Yrkesintroduktionsanställning

Shaqaaleysiinta xirfad baridda waxaad ku baraneysaa xirfad, waxaad ku heleysaa khibrad, waxaadna kor ugu qaadeysaa fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid.

Waa maxay

Shaqaaleysiinta yrkesintroduktionsanställning waxay kaa dhigeysaa in aad xirfad baratid, isla mar ahaanta aad shaqeyneysid oo aad mushaar qaadaneysid. Inta aad shaqeyneysid waxaad caawimaad ka heleysaa gacanqabte. Ugu yaraan 15 boqolkiiba oo ka mid ah waqtigaaga shaqadu wuxuu ka koobnaanayaa waxbarasho ama gacanqabasho. Cidda ku shaqaaleysiineysa waxay isla mar ahaantaas heleysaa kaalmo loogu tala galay mushaarkaaga.

Shaqaaleysiin xirfad barid ah waxay noqon kartaa shaqo joogto ah ama mid waqti go’an soconeysa. Waxaad heli kartaa shaqaaleysiin xirfad barid ah ugu yaraan 6 bilood, ugu badnaanna 12 bilood.

Yaa loogu tala galay

Shaqaaleysiinta xirfad baridda waxaa loogu tala galay adigaaga ka yar 25 sano, waqti dheerna ahaa shaqo la’aanta, ama Swiidhan yimid goor dhaw. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • Waxaad jirtaa 15–24 sano, wax xirfad ahna khibrad uma lihid.
  • Waxaad jirtaa 15–24 sano, waxaadna ahayd shaqo la’aan, agteenna ayaadna ka qorneyd ugu yaraan 90 maalmood oo ka mid ah muddo afar bilood ah.
  • Waxaad buuxisay 25 sano, si buuxda ayaad shaqo la’aan u ahayd 12 bilood ee la soo dhaafay.
  • waxaad tahay qof dhawaan waddanka yimid oo ka qayb-qaata etableringsprogrammet ama leh etableringsplan.
  • Waxaad tahay qof waddanka ku cusub oo 36 bilood ee lasoo dhaafay helay degganaansho ama xubin ka ahaansho qoys dhalasho Midowga Yurub/Iskaashiga dhaqaalaha ee Yurub haysta ahaan ku helay kaar degganaasho.

Hal shardi sidoo kale waa in shaqabixiyuhu uu leeyahay heshiis wadajir ah iyo heshiis xirfad barid oo faraca shaqada ah.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waxaad, xiriirradaada ama adigoo annaga na soo maraya, ku heleysaa shaqabixiye doonaya in uu ku shaqaaleysiiyo.
  • Iska eeg in shaqabixiyuhu uu leeyahay heshiis wadajir ah iyo heshiis xirfad barid oo faraca shaqada ah (ama heshiis raaraca oo sidaas ah) oo loogu tala galay faraca shaqada..
  • Adiga iyo shaqabixiyaha ayaa dabadeed si wadajir ah isula soo saaraya qorshe waxqabasho.
  • Ka codso shaqabixiyaha in uu noo soo diro codsi uu la socdo qorshaha waxqabadku. Macluumaad loogu tala galay shaqabixiyaha iyo foomka codsiga waxaad ka heleysaa halkan:

Yrkesintroduktion – när du anställer en person utan erfarenhet

Markaas ka dib waa annaga cidda go’aan ka gaareysa in aad heleysid shaqaaleysiin xirfad barid. Shaqabixiyaha ayaa mas’uul ka ah in aad billawdid shaqadaada cusub iyo in aad shaqadaada ku heshid gacan qabashadi lagu heshiiyay.

Mushaharka

Waxaad xaq u leedahay ugu yaraan 75 boqolkiiba oo ka mid ah mushaarkaaga ku qoran heshiiska wadajirka ah ee shaqabixiyaha. Inta aad u qaadaneysid mushaar ahaan waxay ilaa heer ku xirantahay inta waqtigaaga ka mid ah ee ah waxbarasho ama gacanqabasho.

Shaqo-sugidda

Shaqo bixiyuhu wuxuu ballan qaadayaa in uu bixiyaa faa’iidooyinka shaqada ee heshiiska guud.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah