Haddii aad xanuunsato muddo ka badan maalin

Haddii aad xanuunsantahay in toddoba maalin ka badan oo aadna ka qeyb qaadan karin hawlahaaga wax qabadka waa in aad noo keentaa caddeyn dhakhtar. Waxaad u baahantahay in aad keentid caddayn dhakhtar iyadoon taas loo eegeyn in aad si buuxda u xanuunsaneyd iyo in aad maalinta qeyb ka mid ah xanuunsaneyd.

Caddeynta dhakhtarka

Si kaalmadaada lacageed laguu sii siiyo waxaad u baahantahay in aad noo keentid caddeyn dhakhtar. Caddeynta dhakhtarku waa in ay muujiso in aadan ka qeyb qaadan karin barnaamijkaaga iyo ilaa inta aadan baaxad ahaan ka qeyb qaadan karin. Maskaxda ku hay in aad u sheegtid dhakhtarkaaga

  • in aad barnaamij ka qeyb qaadaneysid
  • waxyaabaha kala duduwan ee aad barnaamijka ku qabatid, tusaale ahaan hawlo shaqo raadin, waxbarasho xagga suuqa shaqada ah, tababar shaqo, SFI
  • inta saacadood ee aad ka qeyb qaadatid barnaamijka - haddii aadan ogeyn waxaa iska qiyaasi kartaa saacaduhu inta ay yihiin
  • waxa aad adiga naftirkaagu u maleyneysid in aadan xanuunka ama dhaawaca dartiis barnaamijka ku sameyn karin

Ka codso magdhabid laga helo Qasnada Caymiska

Waxaad kaalmada lacageed ka codsaneysaa Qasnadda ceymiska. Codsigaaga waxaad ku qoreysaa maalmihi aad xanuunsaneyd oo aadan ka qeyb qaadan barnaamijka. Macluumaad dheeraad oo ku aaddan sida aad kaalmo lacageed uga codsaneysid barta intarneetka ee Qasnadda Ceymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Caddeynta dhakhtarka noo soo dir

Caddeynta dhakhtarka waxaad noogu soo direysaa

Arbetsförmedlingen
Läkarintyg
FE 8170
107 67 Stockholm

Macluumaadka khaanadda ku jira tusi dhakhtarka haddii aad u baahantihid caddeyn dhakhtar

Ku socota

Bukaanku wuxuu Xafiiska shaqada uga qeyb qaataa barnaamij. Bukaanka waxaa lagu boorriyay in uu booqashada dhakhtarka ka hor isu diyaariyo hawlo ku aaddan

  • hawlo barnaamijka ku jira
  • baaxadda barnaamijka
  • waxa uu bukaanku u maleyneysid in uu xanuunkiisa ama dhaawaciisa dartiis barnaamijka ku sameyn karin

Marka bukaanku uu ka qeyb qaadanayo barnaamij waa in aad isticmaashaa caddeynta dhakhtarka AF00251.

Caddeynta waxaad ka heleysaa bogga arbetsformedlingen.se/varden.

Till läkaren

Patienten deltar i ett program hos Arbetsförmedlingen. Patienten är uppmanad att förbereda sig inför läkarbesöket med uppgifter om

  • aktiviteter i programmet
  • omfattning av programmet
  • vad patienten tror att hen inte kan göra i programmet på grund av sin sjukdom eller skada.

När patienten deltar i ett program ska du använda läkarintyg AF00251.

Du hittar intyget på arbetsformedlingen.se/varden

Haddii aad si buuxda u xanuunsantihid in ka badan 30 maalmood, oo aanan sinaba barnaamijkaaga kuu waafajin karin si aad uga qeyb qaadatid, waan kaa saareynaa barnaamijka. Lacagta joornaatada bukaanka waxaad ka codsan kartaa Qasnadda ceymiska maalinta ugu horreysa ee lagaa saaro meesha. Si aad joornaato bukaan u codsatid waxaad u baahantahay in aad dhakhtarkaaga ka dalbatid caddeynta dhakhtarka ee Qasnadda ceymiska, una geysid caddayntaas dhakhtarka Qasnadda ceymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii aad barnaamijkaaga ka barbar shaqeysid oo aad dooneysid mushaar bukaan ama joornaato bukaan waxaad u baahantahay in aad dhakhtarka ka dalbatid laba caddeymood. Mid aad u geyneysid shaqa bixiyahaaga iyo mid kale oo aad annaga noo keeneysid. Waxaa taas sabab u ah in lagaaga baahanyahay caddeyn dhakhtar oo gaar ah marka aad barnaamij ku qorantihid. Shaqa bixiyahaaga kala hadal wixii macluumaad ah oo dheeraad ah oo ku aaddan waxa ay u baahanyihiin.