Ku gal naaneystaada iyo lambarka sirta ah

Haddii aadan haysan aqoonsi e-lektaroonig ag, waxaad sameysan maclumaad sida naaneys iyo lambar sir ah. Kaasoo ah mid aad u fudud ahna adeeg ka wanaagsan. Waxaad mar kasta isku xiriiri kartaan macluumaadka lagu galo iyo aqoonsiga elektarooniga.

Sida loo galo

Si aad u hesho macluumaadka lagu galo waxaad u baahan tahay inaad buuxiso macluumaadkaaga shakhsiyeed iyo cinwaanka emailkaaga. Adiga oo dooranaya naaneys iyo lambarka sir ah. Kana fiirso qodobbadan:

  • Magaca ama naaneystu waa in uu ugu yaraan ka koobanaadaa 6 xaraf oo ka bilaabma xaraf weyn.
  • Furaha sirta ah waa in ugu yaraan uu ka koobnaadaa 7 xaraf iyo ugu badnaan 14 xaraf. Waana in ay xarfo iyo lambarro ay ku jiraan. Ugu yaraan hal xaraf oo ka mid ahna waa in uu ahaadaa mid weyn, ugu yaraan hal xaraf kale oo ka mid ahna ahaadaa mid yar.

Sida lagu helo koonto

Cilladaha soo noqnoqda marka gelintaanku adkaado

Waxaad hilmaamtay furaha sirta ah

Si aad u hesho fure cusub oo sir kuu ah, waxaad u baahan tahay markaa inaad buuxiso magacaaga ama cinwaanka e-mail-kaaga ee ku xiran shabakadda. Waxa suurto gal, in magaca aad dooneyso inaad la baxdana uu buuxo oo uu qof kale hore u qaatay. Ku eeg oo ku tijaabi magac ama naaneys kale.

Ma hilmaansan tahay furaha sirta ah?

Furaha sirta ah iyo naaneysta midna iima shaqeynayo

  • Bal hubso in CAPS LOCK uu ifayo iyo in kale. Furaha sirta ah waa in ay kala socdaanaan xarfaha waa weyn iyo kuwa yar yar, ee ka fiirso.
  • Haddii aad soo koobi gareyso furaha sirta ah waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood soo raaci kara boos banaan. Waxa ka fiican inaad qorto.
  • Haddii aadan isticmaalin labo iyo toban bilood, dhammaan xogtaada la keydiyay waa la tirtirayaa. Haddii aanad gelin laba iyo toban todobaad, waxa ay ka dhigan tahay inaanad ahayn qof shaqo doon ah. Fadlan si joogto ah u gal.

Furaha sirta oo aad bedeshay welina aanad geli karin

Markaad bedesho furaha sirta ah, waxay qaadaneysaa qiyaastii shan daqiiqo inta furaha cusub uu shaqeynayo. Sug intaad, oo isku day mar kale.

Cilladaha soo noqnoqda marka aad dooneyso inaad hesho macluumaadka lagu galo

Cinwaanka e-mailka ama Boosto lambarka oo si khaldan u qoran

  • Hubi in aad si sax ah u qortay cinwaanka emailka
  • Hubi in aad si sax ah u qortay Boosto lambarka waana in uu ahaadaa kii markii aad is diiwaangeineysay aad ku qortay.

Naaneystayda oo aan shaqeyneyn

  • Ka fiirso in magaca aa xarafkiisa koowaad uu yahay mid weyn.
  • Ka fiirso in naaneysta uu ka kooban yahay inta u dhaxeysa 6 xaraf illaa 48 xaraf.
  • Waxa laga yaabaa in magacaasi la qaatay, Isku day magac kale Ku eeg oo ku tijaabi magac ama naaneys kale.

Furaha sirta oo aan shaqeyneyn

  • Waa in furuhu uu ka koobnaadaa inta u dhaxeysa 7-14 xaraf
  • Waana in ay isugu jiraan xarfo yar yar iyo ku waa weyn iyo lambarrba.

Aqoonsiga elektarooniga

Wuxuu sahlaa waxyaabo badan. Waxa u isticmaali kartaa aqoonsi ahaan internet-ka,wuxuuna kaa caawimayaaa in arrimo badan ay kuu fududaan.

Aqoonsi elektaroonig iyo aqoonsi bangi