarka summada u ah xayeysiiska ama sawir aad ka qaadday xayeysiiska. Warbixinahaas waxaad u baahan kartaa in aad soo xarayso marka aad codsanayso kaalmada safarka.

Sidan ayey wax noqonayaan si aad go’aan u hesho, una qabsato ballan

  1. Wakhti fiican oo ah inta aanad safrin, waa in aad kala soo xiriirto Xafiiska Shaqada lambarkan 0771-416 416 si aad u dalbato kaalmada safarka. Waa in aad nala soo xiriirto ugu dambayn saddex maalmood ka hor safarka Iswiidhan dhexdeeda ah, haddiise safarku yahay waddamada EU/EES, waa ugu dambayn shan maalmood.
  2. Waxaannu baaraynaa in shuruudaha oo dhan ay buuxaan, dabadeedna waxaannu go’aan ka gaaraynaa in aad xaq u leedahay gunno.
  3. Go’aan oggolaansho ah ka dib, waxaannu kuu sheegi inta ay leegtahay gunnada aad helayso, iyo sida safarka iyo meesha la degayo loo ballansan karo. Xafiiska Shaqada ayaa ballamin kara safarrada diyaaradeed ee EU ama EES gudahooda iyo safarka tareenka ee Iswiidhan, Noorway iyo Dheenmaarig. Sidoo kale iskaa baad u ballansan kartaa safarka, dabadeedna gadaal ayaa laguugu magdhabi qarashka.

Gunnada u safridda barnaamijka ama baaritaanka

Waxaad heli kartaa gunnada

  • Haddii aad ku qorantahay barnaamijyadayada midkood oo aad u baahantahay in aad u safarto degmo kale
  • Haddii aad helayso dib-ula-qabsi ku jihaysan suuqa shaqada (arbetslivsinriktad rehabilitering)
  • Haddii aad marayso baaritaan, inta aanad bilaabin barnaamij
  • Safarrada maalinlaha ah, waxa aad gunno ku heli kartaa, qarashaadka safarka ee ka sarreeya qarashka caadiga ah ee safarrada meesha aad deggentahay. Mar walba waa in aad adigu bixiso ugu yaraan 600 karoon bil kasta.
  • Haddii aad u safrayso meel fog, waxaad heli kartaa gunno qusaysa hal safar oo barnaamijka lagu tago iyo hal safar oo lagu soo noqdo marka uu barnaamijku dhammaado.Haddii barnaamijku ka dheeryahay 14 maalmood, waxaad sidoo kale heli kartaa bil kasta hal safar oo sii socod iyo soo socod ah

Sidoo kale marka aad na soo booqanayso ee go’aanka laga gaadhayo barnaamijka deegaamaynta (etableringsprogrammet) waxaad heli kartaa gunnada safarka ee aad ku tagayso Xafiiska Shaqada sii socod iyo soo socod.

Gunnada hoyga

Haddii Barnaamijku ka gaabanyahay 30 maalmood, waxaad heli kartaa gunno qusaysa qarashaadka meesha aad ka deggentahay degmada kale. Meesha aad degayso kiraysigeeda annaga ayaad noo soo mari kartaa, markaana uma baahnid in aad lacag sii bixiso.

Haddii barnaamijku yahay 30 maalmood ama ka badan, waxaad heli kartaa 110 karoon oo gunnada hoyga ah maalin kasta, balse ugu badnaan 2400 kr bishii. Markaa adiga ayaa habaysanaya meesha aad deggenaanayso.

Sidan ayey wax noqonayaan si aad u hesho go’aan, una qabsato ballan

Waa in aad qoraal ahaan u dalbato gunnada safarka inta aan safarka la gaarin. Naga soo wac 0771-416416 si aad warbixin uga hesho sida wax u dhacayaan.

Sidan ayaad u codsanaysaa magdhowga wixii kaa baxay

Magdhowga waxaad codsanaysaa marka dambe. Sidan yeel:

  1. Ku gal barta Bogaggayga (Mina sidor) aqoonsi elegtaroonig ah (tusaale ahaan aqoonsiga baanka ee moobilka)
  2. Haddii aannu go’aaminnay in aad xaq u leedahay gunno, waxaa kuu muuqanaysa doorasha ah “gunnada safarka” (Ersättning för resa). Haddii aanad helin wax go’aan ah oo ku saabsan in aad xaq u leedahay gunno, lama muujinayo doorashadan.
  3. Guji “gunnada safarka” (Ersättning för resa) oo ku buuxbuuxi xogta warbixintaada, adiga oo raacaya tilmaamaha adeeggan dhijitaalka ah.
  4. Marka aad dhammayso, waxaad ku saxeexaysaa aqoonsigaaga elegtaroonigga ah.

Haddii aadan haysan kumbuyuutar ama aqoonsi elekteroonig ah

Haddii sabab jirta awgeed aysan kuu suurta gal ahayn inaad dijital ahaan u codsatid lacagta, naga soo wac 0771-416 416.

Su'aalo iyo jawaabo caadi ah

Sideen u codsadaa lacagta masaafada safarka?

Haddii laguu oggolaaday inaad ku safarto baabuurkaaga gadaal-gadaal ayaad ka dalbanaysaa lacagta masaafada safarka. Uma baahnid inaad ku lifaaqdo wax rasiidyo ah.

Haddii laguu oggolaaday socdaal marka aad barnaamij ka qaybqaadanayso, waxaad lacagtooda heli kartaa oo keliya maalmaha aad u baahatay inaad aaddo qabanqaabiyaha, sii socod iyo soo socodba. Waxaad lacagta masaafada sararka dalbaneysaa bisha ka dambeysa marka aad safarka/safarrada samaysay, waxaadna ku buuxineysaa tirada maalmaha aad safartay. Hal safar-maalmeed wuxuu u dhigmaa sii socod iyo soo socod adigoo gurigaaga ka tegay.

Muxuu yahay waqtiga aan sheegayo marka aan dalbanayo kharash aan ku bixiyay safar aan raacay gaadiid dadweyne?

Waxaad ka soo billaabeysaa bishii aad safartay ama billawday safarka/safarrada. Muddadu waa in ay la mid noqotaa bisha ku qoran codsiga Bogaggeyga.

Haddii aad haysato kaar bil ka dhex billaabaya oo dhaca bisha kale dhexdeeda waxaad qoreysaa waqtiga ugu horreeya ee uu kaarku shaqeynayo ilaa iyo waqtiga ugu dambeeya ee uu dhacayo.

Goormaan u baahanahay inaan kaydiyo rasiidyada?

Haddii aad bixisay kharashka safarka ama hoyga, waxaad u baahantahay inaad kaydsato rasiidyada caddaynaya kharashka aad bixisay. Waa inaad ku lifaaqdaa rasiidyada marka aad codsaneyso lacagta. Rasiidyada waa inay ku qoranyihiin taariikhda iibka, muddada ansaxnimada iyo inta aad bixisay.

Goormee baad lacagta soo shubeysaan?

Si aan lacagta kuugu soo shubno waa in aad marka hore codsiga lacagta soo buuxisaa, markaas ka dib ayaad heli kartaa lacagahaaga. Caadi ahaan waxaad lacagta heleysaa dhawr maalin oo caadi ah gudohooda. Haddii uu codsigaagu dhammeystir u baahanyahay waxaa dhici karta in ay waqti dheer qaadato inta aadan lacagaha helin.

Sidee baan lacagaheyga ku helayaa?

Waa Swedbank cidda maareyneysa lacagbixinta. Haddii aad leedahay akoon bangi oo ku xiran nambarradaada aqoonsiga halkaas ayaa lacagta lagu shubayaa iyadoon la eegeyn bankiga aad iska leedahay. Swedbank wuxuu kuu soo dirayaa farriin ay la socoto warbixin ku aaddan lacagbixinta.

Haddii aadan lahayn wax akoon ah waxaad heleysaa jeeg kuugu imaanaya boostada.

Haddii aad jeeg heshay, aadna dooneysid in lacagta xigta akoon bangi laguugu soo shubo waa in aad la xiriirtaa Swedbank. Waxaad akoonkaaga ku soo gudbin kartaa barta intarneetka ee Swedbank

Taariikhda lacag bixinta ee ka muuqata adeegga dhijitalka "Lacagta safarka" ee Bogaggeygu waa taariikhda aan lacagta bixineyno. Markaas ka dib, waxay qaadan kartaa dhawr maalmood inta ay lacagtu kuugu soo dhaceyso akoonkaaga ama aad heleyso jeegga lacag bixinta.

Xitaa qofka i raacaya (i kaxaynaya) ma heli karayaa lacag?

Haa, haddii aad u baahantahay in safarradaada laguu raaco wuu heli karyaa qofka ku raacaya kharashaadka uga baxa safarrada, habeen soo dhixidda, hoyga ku meel gaarka ah iyo mushaarki raacitaankaas uga baaqday.

Waa maxay sababta la iigu soo wargeliyay in ay waajib igu tahay in aan lacag soo celiyo?

Haddii aad na siiso macluumaad khaldan, aadan rasiid dijital ah ku caddayn karin safarka ama aad si kale u sababtay in lacag khalad lagu bixiyo ama lagu siiyo in kan badan inta aad xaqa u leedahay, waxaa kugu waajibi karta inaad lacagta soo celiso.

Waxaan maqlay in layska taageero safar maalmeedka iyo in la isa siiyo kaalmo guuritaan. Taageeradaas weli ma la heli karaa?

Maya, iminka taageero laguma heli karo in magaalooyin loo kala goosho iyo in la guuro.

Hadda waa layga saaray Xafiiska Shaqada, sidee baan markaas sameynayaa si aan Bogaggeyga ugu codsado lacagta, gadaal-gadaal?

Suurtagal kuuma aha inaad lacag ku soo codsato Bogaggayga maadaama aadan hadda ku qorneyn Xafiiska Shaqada. Naga soo wac 0771-416 416 si aan kuu caawinno.

Lacagta ma la kordhinayaa haddii uu qofku ku safro gaarigiisaa?

Lacagta uu Xafiiska Shaqadu bixinayo haddii uu qofku ku safro baabuurkiisaa weli waa 185 öre kiiloomitirkiiba. Lacagta uu Xafiiska Shaqadu bixiyo maaha in lagu khaldo kordhinta Hay'adda cashuuraha ee cashuur dhimista safarrada shaqada, sii socod iyo soo socodba.

Intee baan la xiriiraa haddii aan qabo su’aalo dheeraad ah?

Haddii aad qabtid su’aalo aan halkan lagaga jawaabin ku soo dhawaw in aad nala soo xiriirtid. oo sheeg in arrintaadu ay khuseyso lacag safar.