Aqoonsiyada digitalka ee loo yaqaanno e-legitimation, bank-id, Freja e-id

Waxaad halkaan ka aqrisan karta aqoon ku saabsan aqoonsiyada digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) iyo (bank-id) iyo sida loo helo. Sida aad aqoonsigaaga ku xaqiijiso oona ku guda-gasho (Mina sidor) ee Xafiiska Shaqada waxaad isticmaali kartaa aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation).

Anigoo isticmaalayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) sidee baa ku guda-geli karaa?

Laba siyaabood ayaa barta internetka arbetsformedlingen.se ku guda-geli kartaa:

  • Habka ugu fudud waxaa weeyaan adigoo isticmaala aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation), waxaa ugu caadiyeysan (mobilt bank-id), (bank-id) kumbuyuutar ku duuban, (Freja e-id plus) ama aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) ee shirkadda Telia.
  • Waxaad kaloo ku guda-geli kartaa adigoo adeegsado magaca isticmaalaha iyo passwoordka.

Haddii goobta shaqada macaamiisha aad ka guda galayso barta internetka arbetsformedlingen.se waa inaad isticmaasha aqoonsiga ku salaysan farsamada elektroonikada ee loo yaqaano [Bank-ID].

Maxay yihiin aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation)?

Aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) kaarka aqoonsiga oo ku salaysan farsamada elektroonikada, kaasoo aad aqoonsigaaga ku muujin karto markii aad baraha internetka adeegsanayso.

Noocayaha aqoonsiyada digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) way kala duwan yihiin. Kan ugu caadiyeysan waa (mobilt bank-id) iyo (bank-id) kumbuyuutar ku duuban. Aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) oo nooc kale ah waa (Freja e-id plus).

Sidee baan ku heli karaa aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation)?

Aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) waxaad ku duubi kartaa (smartphonekaaga) ama kumbuyuutarkaaga. Waxaa waxtar leh haddii aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) u mobaylkaaga kugu duuban yahay, taasoo ku suuraggelin doonto in aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) aad mar kasta sidato.

Sidatan ayaa (bank-id) ku heli kartaa

Sida aad ku hesho aqoonsiga (bank-id) waa inaad marka hore guda gasha bangiga internet ee aad akawntiga ku leedahay. Kaddib waxaad halkaas ka aqrisan kartaa warbixinta aad u baahan tahay. Haddii aadan isticmaali karin bangiga baraha internet ku salaysan waxaad caawinaad awgeed booqan karta bangigaaga. Lacag la`aan ayaa (bank-id) ku heli kartaa.

Liiska bangiyada aad sameeysan karto (bank-id)

Sidatan ayaa (Freja e-id plus) ku heli kartaa

Haddii aad isticmaalayso aqoonsiga (Freja e-id plus), u ma baahnid bangiga baraha internet ku salaysan. Barta internetka ee (Frejas e-id plus) waxaad aqrisan kartaa warbixin xiriir la leh sida (Freja e-id) loo helo.

Sameeyso (Freja e-id plus)

Ma isku xiri karaa akawntigayga, magaca isticmaalahayga iyo passwoordkayga iyo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) ee aniga ii gaar ah?

Haa, waa isku xiri kartaa. Sidan samee:

  • Jag-sii (Logga in).
  • Dooro aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation) ee aad doonayso inaad isticmaasho.
  • Sida aad aqoonsigaaga ku xaqiijiso adigoo adeegsanayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation] tixraac dardaaranka.
  • Ku qor magaca isticmaalaha iyo passwoordka akawntigaaga arbetsformedlingen.se kaddib jag-sii ”Koppla konto till bank-id/e-legitimation”.
  • Waa dhamaysay! Mar labaad guda-gal adigoo isticmaalayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno (e-legitimation).

Adigoo ku sugan dal ka tirsan dalalka Midowg Yurub guda-gal

Si aad u isticmaasho adeegyada dijitaalka ah ee Xafiiska Shaqada haddii aad joogto waddan kale oo Yurub ah, waxaad u baahan tahay aqoonsi elektaroonig ah oo ku xiran nambarrada aqoonsiga ee Iswiidhishka ama nambarka aqoonsiga dadka aan sharciga lahayn. Ma soconeyso in la isticmaalo aqoonsiga caalamiga ah ee elektaroonigga ah si loo isticmaalo adeegyadayada dijitaalka ah.

Aqoonsigaaga elektarooniga waa Dukumeenti leh qiimo

Aqoonsigaaga elektarooniga waa aqoonsi shakhsiyeed, sida baasaaboorkaaga, liisanka kaxeynta baabuurka iyo kaadhka aqoonsiga. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo Aqoonsiga elektaroonigga ah si aan cid kale u galin. Bogga internet-ka ee Hay'adda Maareynta Digital Digital, DIGG, waxaad ka akhrin kartaa sida loo ilaaliyo Aqoonsiga elektarooniga.

Xafido Aqoonsigaaga elektarooniga