Foomam iyo caddeymo

Foomam caadi ah iyo caddeymo laguugu talo galay adigaaga shaqo la’aanta ah.

Waxaad gashaa bogga a-kaasadaada si aad u codsato gunno ama u ogeysiiso wixii isbeddello ah oo gunnada saamayn kara. Haddii aadan isticmaali karin adeegga dhijitaalka ah, waxaad la xiriiri kartaa a-kaasada, waxaadna heli kartaa foom.

A-kaasa gunno ka codso (sverigesakassor.se) (ku qoran af-Iswiidhish)

Ma shaqaynjirtay ka hor intaadan shaqa la’aan noqon? Markaas waa in shaqa bixiyahaagii hore uu kuu buuxiyaa shahaadada shaqo-bixiyaha, si a-kaasadu ay u xisaabiso gunnadaada.

Shahaadada shaqabixiyaha (arbetsgivarintyg.nu) (ku qoran af-Iswiidhish)

Adigaaga shaqa la'aanta ah waxaad codsan kartaa in lacagtaada shaqo la'aanta ee Iswidhishka aad qaadato si aad shaqo uga raadsato wadan kale oo ka tirsan EU, EES ama Switzerland. Waxaad markaas Shahaadada U2 uga baahantahay IAF.

Shahaadada shaqa ka codsashada EU (iaf.se) (ku qoran af-Iswiidhish)

Bil kastaba waa inaad dhiibtaa wargelinta hawlahaaga taas oo aad ku samaynayso wargelinta bishi hore hawlaheedi. Adigu waa inaad dhiibtaa wargelinta hawlahaaga ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil kastaba. Sida ugu fudud inaad samayso wargelinta hawlahaaga waa dhanka bogayaga. Si tani loo samayn karo waa inaad ku gashaa aqoonsiga elaktarooniga ah (tusaale ahaan aqoonsiga bangiga ee moobilka).

Haddii aadan lahayn aqoonsi elekteroonig ah waad soo degsan kartaa, waadna soo daabacan kartaa Warbixinta hawlaha.

Buuxi foomkan oo noogu soo dir boosta, cinwaanku wuxuu ku qoranyahay foomkan. Ka fikir inaad foomkan wakhti hore soo dirto si uu noo soo gaadho ugu dambeyn 14-ka bisha. Adigu waxaad xitaa u dhigi kartaa xafiiska kuugu dhow. Adiga maaha inaad foomkan ku soo dirto ii-mayl.

Warbixinta hawlaha (iswiidhish) Pdf, 435 kB.

Activity report in english  Pdf, 440 kB.

Haddii aad ka qeyb qaadaneysid mid ka mid ah taageerooyinkeenna ama barnaamijyadeenna waxaad qaadan kartaa taageero dhaqaale oo xagga dhaqdhaqaaqa ah, lacag xagga horuumarka ah ama lacag sal dhigasho. Qasnadda ceymiska ayaad bil walba lacagta ka dalbaneysaa:

FOOMAMKU WAXAY AG YAALLAAN Qasnadda ceymiska (iswiidhish) (forsakringskassan.se)

Haddii aad shaqeysay oo aad buuxiso shuruudo shaqo, way saameyn kartaa taasi inta maalin ee ay kaa xirnaaneyso. Waa a-kaasadaada cidda xisaabineysa inaad buuxisay shuruudo shaqo iyo in kale. Isticmaal foomkan, una dir a-kaasadaada:

Ka dalbashada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [a-kassa] caddaynta shuruudaha shaqada (iswiidhish) Pdf, 298 kB.

Ma waxaad heshay warqad sheegaysa in laga yaabo inaad hesho digniin ama lagaa joojiyo taageerada dhaqdhaqaaqa (aktivitetsstöd), kaalmada horumarinta (utvecklingsersättning) ama gunnada sal dhigashada (etableringsersättning)? Ka hor inta aanan qaarin go'aan kama dambays ah, waxaad fursad haysataa inaad xog soo gudbiso:

Soo gudbi macluumaad dhameystir ah, go'aanka digniinta ama joojinta ka hor  (iswiidhish)

Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aan aan gaarnay waxaad codsan kartaa in go’aanka dib loo eego:

Dalbo in dib loo eego go'aan (iswiidhish)

Miyaad soo ahayd shaqaale dawladeed oo ka diiwaan gashantahay Trygghetsstiftelsen markaas xaaladaha qaarkood waxaad codsan kartaa gunno hawl-gab gaar ah. Waa inaad si wadajir ah aad la taliyahaaga Trygghetsstiftelsen aad kula heshiisay in aad codsato gunno hawl-gab. Codsigan waa inaad soo raacisa dukumentiyada iyo Xafiiska Shaqada qiimeynteeda dhanka xaaladaada suuqa shaqada. Foomka arrintan waxaad ka helaysaa halkan.

Warqada codsiga gunnada hawl-gabka ee gaark ah (iswiidhish) Pdf, 407 kB.

Foomkan waxaa loogu talagalay adigaaga doonaya in qof kale uu noqdo wakiilkaaga marka aad la xiriireyso Xafiiska Shaqada.

Wakiil wakiilasho (Af Iswiidhish)

Marka aad hesho shaqabixiye doonaya in uu kugu shaqaalaysiiyo shaqada deegaamaynta oo aad ku heshiisaan, waxaad dalbanaysaa shaqada deegaamaynta. Buuxbuuxi foomka oo noo soo dir.

Codso shaqada deegaamaynta Pdf, 985 kB.

Si codsigu u dhammaystirmo waa in uu shaqabixiyuhu soo gudbiyaa warbixin ku saabsan hawlqabadkiisa iyo shaqaalaysiintaada oo ku qoran caddayn-shaqabixiye.

Caddayn-shaqabixiye oo qusaysa shaqada deegaamaynta Pdf, 412 kB.