Samee wargelinta maqnaanshaha markaad xanuusanayso

Marka aad ka qayb qaadato barnaamij waxaa muhiim ah in haddii aad xanuunsatid aad horbaba maalinta ugu horreyso soo sheegtid. Toddoba maalin ka bacdi waa in aad keentaa caddeyn dhakhtar.

Cudur soo wargelinta marka aad barnaamij ka qeyb qaadaneysid

Adiga ayaa samaynaya wargelinta xanuunka haddii aad ka qayb qaadato barnaamij, aadna qaadatid taageero xagga dhaqdhaqaaqa ah, lacag saldhigasho ama lacag horuumar oo aanad ka qayb qaadan karin hawlahaaga qorshaysan iyadoo ay sabab u tahay inaad xanuusanayso.

Goorma ayaad samaynaysaa wargelinta xanuunka?

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad soo sheegto isla maalinta ugu horreysa oo aad xanuunsato. Haddii kale waad waayaysaa magdhawga wakhtiga xanuunka oo dhan.

Haddii ay jirto xaalad gaar ah, taasoo aan ku suurtagelin inaad maalinta ugu horeeyso na wargeliso ka maqnaanshada u sabab ah xannuunka, sida tusaale haddii aad u xannuunsanayd taasoo marna aan ku suurtagelin inaad xannuunka na wargeliso, waxaa muhim ah inaad sida ugu dhaqsida badan aad na wargeliso inaad xannuunsan tahay. Markaas kaddib wuxuu maamulka Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan] qiimayn doonaa haddii aad xaq u leedahay gunnada iyo in kale.

Haddii aad ka qaybqaadato barashada iswiidhishka ajnabiga (SFI), waxbarasho, tababar shaqo, shaqo ama hawlo kale, waa lagaaga baahan yahay inaad soo sheegto ku maqnaanshaha xanuun.

Caddeyn dhakhtar toddoba maalin ka bacdi

Haddii aad xanuunsantahay in 7 maalin ka badan oo aadna ka qeyb qaadan karin hawlahaaga wax qabadka waa in aad noo keentaa caddeyn dhakhtar. Taasi waxaa ay ku khuseysaa haddii aad si buuxda u xanuunsantihid ama aad qeyb ahaan waqtiga xanuunsantihid.

Haddii aad xanuunsato muddo ka badan 7 maalin

Haddii aad xanuunsato muddo ka badan 30 maalin

Haddii aad xanuusanayso wakhti dheer waxaanu isku daynaa inaanu nuxurka barnaamijkan kugu haboonaysiino si aad u awoodo inaad uga qayb-qaadato. Barnaamijka waa lagaa saarayaa haddii aad xanuun ku maqan tahay muddo ka badan 30 maalmood. Haddii aad sanad gudihiis ku caafimaaddid mararka qaarkood waa laguugu qori karaa barnaamijka mar kale. Macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan sida aad joornaatada bukaanka ku codsan kartid waxaad ka heleysaa barta intarneetka ee Qasnadda ceymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Sidee ayaan u soo sheegaa haddii aan xanuunsado?

Waxaad wargelinta xanuunka ku soo gudbinaysaa bartayada internet.

Marka aad magdhaw ka codsanayso Qasnada Caymiska waa inaad ku buuxisaa inaad maqnayd iyadoo ay sabab u tahay xanuun.

Haddii aanad haysan kombiyuutar ama aqoonsiga elaktarooniga

Haddii sabab jirta darteed aanad fursad u haysan inaad wargelinta xanuunka ku soo gudbiso qaab dijitaal ah waa caadi inaad naga soo wacdo 0771-416 416.

Maxaan helayaa oo lacag ah haddii aan xanuunsado?

Maalinta ugu horreysa ee aad xanuunsatid wax lacag ah ma heleysid. Waxaa loogu yeeraa maalinta lacag la’aanta ah. Haddii aad soo gudbiso wargelintaada xanuunka maalinta ugu horeysa ee aad xanuusanayso, waxaad haysanaysaa magdhawga ah qaabka taageerada hawlaha, magdhawga horumarka ama magdhaw maalmeedka ee maalmaha kale ee xanuunka. Wax dheeraad ah ka akhriso barta intarneetka ee Qasnada Caymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii aad shaqayso isla wakhtiga barnaamijkaaga

Haddii aad shaqayso isla wakhtiga barnaamijkaaga waxaa ku khuseynaya qawaaniin kale haddii aanad shaqayn karin xanuun dartiis. Wax dheeraad ah ka akhriso barta intarneetka ee Qasnada Caymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii ilmahaagu xanuusado

Markaad ka qayb qaadato barnaamij waa muhiim inaad na soo wargeliso haddii aad u baahantihid in aad guriga joogtid si aad u daryeeshid carruur xanuusanaysa (VAB). Waxaad u baahantahay inaad soo sheegto isla maalinta ugu horreysa oo aad guriga joogeysid.

Samee wargelinta maqnaanshaha ee daryeelka caruur xanuusanaysa - VAB